Monday 10 October 2011

Ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom oo la Wareegay Dhul Ballaaran (Dhageyso+Sawiro)

Share
Igoyska Ex-kontorol Balcad
Muqdisho (RBC) Iyadoo uu weli magaalada Muqdisho ka socdo dagaal culus oo saacado badan qaatay oo u dhexeeya ciidamada DKMG iyo Amisom oo wadajira iyo kuwa Al-Shabaab ayaa waxaa goor dhow arbaahinta la hadlay saraakiil ka tirsan DKMG oo ka warbixiyey dagaalka maanta iyo goobaha ay la wareegeen.
Saraakiisha oo kala ahaa Gen. C/kariin Yuusuf Dhegabadan, Col, Cagey, Col C/laahi Cali Caanood iyo Goobaale ayaa wariyaasha u sheegay in dagaalkii maanta ay ka gaareen guulo waaweyn, waxayna saxaafada u soo bandhigeen deegaanadii ay maanta la wareegeen oo ka mid ah degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa.
Deegaanada maanta laga saaray Al-Shabaab
Ciidamada DKMG iyo Amisom waxay dagaalkii maanta kula wareegaan dhul aad u ballaaran oo ka mid ah Muqdisho kuwaa oo ay ku sugnaayeen ciidamada Al-Shabaab.
Waxaana meelahaasi ka mid ah; Dhanka Kaaraan oo uu dagaalku ka soo bilawday agagaarka Juungal illaa Shineemo Cabdiwaayeel oo ay ciidamadu soo dhaafeen.
Dhanka Huriwaa, waxay ciidamadu ka gudbeen Saldhiga Degmada Huriwaa,Warshadii Baastada, isgoyska Ex Control Balcad,Isgoyska SOS, Isbitaalkii SOS, isbitaalka Carafaat iyo Qabuurihii Talyaaniga oo ku dherersan wadada Warshadaha.
Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Gen. C/kariin Yuusuf Dhegabadan oo shir jaraa’id ku qabtay isgoyska SOS ayaa wariyaasha u sheegay in dagaalka uu sii socon doono illaa inta Al-Shabaab laga saarayo Muqdisho. Wuxuuna sheegay inay hadda ku jiheysan yihiin suuqa Xoolaha illaa Balcad.

 
Khasaaraha dagaalka
Illaa hadda xiriiro aan la sameynay isbitaalada iyo dadka deegaanka waxaa la hubaa geerida 10 ruux oo rayid ah iyo dhaawac 24 ruux ah kuwasoo ah dadka rayidka ee rasaasta ku heshay goobaha lagu dagaalamay.   Dhinacyada dagaalamay wax badan lagama oga khasaaraha iyaga kala gaaray.
Dagaalka maanta wuxuu saameyn weyn ku yeeshay xaafadaha suuqa xoolaha illaa deegaanada ku dhow iyadoo dad badan ay maanta ka barakeceen.  Waxaa sidoo kale dagaalka barbar socday duqeyn culus oo ku dhacaysa meelo ka baxsan goobaha lagu dagaalamayo.
Isbitaalka weynaa ee SOS
warshadii baastada
Deegaanka suuqa Xoolaha ayaa ah xaafada kaliya ee weli gacanta Al-Shabaab ku jirta maanta marka laga reebo Dayniile oo ay joogaan. Waxaynsa saraakiisha Dawladu sheegeen inay ka saari doonaan guud ahaan Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska wararka Raxanreeb Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...