Xarunta Odoyaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa ka dib ku lan ay maanta ku yeesheen wasiiro ka tirsan xukuumada KMG iyo odoyaasha dhaqanka ayaa gaba gabadii waxaa ka soo baxday in arintaasi dib loo dhigo.
Odayaasha dhaqanka ayaa u sheegay xubnaha golaha wasiirada in dib loogu dhigo soo gudbinta ergada ansixinaysa dastuurka Cusub islamarkaana muddo saddex cisho ah loogu daro oo la gaarsiiyo ilaa lixda bishaan.
Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in dastuurka uusan bislayn ama uusna hagaajisnayn iskabadaa in lasoo bandhigo eragadii ansixin lahayd dastuurka oo la doonayo in gabi ahaanba la ansixiyo 12 bishaan.
Ku Simaha Raysal Wasaaraha Soomaaliya ahana wasiirka ganacsiga C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa carabka ku dhuftay in Odoyaasha dhaqanka ay muhiim tahay in waqtigii loogu talagay aay ku soo xuleen ergada ansixinaysa dastuurka.
C/laahi Goodax Barre oo ah Wasiirka qorshaytna iyo xiriirka caalamiga ee xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in odayaasha ay deg deg kusoo bandhigaan ergada ansixinaysa dastuurka isaga oo sheegay inu yar yahay waqtiga lana doonayo in 12-ka Bishan la bilaabo shirarka lagu ansixinayo dastuurka.



No comments:
Post a Comment