Wednesday 4 July 2012

Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Berbera si Diirran Loogu soo Dhaweeyey

Berbera(RBC):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, ka dib markii ay soo dhammaysteen safar shaqo oo ay muddo toddobaad ka badan ku joogeen magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa waxa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Berbera Wasiirro Xukuumadiisa ka tirsan, Xildhibaannada Baarlamanka, Agaasimayaal, Maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera, Masuuliyiin iyo dadweyne kale oo badan, kuwaas oo uu Madaxweynuhu isaga oo dhoolla-caddaynaya salaamayey.
Intii uu Weftigan Madaxweynuhu ku sugnaa Dubai waxay magaaladaa kulammo ku wada-yeesheen Madaxweynaha dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Masuuliyiinta sarsare ee dawladda Imaaraadka Carabta, Ganacsato Carbeed iyo Hoggaamiyaha SSC Saleebaan Xagla-toosiye. Waxay Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo wada sexeexeen dhaqangalka heshiis siddeed qodob ka kooban oo ay soo wada saareen Guddiyo ay u magacaabeen wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo 21-kii bishii June shir ugu soo xidhmay waddanka Ingiriiska iyo war-murtiyeed afar qodob ka kooban.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha Berbera Warbaahinta kula hadlay, waxa uu sheegay inuu guul ugu soo dhammaaday Safarka ay Dubai ku tageen, isla markaana kulanka dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya uu guul u yahay gooni-isu-taagga ay Somaliland ku dhawaaqday 18 May 1991, koboca xidhiidhka Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidoo kale isu socodka labada Bulsho.
Waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay inay wax weyn Somaliland u tahay in la simo kaalmooyinka la siiyio Soomaaliya iyo Somaliland oo uu sheegay in Dubai lagaga dhawaaqay, iskaashiga nabadgelyada oo laga wada shaqeeyo iyo inuu wadahadalku sii socdo.
Sidoo kale, Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inay guul tahay in wadahadal ay la yeeshaan Saleebaan Xagla-toosiye, Ganacsato Maal-gashi Somaliland ku sameeya iyo madaxda dawladda Imaaraadka oo uu sheegay inay kala hadleen sidii ay Somaliland uga caawin lahaayeen dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin xidhiidhka ganacsi iyo sidii Somaliland looga kaalmayn lahaa dhinacyada abaaraha iyo horumarinta arrimaha bulshada.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyey ee ay Somaliland yeelato ee wadahadal la bilaaba Madaxda dawladda dalka Soomaaliya, tan iyo markii lagu dhawaaqay inay Somaliland gooni uga istaagtay dalka Soomaaliya 18 May 1991-kii oo lagaga dhawaaqay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaanay Xukuumadda iyo inta badan bulshada reer Somaliland u arkaan in bilawga wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya guul badan keeni karaan labada dhinac-ba.

RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...