Friday, 21 October 2011

ALLAAHU AKBAR: Gaadiid dagaal oo caawa laga furtay shisheeyaha iyo dagaalka oo qaboobay.



Dagaal culus oo caawa ka soconayay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ayaa hadda hakaday ka dib marki si buuxda ay Mujaahidiintu kala wareegeen Ciidamada shisheeyaha fariisimihii ay dhawaan ka sameysteen wadada ka timaada Eveco ee tagta deegaanka Tiida.
Ilo wareed ka mid ah Mujaahidiinta ayaa goor dhaweyd inoo xaqiijiyay in dagaalka caawa ay Mujaahidiintu kula wareegeen gaadiid dagaal oo uu ku jiro Zuug, iyadoona sido kale uu jiro gaari nuuca Towga loo yaqaano oo ay ka carareen Ciidamada shisheeyaha balse wali Mujaahidiintu aaney soo qabsan.
Waxaa jira sidoo kale in cadowga lagaga furtay dagaalka saanad Milatari oo fara badan, waxaana ay Mujaahidintu sheegeen in khidad Milatari ay u dageen Ciidamadaasi oo ay ku dhaceen dabin loo dhigay, taasi oo keentay nasriga caawa la helay.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa caawa fiidkii dagaal ku qaaday Ciidamada Burundi oo fariisimo ku lahaa halka lagu magacaabo Haanta dheer agagaarka Xoola qalka, dhanka Farmashiye Al-Huda, waxaana weerarka markii uu billowday ay guuto ka mid ah Mujaahidinta iyana ay xabad ka bilaabeen dhabarka danbe ee cadowga taasi oo keentay isku dhex yaac iyo inay kala cararaan Ciidamada Burundi.
Gaariga Towga waxaa ay Xaqiijiyeen Mujaahidiintu in uu daaran yahay isla markaana ay ka carareen cadowgu markii uu bacaad ka galay, waxaana hadda askarigooda ugu horeeya uu difaac kaga jiray meel aan sidaasi kaga fogeyn Isgoyska Eveco ee jidka Warshadaha.
Dharbaaxada caawa ku dhacday Ciidamada shisheeyaha waxey noqoneysaa tii labaad oo isla deegaankasi ay geesiyaasha towxiidka kula dhigaan Ciidamadasi, iyadoona Khamiistii looga dilay dagaalka Dayniile ku dhawaad 200 askari oo 101 ka mid ah meydadkooda ay la so wareegeen Mujaahidiinta.
La soco wixii ku soo kordha Insha ALLAAH

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...