Friday 8 January 2010

Bosaso: Wariyihii VOA-da ee Gaalkacyo oo lasii daayay.

6. januar 2010

Bosaso(AllPuntland)- Maxamed Yaasiin Isxaaq oo ay 21 December ee sannadkii hore xireen ciidamada Sirdoonka ee Puntland ee loo yaqaano PIS-ta ayaa manta dib uhelay xoriyadiisii, sida uu uxaqiijiyey APL, isagoo laga sii daayay Xabsi kuyaala magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Maxamed Yaasiin oo Idaacada Codka Mareykanka uga warami jiray magaalada Gaalkacyo, ayaan la ogeyn ujeedada rasmi ah ee ka dambeysay xarigiisa, balse war uu baahiyey Wasiirka Warfaafinta ee Puntland C/xakiim Axmed Guuleed ayuu ku sheegay in ay uheysteen dambiyo ka dhan ah amaanka deegaanada Puntland.

Suxufiyiinta Puntland ayaa soo dhaweeyey sii deynta Max’ed Yaasiin Isxaaq, waxaana aan la ogeyn sababaha rasmiga ah ee lugu xiray Wariyahan.

Ururo kala gedisan ayaa cambaareeyey xariga Maxamed Yaasiin, hadana manta soo dhaweeyey sii deyntiisa, iyadoo ay ku macneeyeen xarigaasi mid muujinaya xadgudub cad oo ay warbaahinta ku hayaan Maamulka Puntland.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...