Friday 12 August 2011

Jen. Dhega-Badan "Cadaw nama hor-taagna meelo fog ayay BKM ka soo ridayaan, Ciidamada si taxadir bey ku socdaan"

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-Badan ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Dowladda ay si nabad ah kula wareegeen deegaano badan oo ay ka baxeen Al-Shabaab, isagoo sheegay in aanay jirin cadaw hor-taagan oo awoodooda u babac dhigi kara.

Isagoo wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Ciidamada ay ka taxadirayaan qorshe kasta oo ka yimaada dhinacyada ka soo horjeeda, waxaana uu tilmaamay inay la socdaan in qorshihii ay bedeleen.

"Ciidamada waxay dageen School Godey, Mirinaayo, Sanca, Maxamuud Axmed Cali, Suuqii Argentin, jidka Warshadaha waxay ka dageen Xaruntii Horn Afrik, Warshadii Biraha, Xero Jarmal iyo dhamaan meelo badan"ayuu yiri Jeneraal Dhega-Badan.

Waxaa uu sheegay in xabado ay kaga soo dhacayaan meelo fog fog ah, isla markaana aysan jirin wax ilaa iyo hada hor-taagan.

"Xabadaha BKM ayay meel fog nooga soo ridayaan Cadaw na hor-taagan ma jiro, sidaa la socotaan kooxaha jid iyo jaha-diidka waxay xeelad uga baxeen magaalada, anagana si taxadir leh ayaanu ku soconaa, waxay doonayaan inay nagu soo butaacaan oo na kala jaraan ciidankyaga, guri guri baan u galeynaa"ayuu sii raaciyay Jeneraal Dhega-Badan.

Mar wax laga weydiiyay Ciidamada Dowladda inay geystaan falal dhac iyo boob ayuu sheegay in aanay jirin warkaas, isla markaana uu yahay been abuur, waxaa uu ku eedeeyay Al-Shabaab inay iyaga ka dambeeyaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in goob kasta ay tagaan Ciidanka uu la shaqeeyo Odayaasha, Waxgaradka iyo Culumaa'udiinka, ayna kala kaashanayaan nabadgelyada.

Mar sidoo kale wax laga weydiiyay in Ciidamada Dowladda ay ahaayeen kuwii dhibka u geystay dadkii barakacayaasha ee Badbaado ku jiray ayuu sheegay in Ciidamada Dowladda aanay aheyn balse kuwo kale oo maleeshiyaad ay yihiin.

"Ciidamadeydu ma aheyn, waxaa la soctaan in Gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo Gobolka Banaadir inay min labo gaari tikniko heystaan, iyaga ay ka dambeeyeen, mana ahan kuwaas Ciidan"ayuu si kulul u yiri Jeneraal Dhega-Badan.

Si kastaba ha ahaatee hadalkan ka soo yeeray Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka ayaa ku soo aadaya xilli Ciidamada Dowladda KMG ay si tartiib tartiib ugu sii siqayaan goobihii Al-Shabaab ka baxeen dhowaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...