Saturday 9 January 2010

Guriceel: Odayaasha Guriceel oo baqdin ka qaba dagaal ka dhaca magaaladooda, kadib…

9. januar 2010

Guriceel(AllPuntland)- Odayaasha dhaqanka iyo dadweynaha magaaladaas ayaa bilaabay barakac xoog leh oo ay uga baxsanayaan dagaalo ka dhaca gudaha degmada Guriceel iyo daafaheda oo ay wararku sheegayaan in ay hada buux dhaafiyeen dhinacyada ku dagaalamaya gobalka Galguduud.

Al- Shabaab ayaa awood badan oo ciidan geysay gobalka Galguduud, markii ay todobaadkii hore gilgishay gobalka Galguduud magaalo Madaxdiisa ayna mudo kooban gacanta ku haysay magaalada Dhuusa-Mareeb.

Odayaasha dhaqanka qaarkood ayaa sheegay in aad uga walaacsan yihiin xaaladaha waqtigan ka jira gudaha gobalka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in ay wadeen maalmihii ugu dambeeyey kulamo kala gedisan, balse ay ku guuldareysteen xalinta arrimahaasi.

Saraakiisha Ahlu Suna ayaa sheegay in ay diyaar uyihiin dagaal ay la galayaan Xarakada Al- Shabaab, oo wacad ku martay in ay qabsan doonaan gobalka Galguduud iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, kana dhisayaan dawlad Islaami ah.

Xaaladaha gobalka Galguduud ayaa cirka ku shareernaa tan iyo markii ay Al- Shabaab soo galeen gudaha Dhuusa-Mareeb, isla markaasna Ahlu Suna oo ku shirsanaa Caabduwaaq ay ku kalifeen in ay joojiyaan shirkaasi, ayna ciidamo badan geeyaan gobalka Galguduud si ay uga hortagaan dhaqdhaqaaqyada Al- Shabaab.

Lama garan karo xaajada gobalka Galguduud sida noqon karto, xeeldheerayaasha ayaa ka dayrinaya dagaalo waqtigan ka curta gobalada dhexe ee Soomaliya, kuwaas oo saameyntooda ku yeelan doona guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaana gobalada dariska la ah Galguduud.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...