
Waxaa C/weli Gaas wafdigiisa ku jira siuyaasiyiin iyo xubno ka mid ah u ololeeyashiisa dhanka tartanka madaxtinimada waxaana lagu wadaa in maanta ay gaaraan caasimada dalka ee Muqdisho. Waxaana la filayaa in isaguna maanta si weyn loogu soo dhoweeyo garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho halkaasoo taageerayaashiisa ay isugu imanayaan.
Wariyaha Raxanreeb ayaa soo sheegaya in dhanka kale goordhow magaalada Muqdisho ay ka bilaabaneyso xaflad ballaaran oo C/weli Gaas kaga dhawaaqi doono afkiisa inuu yahay MUSHARAX madaxweyne markii ugu horeysay. In ka yar 15 maalmood oo kaliya ayaa hadda ka harsan waqtiga loo ballansan yahay doorshada madaxweynaha walow saxiixayaasha laftooda ay isku khilaafsan yihiin doorashada sida ay u dhacayso.
Xafladan waxaa hormuud ka ah qabanqaabadeeda marwada raysul wasaaraha Drs Hodan Ciise oo beryahanba ololaha doorashada qeyb ka qaadaneysay. Waxaa lagu wadaa in C/weli Gaas uu khudbad ka jeediyo xaflada caleemo saarkiisa uuna kaga hadlo arimo kala duwan oo ay ku jiraan waxqqabadka xukuumadiisa mudadii sanadka ahayd ee ay jirtay.
Sheekh Shariif oo loo banaanbaxayo
Dhanka kale waxay xaflada caleemosaarka C/weli Gaas barbar socda bannaanbax ballaaran oo madaxweynaha waqtiga ka dhamaanayo Sheekh Shariif uu ka qeybgalayo kaasoo lagu maamuusayo bixitaankii ururka Al-Shabaab ay ka bexeen magaalada Muqdisho oo ku beegan 6-da bisha Agoosto oo maanta ku beegan.
Dibadbaxan oo uu qabanqaabiyey gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan waxaa kaloo lagu taagerayaa madaxweyne Shariif oo shalay shirkii kooxda saxiixayaasha ka soo baxay kadib markii saxiixayaasha dhexdooda ay iskhilaafeen.
Lama oga in raysul wasaare C/weli Gaas uu tagayo mudaaharaadka Muqdisho ka dhacaya oo qabanqaabadiisa ay leeyihiin taageerayaasha madaxweynaha.
La soco Raxanreeb si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah.
RBC Radio
No comments:
Post a Comment