Sunday, 30 October 2011

Madaxweyne Shariif oo Lumiyey Xukufadiisa ‘Aala Sheekh’ iyo Kulamo ka Dhan ah oo ka Socda Caasimada (Warbixin)

Share
Muqdisho (RBC) Waxaa beryahan magaalada Muqdisho ka soconayey kulamo xiriir ah oo ay yeelanayeen xubno isugu jira siyaasiyiin, xildhibaano ka tirsan barlamaanka KMG iyo waxgarad aad ugu dhowaa madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa soo baxaya in taageerayaashii madaxweynaha ay si weyn u sii kala tagayaan.
Kulamadan xiriirka ah ayaa waxaa hormuud ka ah rag ka tirsanaan jiray xukufada madaxweynaha oo dadka reer Muqdisho u yaqaanaan kooxda ‘AALA SHEEKH’ kuwaasoo beryihii u dambeeyey aan ku qanacsaneyn siyaasadaha madaxweynuhu la soo baxay, gaar ahaan qaabkii uu xilka uga tegey raysul wasaarihii ugu dambeeyey Maxamed C/laahi Farmaajo iyo qodobadii ka soo baxay shirkii wadatashiga ee bishii September ka dhacay Muqdisho.
Kulamadan oo ka dhacayey hotelo iyo guryo ayaa waxaa si weyn loogu lafa guray sida xulufadii hore ee madaxweynaha ay u yeelan lahaayeen aragti mideysan ka dibna ay u qaadan lahaayeen itijaah dhanka siyaasada si ay mustaqbalka ula jaanqaadaan.  Waxaana jira go’aano laga soo saaray kulamadaasi.
Shabakada Raxanreeb ayaa markii ugu horeysay la siiyey go’aanada ka soo baxay kulamadan oo soo bilawday bishii September dhamaadkeeda, waxaana jira in kulamadan ay ku soo biireen xildhibaano kale oo ka baxsan kooxda Aala Sheekh.
HADDABA QORAALKII LAGA SOO SAARAY KULAMADAASI OO RAXANREEB LA SIIYEY WAA KAN:-
_____________________________________________________________________
JAMHUURIYADDA  SOOMAALIYA
Taariikh: 22 Sep. 2011
HORDHAC
20/09/2011 Waxaa kulan gaar ah isugu yimid xubnaha baarlamaanka beelaha hawiye  si ay uga arinsadaan natiijadii kasoo baxday shirkii wadatashiga ee lagu qabtey magaalada muqdisho 04-06 sep.2011. Shirkaas oo uu shir gudoominayay Xildhibaan Xaaji Shukri Sheekh Axmed.
Kulanku wuxuu warbixin ka dhegeystey xubnihii shirka ka qayb galay kadibna is xog  wareysi ka yeesheen warbixintii ay dhegeysteen, falanqayn iyo talooyin kadib waxaa la magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo soo ururiya dooddii la is waydaarsaday soona qaabeeya talooyinkii lasoo jeediyey muddo laba maalmood ah.
Guddigu wuxuu kulan yeeshay  21-22 sep. 2011 falanqayn kadib guddigu wuxuu soo saaray qoraalkan.  
AJENDA
  1. DIB U EEGIDDA (ROAD MAP-KA)
  2. HANNAANKA KA QEYBGALKA SHIRARKA SIYAASADDA SOOMAALIYA.
  3. SIDA LOOGA GUDBI KARO HABKA 4.5
  4. SIDA LOOGA GUDBI KARO KUMEELGAARKA
  5. DIB U HABEYNTA BAARLAMAANKA (REFORM)
  6. DHAMEYSTIRKA DIB U XOREYNTA DALKA
  7. DHISMAHA MAAMUL GOBOLEEDYADA
  8. DHAMAYSTIRKA DIB U HESHIISIINTA
  9. WAA AYO (STAKE HOLDERS) DADKA TALADA KA GO’DO?
10.  DOORKA BARLAMANKA EE GARGAARKA IYO DIB U DEJINTA BARAKACAYAASHA
  • DIB U EEGIDDA (ROAD MAP-KA)
Waxay ahayd tallaabo wanaagsan oo dhiirrigelin iyo yididiilo leh in shirka lagu qabto gudaha soomaaliya gaar ahaan caasimadda.
