Monday 27 November 2017

Daawo Muuqaal “Laba Nin Oo Tuugo ah Oo xabsiga U Taxaabay Ninkii Ay Dhaceen


Habeen habeenadda kamid ah labba tuug ayaa u dhacay qasri aad u wayn, tuugadii mid kamid ah ayaa wuxuu ahaa nin da’ ah, isla markaana khabiir ku ah tuugnimadda, halka midka kale uu ahaa wiil dhallinyaro ah oo markaasi tababar xagga tuugnimadda ku socotay.
Labadii tuug markii ay qasrigii u dhaceen, waxay haleen, qasnadii lacagta ugu jirtay ninkii qasriga lahaa, iyaga oo aanan jebin qasnadii ayeey waxay heleen furihii sirta ahaa (Password-kii), waxay lasoo baxeen lacagtii ku jirtay qasanadda, tuugii yaraa ayaa damcay in uu baxo, laakiin tuugii khabiirka ahaa ayaa u sheegay wiilkii in aysan meel u socon.
Tuugii yaraa ayaa wuxuu ku yiri: “war ninyahoow waa intaas oo inala qabtaa, kadibna xabsiga noola taxaabaa, inaga keen meesha, tuugii khabiirka ahaa ayaa dhoola cadeeyay, wuxuuna lacagtii kasoo saaray qasandda isaga oo dulsaaray qasnadii dusheeda, kadibna soo qaatay 3 koob iyo dhalo /quraarad qamro ku jirto, saddextii koob ayuu saddex meel kala dhigay oo qamradii ku shubay, kadibna turub ayuu lasoo baxay oo saddex meel u qaybiyay, kadibna wuxuu wiilkii amray in uu shido ama daaro muusik, kadibna musikadda uu kor u dheereeyo.
Wiilkii tuuga ahaa ayaa arrintii ka diiday, tuugii waynaa, una sheegay in arrintaasi tahay fashil, ama lamacno tahay, kaalaya ina xidha, muddo kadib markii ay doodayeen ayuu wiilkii yaraa taladii yeelay, wuxuuna kor u dheereeyay muusikadii, kadibna u fadhiistay in uu cayaaro turubkii.
Waxbaddan kama soo wareegin oo ninkii qasriga lahaa ayaa maqlay dhawaqa muusikadda korkalooqaaday, wuxuuna gartay in dhawaqa uu ka baxayo qasrigiisa dhaxdii gaar ahaan halkii qasnadda u tiilay, markiiba wuxuu soo qaatay bistooladiisa, wuxuuna dul yimid labadii tuug, kuna yiri:
“Tuugayahoow dhiga lacagta, hadii kale waan idin dilayaa” tuugii waynaa ee khabiirka ahaa marnaba kama cabsan hadalka ninka qasriga leh, oo wuxuu saaxiibkiis ka codsaday in cayaarta sii wataan, ninkii qasriga lahaa ayaa arrintii ka yaabay, wuxuu la xiriiray booliska, muddo gaaban kadib booliskii ayaa goobta soo gaaray.
Ninkii qasriga lahaa ayaa hadalkii qaatay oo yidhi: Askari nimankaan waxay doonayaan in ay lacagtayda
iga xadaan, waxaana ku qabtay iyaga oo lacagtii lasoo baxay, ninkii tuuga ahaa ayaa hadalkii ka hor yimid oo booliskii ugu andacooday sidaan: “Askari ninkaan waa beentiis, isaga ayaa inoo yeedhtay, oo inaga codsaday in aan wada caayaarno qamaar, markii uu khasaaray lacagtii ayuu inagu yiri: “Lacagta ii celsha ama waan idin dilayaa, oo waatan uu bistooladda inoo soo qaatay!.
Askarigii ayaa xaaladda qiimeyn ku sameeyay, wuxuuna eegay meesha, mise wuxuu arkay qasnadii oo aan jabneen, saddex koob oo qamro ka buuxdo, waraaqaha turubka ah oo saddex meel loo qaybiyay, muuskikadii oo wareegaalaysanaysa, waxay ula muuqatay in wax waliba caadi yihiin, Askaarigii waxaa markiiba waxay la noqotay  in ninka qasriga leh uu been sheegayo, oo nimankii tuugadda ahaa ay run sheegayaan, maxaa yeelay saddex koob ayaa meesha taalo, labba hadii tuugadii ay cabayeen, midka kale yaa cabayay hadaba? mar hadii saddex qeyb oo turub ah meesha tiil, labba qeyb waxaa leh tuugadii mida kale ayaa leh? iyo qasandii oo aan jabneen.
Markiiba labadii tuug waxaa lagu amray in ay qaataan lacagtii, iyagoo garbahoda ilaalo ahaan u taagan yihiin booliskii, halka ninkii lacagta laga dhacay xabsiga la dhigay loona sheegay in baaritaan lagu samayn doono xaaladiisa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...