Wednesday 21 September 2011

Waa Kuma Burhaanudiin Rabaani? Dilkiisu Yuu Daaw u yahay (Warbixin).

somalimemo.netBurhanudiin Rabani oo ahaa madaxii wada hadalada nabada ee Afghanistan ayaa la sheegay in dilkiisa ay ka dambeyeen labo nin oo iska soo dhigay wafdi dhaaliban ka socda oo doonaya in wada hadalka la sheegayo ay ka qeyb qaataan kuwaas oo la sheegay in burhanudiin uu gurigiisa ku soo dhaweyey halkaas oo ku dhow safaarada mareykanka ee Kabul.


Max'ed Zahir oo ah madaxa waaxda dambi barista ee Kabul ayaa sheegay in sida ay warka ku helay in labadan nin ay ahaaayen rag magaca dhaaliban ku socday oo doonayey in burhanudiin ay kala hadlaan qaabka wada hadalka iyo sidoo kale heshiiska lala galayo xukumada ridada ah ee Xamid karzai waxaana uu tilmaamay in mid ka mdi ah Ragasi uu camaliyada istishhaadi ah goobta ku galay.

Marka loo eego qaabka uu howlgalku u dhacay waa nooc ka mid ah taatiikoyinka cusub ee imaarada maalmahan ay ku iqtiyaaleysay hogaanka xukumada ridada ah sida Axmed wali karzai ,taliyihii booliska Qandahar iyo madaxa kale oo golaha dhawaaqiida ka tirsan,balse midkan waa Qorshe ka farsamo badan midkii hore waqti badana lagu soo bixiyey.

Qofka camaliyada istishhaadiga ah ku galay burhanudiin Rabani ayaa walxaha qarxa ku watay Cimaamadiisa oo madaxa ugu doobneyd gaar ahaan hugga wayn ee reer Afghanistan lagu garanayo sida xukumada saraakiil u hadashay laga soo xigtay,waxaa sargaal kale o ka tirsan golaha wadahadalka oo halkasi ka agdhawaa u sheegay in weerarka geystay uu u soo dhawaaday burhanudin islamarkana uu gacantiisa ruxay isagoo u muuqda qof sharfaya islamarkana halkasi isku qarxiyey,waxaana uu dilay burhanudiin shan sargaal oo kale iyo qaar ilaaladiisa ka mid ah iyadoona sidoo kale ku xigeenkiisii uu halkasi ku dhaawacmay sida wararku shegayan.


Qof deris la ahaa burhanudiin islamarkana xilligii uu weerarku dhacayey halkasi kusgnaa kana mid ah dadka qarabada la ah ayaa sheegay in sida uu warku ku helay Ragasi ay walxaha qarxa ku wateen cimaadahooda islamarkna ay iska dhigayeen sida dad wafdi ah oo matalaya dhaaliban halkaasna ay ku dileen isaga iyo qaar ilaaladisa ka mid ah tiro kalena ay ku dhaawacmeen sida uu qofkan sheegay.

Burhanu diin Rabani waxaa uu dalka Afghanistan ka ahaa madaxweyne sanadihii 1992 ilaa 1996-dii xilligasi oo dowlada gaaladu aqoonsan tahay uu ku maamuli jirayn qeybo ka mid ah dalkasi,waxaana xukumadiisu burburtay markii imaaradii dhaaliban ay gacanta ku dhigtay magalada Kabul isna halkasi laga soo cayriyey,waxaa soo qabtay shaqooyin kala duwan iyo ururo kala duwan oo uu hogaan u so noqday,waxa uu ka mid ah dadkii ka soo qeybqaatay dagaalo kala duwan oo ka dhacay dalkasi gaar ahaan jihaadkii lala galay midowgii Sufiyetka,markii ugu horeysay waxa uu hogaamiye u ahaa “jamaca Al islami” koox lagu magacabo oo ka dagaalmi jirtay dalkasi xilligasi oo uu dalka dib ugu soo laabtay 1968-ka dib waxbarasho dibada ah oo uu ku maqnaa
Waxaa uu ku dhashay gobolka lagu magacabo Badakhshan,waxaana uu ka soo jeedaa qowmiyada lagu magacabo Tajik,waxbarasho ahaan waxaa uu ka qalin jabiyey Dugsi lagu magacabo Abu xanifa oo ku yaall Kabul isagoo ka dib shareecada islamka ka bartay jaamcad Kabul ka dib uu u sii gudbay dhanka masar halkaas oo uu jaamacada Azhar shahadada master-ka uu ka soo diyaariyey.

Markii uu dalka dib ugu soo noqday waxaa uu hogaamiye noqday kooxo kala duwan oo siyaasadeed isagoo ka mid ahaa qabqabalayahii dagaalka kula soo duubtay imaaradii islamiga ahyd ee afghan ka jirtay,waxaana ku firfircoonaa dagaalka ka dhanka islamka isagoo ilaa waqtigan soo taagnaa,waxaa uu hadda hormuud u dhagarcusub oo loo malegayey dadka musliminta iyo mujaahdinta sugaya miraha jihaadka.


Dabiixulah Almujaahid afayeenka Imaarada islamiga Afghanistan waxaa uu sheegay In dhaaliban rajadii ay lahayd ay ku guuleysatay islamarkana weerarkaasi uu najaxay isagoo xusay in ay geysteen labo nin oo muddo tababar ugu jiray Iqtiyaalka noocaas oo kale ah,waxaana uu ku goodiyey in mustaqbalka dhow Rag kale oo madax ah ay ku socdaan dhabahaasi lagu dilay Burhanudiin Rabani.

Source - Somalimemo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...