Monday 19 September 2011

Milkiilaha Tv Universal oo shaqadii ka ceyriyey Wariya Caanka ah ee Axmed Xasan Cowke iyo Bishaaro Bande kadib Aflagaado loo geystay Dowlada Jabuuti.




Sadax iyo Toban kii Bishan ayey aheyd markii uu Universal Tv sii daayey Barnaamij Ciida loogu talagalay baldse dib u dhacay kaasoo ay ku wareysaneysay Wariye Bishaaro Saxafiga Caanka ah ee Axmed Xasan Cowke Barnaamijkaa oo ahaa mid kamida Barnaamijyada aan joogtada aheyn looguna talagalay Wariyayasha in lagu waaya wareysto ayaa wuxuu si toosa u noqday mid lagu weeraro Jowlada Jabuuti iyo Shacabkeeda.

Bishaaro Baande oo aheyd Wariyihi barnaamijka wareysiga wariyaha daadihineysay ayaa iyadu la qaad qaadeysay hadalada ay aadka uga carootay Dowlada Jabuuti taasoo uu sheegay Wariye Axmed Xasan Cowke kaawa oo ahaa in Jabuuti shacabkeeda ay yihiin kuwa Cara badan iyo in ay tahay Meel kaneeco, kuleel iyo Koronto la`aan ah, isagoo sii raaciyey in uu kasii hadlo Siyaasada Dalka Jabuuti isagoo markaa ka faaloonaya kaligii talinimada qaarada Afrika ka jirta isagoo sheegay in qof aan Dadka jecleyn la leeyahaya wan ku jecelnahay noo joog kadibna qodob Dastuurka loo badalaayo.

Dowlada Jabuuti oo aad uga carootay arintan ayaa lasoo hadashay Milkiilaha Universal tv iyadoo dowlada ay ka andacooneyso aflagaadada qaawan ee ku baxday 13 bishan Barnaamij loo ekeysiiyey mid Ciidaha balse huwanaa Dareen siyaasadeed lagu weeraraayey Siyaasada iyo Shacabka Jabuuti taasoo ay aad ugu Riyaaqayeen labada Wariye ee Barnaamijka isugu martida ahaa,iyadoo sida ana xogtaan uga heleyno Dalka Jabuuti uu 17 bishan ka ceyriyey shaqada labadaa wariye oo iyagu ku faraxsanaa Barnaamijkan oo u ekaa mid siyaasadeysan.

Xogtan ayaa ilaha wareerdka anau ka helnay ay kusii eedeeyey in wariye Axmed Xasan Cowke iyo Bashaaraba loo maleynayo in ay ka danbeeyaan Mucaaradka Dalka Jabuuti gaar ahaan Maal qabeenka ween ee banaan jooga ka ah Dalka Jabuuti Cabdiraxmaan Boore walow aanan cadeyn dhaba loo heyn midaa hadana Talaabada uu qaaday Milkiilaha Universal tv ayaa noqoneysa mid uu ku bad baadinayey Ganacsigiisa maadama Dalka Jabuuti uu yahay Dal umad Soomaaliyeed ku nooshahay,waxaana dadka arimaha Saxaafada ku xeel dheer ku tilmaameen in ay tahay Talaabo qalada in barnaamij loogu talagalay Ciida lagu fur furto Aglagaado shacab iyo Xukuumadiisa .
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...