Hase yeeshee waxaa muuqda dhaliilo xooggan oo dhaawici kara ka miro dhalinta shirarka soomaaliyeed, waxaana  isasoo taraya welwel iyo walaac fara badan oo ay ka qabaan dhamaan qaybaha bulshada soomaaliyeed iyo xubnaha baarlamaanka shirkii wadatashiga ee lagu qabtay magaalada Muqdisho sababtuna waxay tahay:
1. Ergooyinka shirka oo aan lagu wicin hab sharciga waafaqsan.
2. Ergooyinka oo aan loo sinayn marka laga eego xagga qabaa’ilka iyo deegaannada.
3. Natiijada shirka kasoo baxday oo aan u adeegeyn danta dalka iyo dadka soomaaliyeed.
4. Jidka wax lagu wado oo talada dalka ka bixinaya gacanta soomaaliyeed.
Sidaa darteed waxaan ku talinaynaa:
1. In la hor keeno baarlamaanka si loo saxo khaladaadka muuqda ee ku jira Road mapka.
2. In fursad loo siiyo qaybaha kala duwan ee bulshada in ay aragtidooda ku biiriyaan talana ka dhiibtaan road map-ka.
  • HANNAANKA KA QEYBGALKA SHIRARKA SIYAASADDA SOOMAALIYA.
Shirarka Soomaaliya ee awood qeybsiga siyaasadda waxaa hareeya khilaaf la xiriira meesha laga billaabayo iyo cidda xaqa u leh in ay kataliso aayaha siyaasadeed lagasoo billaabo daakhiliyadii, gobanimadii, kacaankii iyo ka dib, laakiin laga soo billaabo shirkii Carte oo lagu soo dhisay dowladdii TNG ilaa maanta dadka Soomaalidu waxa ay isla garteen wax ku qaybsiga hannaanka 4.5 kaas oo ilaa hadda lagu dhaqmo.
Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah mar kasta oo la qabanayo shir siyaasadeed hanoqdo heer dowladeed ama heer shacab  in la tixgeliyo nidaamkaas horey loogu heshiiyey ergooyinkana lagu waco habka 4.5 si looga nabad galo kala shaki iyo is qabqabsi cusub oo siyaasadeed.
  • SIDA LOOGA GUDBI KARO HABKA 4.5
Wax ku qaybsiga nidaamka 4.5 ma aha habka ugu fiican ee wax loogu qaybin karo dadka soomaaliyeed hase yeeshee waxa lagama maarmaan ka dhigay markii la waayey amni iyo degganaansho siyaasadeed oo suurto gal ka dhiga in wax  lagu qaybsado nidaamka axzaabta, taasoo sababtay in la waayo meel ka sokeysa in loo noqdo nidaamka qabaa’ilka ilaa haddana waxaa cad in aan la gaarin habka axzaabta.
Haddaba si looga gudbo nidaamka 4.5 waxaa loo baahanyahay waxyaabaha soo socda:
-          Amni iyo kala dambeyn dalka wada gaarta.
-          Dhismaha maamullada heer gobol iyo heer degmo.
-          Tirakoobka dadka.
-          Dastuurka oo afti loo qaado kadibna lasoo doorto baarlamaan ku salaysan tirada dadka heer qaran ,heer gobol iyo heer dagmo (one man one vote) sida ku cad qodobka 11aad ee axdiga kmg.
Sidaa darteed waxaan ku talinaynaa in ergada shirka soo socdo lagasoo xulo qabaa’ilka soomaaliyeed laguna keeno habka 4.5 maadaama aan weli laga gudbin hannaankaas isla markaana aanay beelaha Soomaaliyeed wada lahayn maamul goboleed si uusan u dheellin miisaan siyaasadeedka qaranku.
