Saturday 4 May 2013

IGAD oo Isku Raacday In Maamul Dhisida Gobollada Dalka Looga Dambeeyo DF Soomaaliya & In la xurmeeyo dastuurka JF Soomaaliya (War Murtiyeed)



ADDIS ABABA (RBC) Shirkii 21aad ee aan caadiga ahayn ee madaxda wadamada ku jira Urur Goboleedka IGAD ayaa goordhow lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia iyadoo uu shir gudoominayey raysul wasaaraha wadanka Ethiopia.
Shirkan oo gebigiis diirada lagu saaray arrimaha  xasilinta iyo nabadgelyada Soomaaliya ayna dalbatay dawlada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa gebagabadiisa ka soo baxay war murtiyeed ka kooban 16 qodob iyadoo madaxda ka qeybgashay kulankan ay si cad u sheegeen in qorshaha xasilinta iyo maamul dhisida gobollada dalka ay hogaamineyso dawlada federaalka Soomaliya, halka IGAD ay yeeleneyso kaalin taageero.
Madaxda dawladaha ka soo qeybgalay shirkan
Waxaa shirkan ka qeybgalay madaxda wadamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD; Waxaana madaxda joogtay ay kala yihiin; Raysul Wasaaraha Ethiopia Hailamaram Desalegn, Madaxweynaha Kenya Uhuru  Kenyatta,, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha wadanka Koonfur Suudaan SalvaKiir Mayardit, Madaxweynaha Yugaandha Yoweri Kaguta Museveni, Wasiirka Arrimaha dibadda ee Suudaan Ali  Ahmed  Kharti, Wasiirka Arrimaha Xiriirka Caalamiga ee Jabuuti Axmed Cali Silay.
Shirkan oo bilawday shalay ayaa la soo gabagabeeyay maanta oo ah Sabti, waxaana khudbado ka jeediyey madaxdii ka qeybgashay, iyadoo kulanka uu gudoominayey raysul wasaaraha Ethiopia. [AKHRI Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad jeediyey]
Qodobadda ka soo baxay shirka
War murtiyeedkii gabagabada ee ka soo baxay shirka madaxda IGAD oo nuqul ka mid ah ay heshay Raxanreeb ayaa u dhignaa sidatan;-
1- Waxaa la xusay qiimeyna la siiyey dadaalada ay sameysay Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo tallaabooyinka wax ku oolka ah ee ay laqaaday bilihii dhowaa.
2- Waxaa la amaanay tallaabooyinka socda ee muhimka ah ee ay Dawlada Federaalka Soomaaliya ugu dhowaaneyso gobollada Soomaaliyeed arrinta ku saabsan sameynta qaab dhismeedka maamulo heer gobol ah.
3- Waxaa la cambaareeyay soo laba-kacleynta rabshadaha ka dhanka ah rayidka ee dhowaan ka dhacay Muqdisho, Waxaa kaloo la cambaareeyay dhammaan “Qaswadayaasha ah”.
4- Waxaa la xusay lana qiimeeyay isu soo dhowaanshaha sii kordheysa iyo isku imaatininta xagga aragtiyaha iyo garab istaagga ka dhexjirta xubnaha dawladaha IGAD iyo taageerada dawlada federaalka Soomaaliya. Iyadoo taas laga duulayo ayaa waxaa la xuday qiimeynta ay leedahay isu imaatinkii dhexmaray madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ka dhacay Mombaasa 27-April-2013, waxaana la soo dhoweeyay war murtiyeedkii isfahamka ahaa ee ay wadajirka ay u soo saareen kaasoo cadeynaya mabaadii’da isu imaatinkaasi. Iyadoo taasi jirto ayaa lagu dhiirigeliyey in si buuxda loo fuliyo.
5- Waxaa qiimeyn la siiyey dadaalada raysul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn qeybtii uu ka qaatay fududeynta isu soo dhowaanshahaasi isagoo ah guddoomiyaha IGAD.
6- Waxaa la xusay iyadoo la qiimeeyay lana soo dhoweeyay qoraalkii dawlada federaalka Soomaaliya ee cinwaankiisu ahaa “Qorshaha Qaran ee Xasilinta” waxaana lagu celiyey markale baahida loo qabo in geedi socodka gaar ahaan, dadaalada hadda socda ee ku wajahan sameynta maamulada Soomaaliyeed ee heer gobol iyo dadaalada xasilinta inay sal u noqdaan qodobada soo socda;
B- In dawlada federaalka Soomaaliya ay hogaamiso geedi socodka.
T- In la xurmeeyo dastuurka ku-meelgaarka ah ee la ansixiyey ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
J- In dhamaan dadka Soomaaliyeed ay ku jiraan geedi socodka hawsha.
X- In IGAD ay ku yeelao kaalin taageero ah ayna ku saleysnaato sida ay muhimadaha u kala siiso dawlada federaalka Soomaaliya.
KH- Dagaalka Al Shabaab inuu yahay diirada aas aasiga ah ee dawlada federaalka Soomaaliya, AMISOM iyo saaxiibada heer gobol iyo kuwa caalamiga ahba.
