Sunday 17 June 2012

Madaxweyne Shariif Sheekh oo Wareegto uu soo saaray ku laalay Qodobbo ka mid ah Axdiga KMG ah ee Soomaaliya

 
Axad, June 17, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa wareegtu uu maanta soo saaray ku laalay ama ku diiday qodobbo ka mid ah axdiga KMG ah ee Soomaaliya, kuwasaoo lagu sheegay inay ka horimaanayaan fulinta heshiiska Roadmap-ka.
Qodobbada uu diiday madaxweynaha ayaa waxay kala yihiin: qodobka 28-aad ee axdiga KMG ah farqaddiisa koowaad, qodobka 33-aad xarafkiisa C, qodobka 34-aad iyo qodobka 11-aad farqadiisa saddexaad xarafka B.

Madaxweynuhu wuxuu wareegtadiisa ku sheegay in qodobbadan uu diiday markii uu arkay in dalka uu xaalad adag ku jiro, isagoo sheegay inuu amarkan bixinayo isagoo cuskanaya qodobadii kasoo baxay heshiisyadii, Garoowe, Gaalkacyo iyo Addis Ababa.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu wareegtadiisa ku sheegay in isagoo adeegsanaya awoodaha sharciga waafaqsan iyo qodobbada qaarkood ee ku xusan dastuurkii 1960-kii uu diiday qodobbadan si uu u fuliyo waajibaadka ka saaran xiliga kala guurka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Wareegtada uu madaxweyanaha Soomaaliya soo saaray maanta ayaa waxaa lagu sheegay inay dhaqan-galayso markii lagu soo saaro faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Dhammaan qodoobbada uu diiday madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay salka ku hayaan howlaha baarlamaanka Soomaaliya oo awooddiisuu uu isagu la wareegay iyo ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya oo qodobbadan mid ka mid ah uu dhigayo in shacabku ay ansixiyaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...