  • SIDA LOOGA GUDBI KARO KU MEELGAARKA
Marka Iadoonayo in laga baxo kumeelgaarka waxaaa jira laba hab oo kala ah:
1. In la helo jawi nabadgelyo oo lagu tirokoobi karo dadka, kadibna dastuurka cusub loogu qaado afti qaran, dowladduna waa in ay magacawdo guddiyadii hawshaas qaban lahaa, sida uu qabo axdiga kmg.
2. In la magacaabo tiro la eg tirada baarlamaanka  oo lagana soo xulay qaybaha kala duwan ee bulshada kuna salaysan nidaamka 4.5 Sida: Culimada diinta, Aqoonyahannada, Hoggaanada dhaqanka, Ganacsatada, Haweenka iyo Dhalinyarada, sidaasna lagu ansixiyo dastuurka.
  • DIB U HABEYNTA BARLAMANKA (REFORM)
Waxaa laysku waafaqsanyahay in ay lagama maarmaan tahay yareynta tirada baarlamaanka iyo tayeyntiisa, hase yeeshee waxaa wanaagsan inay noqoto mid uu baarlamaanku isagu dib u habeyn isku sameeyo iyadoo la raacayo habraac iyo Criteria lagu heshiiyey.
  • DHAMEYSTIRKA DIB U XOREYNTA DALKA
Waxaan ognahay in qeybo badan oo dalka ka mid ah ay gacanta ugu jiraan  argagixisada sidaas awgeed waxaa waajib ah in laga shaqeeyo sidii dalka looga xoreyn lahaa, gacanta dowladduna ay gaari lahayd dalka oo dhan si ay u suurto gasho dhismaha maamullada dalka. Sidaas daraadeed xukuumadu waa in ay la timaadaa qorshe lagu nabadeeyo deegaanada ay shabaab ka baxeen laguna xoreeyo kuwa gacanta ugu jira iyadoo kaashanaysan xildhibaanada iyo bulshada qaybaheeda kale.
  • DHISMAHA MAAMUL GOBOLEEDYADA
Dhismaha maamul goboleedyada waxay kamid tahay waajibaadka dowladda welina aan wax laga qaban, sidaa darteed waa in ay dowladdu dhistaa sida ugu dhaqsaha badan, Shacabkuna waa in uu dhistaa maamul goboleedyo si waafaqsan axdiga kmg, dowladduna waa inay dhiiri gelisaa sidii ay goboladu u dhisan lahaayeen maamulladooda. Baarlamaankuna waa inuu dadajiyaa shariga dhismaha maamul goboleedyada.
  • DHAMAYSTIRKA DIB U HESHIISIINTA
Dowladda KMG waxay ku timid qaab dib u heshiisiin ah waajibaadkeedana waxaa kamid ah dhamaystirka wixii ka dhiman dib u heshiisiinta, tan iyo inta uu mucaarad jirana waajibkaasi waa taaganyahay, sidaa darteed waa in ay dowladdu dadaal dheeraad ah gelisaa raadinta iyo soo dhoweynta mucaaridka si loo joojiyo dhiig baxa soomaaliyeed loona helo amni, degganaasho siyaasadeed iyo midnimo qaran. Waxaan si wayn u amaanaynaa nabadgelyada iyo xasiloonida Somaliland ka jirta. Waxaan uga mahadcelinaynaa kaalintii soo dhoweynta ay u fidiyeen walaalahooda Soomaaliyeed ee u qaxay xiligii colaadaha ay sida xooggan u socdeen. Sidaas daraadeed waxaan ku baaqaynaa in lala furo wadahadal toos ah Somaliland, waxaana ugu baaqaynaa walaalaheen in dib u eegid ku sameeyaan mawqifkooda siyaasadeed kaalin xoog lehna ay ka qaataan dib u heshiisiinta Soomaaliya.