D- Waxaa si dheeraad ah looga codsaday dawlada federaalka Soomaaliya inay isku xirto/ waafajiso dukumintiga iyo shanta qodob ee sare lagu soo sheegay.
7- Waxaa lagu celiyey markale in dawlada federaalka Soomaaliya ay iska leedahay hogaaminta iyo muhimad u kala yeelida xasilinteeda iyo dib u dhiska hab loo wada dhan yahay.
8- Waxaa la muujiyey baahida loo qabo in geedi socodka lagu soo daro qaab dhismeed jiritaan leh iyo barnaamij ay si tartiib tartiib ah ugu soo laabanayaan qoxootiga iyadoo si firfircoon ay uga qeybqaadanayaan dadka qurbejoogta ah, iyadoo taasi jirto ayaa loogu baaqay hay’adda UNHCR iyo beesha caalamka ay horumariyaan wadiiqooyin ay dadka qoxootiga ah si iskood ah oo badqabta ay ugu soo laabanayaan, lana sameeyo dib u dejinta qoxootiga Soomaaliyeed iyadoo leh waqti.
9- Waxaa loogu baaqay inay dhammaan dhinacyada taladu ka go’do ballanqaadaan inay taageeraan barnaamijka siyaasadeed iyo dib u heshiisiineed ee ay dawlada federaalka Soomaaliya hormuudka ka tahayiyo dhismaha awooda dawlada federaalka Soomaaliya gaar ahaan dawladnimada, horumarinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta waaxda amaanka.
10- Waxaa la go’aamiyey in la qaado socdaal kalsooni-dhisid ah oo lagu tagayo Kismaayo, waxaana socdaalkan hogaamin doona Xigheynta Fulinta IGAD waxaana xubno ka noqonaya dawlada federaalka Soomaaliya iyadoo dawlad kasta oo IGAD xubin ka ahna ay ku yeelaneyso wakiil sare, waxayna ujeedadu tahay inay xaalada soo qiimeeyaan, ayna soo gudbiyaan warbixin ku saabsan xaalada oo ay u soo gudbin doonaan shir madexeedka IGAD kaasoo lagu dhinac qaban doono shir madexeedka Midowga Afrika ee dhacaya bishan May 2013.
11- Waxaa hoosta laga xariiqay in si deg deg ah loo fuliyo qorshaha isku dhafida ciidamada iyadoo ay qeyb ka tahay qorida iyo tababarida saraakiil dhalinyaro, waxaana la muujiyey baahida loo qabo in la isku duwo dadaalada ay wadaan dhamaan dadka talada ka go’do iyadoo la hoos imaanayo hogaanka dawlada federaalka Soomaaliya.
12- Waxaa la xusay lana qiimeeyay ka go’naasha ciidanka AMISOM, geesinimada iyo ka go’naashaha ciidamada amaana qaranka Soomaaliya iyo taageerada ay bixinayaan dhammaan wadamada ciidamada geeyay Soomaaliya iyo kuwa booliska geeyay (Burindi, Djibouti, Kenya, Nigeria, Sierre Leaone, iyo Uganda) iyo sidoo kale Ethiopia.
13- Waxaa loogu baaqay wadamada ciidamada geeyay Soomaaliya iyo kuwa booliska geeyay iyo ciidamada xooga dalka Soomaaliya inay ballaariyaan hawlgalladooda, ayna si deg deg ah ula wareegaan deegaanada harsan ee weli gacanta ugu jira Al Shabaab.
14- Waxaa markale la xaqiijiyey isgarabtaaga xooga ee ka dhexeysa xubnaha IGAD iyo ka go’naantooda ah inay taageerayaan isbedelada ay dawladu hormuudka ka tahay dhowr meelood oo muhimad u leh, iyadoo uu soo dhowyahay shirka London ee la qabanayo 7-da bishan May 2013, waxaa laga codsaday beesha caalamka inay inay laban-laabaan taageeradooda xasilinta Soomaaliya, dib u dhiska iyo horumarinta mudada fog ee Soomaaliya iyadoo sal looga dhigayo mabaadii’da ku xusan qodobka 6aad.
15- Waxaa la xusay Qaraarkii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee 2093, waxaana la muujiyey rajada laga qabo in barnaamijkaasi uu horey u marin doono dadaalada dib u dhiska iyo kaalinta Soomaaliya ee gobolka iyo in lagu dhisi doono horumar ka dhashay hawlgalka AMISOM, iyo inay buddhig u noqoneyso dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.
16- Waxaa hoosta laga xariiqay in dagaalka Al Shabaab uu yahay walaaca koowaad ee ku wajahan xaqiijinta xasilinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Waxaa lagu saxiixay Addis Ababa, Ethiopia 3 May, 2013.

1 comment:

Anonymous said...

Adding much more superior extra fat will help hold you fuller longer, and enable assist in burning all those body fat
outlets which you not have to have.

My web blog :: Share Group

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...