  • WAA AYO DADKA TALADA KA GO’DO (STAKE HOLDERS)?
Dadka talada dalka ka go’do (Stake holders) waa dhamaan dadka Soomaaliyeed waana in qof kasta oo Soomaali ah loo madax banneeyo xaqa uu u leeyahay  ka qayb galka talada dalka iyadoo loo marayo axdiga kmg ah iyo shuruucda dalka, sida uu qabo axdida kmg qodobka 1aad  faqrada 1aad.
 “Dhammaan awoodda siyaadada waxaa leh dadka Soomaaliyeed, waxayna ugu dhaqmi karaan si toos ah iyo si dadban iyagoo u maraya wakiilladooda si waafaqsan axdiga iyo shuruucda dalka”
  • DOORKA BARLAMANKA EE GARGAARKA IYO DIB U DEJINTA BARAKACAYAASHA
Waxaa dalka ka jira abaar baahsan oo sababtay in ay dadku ka barakacaan deegaanadoodii kadib markii beerihii ay be’een  xoolihiina ka dhamaadeen biyo iyo baad la’aan darteed, iyadoo ay usii dheertahay colaadda raagtey ee haysatay shacabka soomaaliyeed abaarta ka hor.
Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in baarlamaanku uu door muuqda ka qaato gargaaridda dadka tabaalaysan iyo dib u dejinta degaanadii ay dadku horey uga qaxeen gaar ahaan degaannada gacanta dowladda soo galay.
Sidoo kale waxaan xukuumadda ugu baaqeynaa in ay ka shaqeyso sidii kaalmooyinka loo gaarsiin lahaa meelaha ay dhibaatada ka jirto ee gobollada dalka.
Waxaa xusid mudan in ay adag tahay ku noqoshada degaannadii dagaallada looga barakacay, adeegyadii bulshada oo ka maqan awgood oo ay ka mid yihiin:
1. Biyo iyo koronto la’aan
2.Suuq iyo dukaamo wax laga iibsado oo aan jirin
3.Dhulka oo howd noqday
4.Jidadka oo burbursan ama bacaad fariistey
Sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda gaar ahaan gobolka banaadir in ay arrimahaas si degdeg ah wax uga qabtaan iyagoo kaashanaya xubnaha baarlamaanka, ganacsatada iyo hay’adaha samafalka.
Sidoo kale waxaan ku talinaynaa in maamulka gobolka Banaadir loo oggolaado qoondo dheeraad ah si wax looga qabto culayska dib u dejinta barakacayaasha.
 Gabagabo:
Waxaan soo jeedineynaa in Xildhibaannada Hawiye ay yeeshaan guddi dabagal ku sameeya meel marinta ajendayaashan una istaaga danaha beesha ee siyaasadeed mid fog iyo mid dhowba. Waxaa lagama maarmaan ah in guddigu uu ka shaqeeyo midnimada iyo isku soo dhaweynta aragtida siyaasadeed ee xubnaha Hawiye ee ka soo qeyb galaya Shirarka siyaasadeed.
Mahadsanidiin..
MAGACYADA GUDDIGA
  1. Nuur Wabar Cabdi
  2. Yuusuf Geelle Ugaas
  3. C/raxmaan Maxamuud Faarax (Janaqow)
  4. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  5. Mustaf Sh. Cali Dhuxulow  
  6. Muuse Nuur Amiin
  7. Ibraahim Sheekh Cali (Jeebbo)
  8. Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere)
  9. Ibraahim Xabeeb Nuur
    10. Daahir Maxamuud Geelle
    11. Cali Maxamuud faarax (Seeko)
    12. C/raxmaan Maxamed Macallim
    13. Cumar Islow Maxamed

Guddoomiyaha Xildhibaannada Hawiye
Xildhibaan Xaaji Shukri Sheekh Axmed

No comments: