Friday 14 October 2011

Muqdisho: Qaraxii Labaad oo Bishan Gudaheed Dhacay iyo Jilicsanaanta Amaanka oo Su’aal Ka Taagan Tahay!!



 
Share
Isgoyska Banaadir ee Muqdisho
Muqdisho (RBC) In ka yar saddex toddobaad gudahood ayaa qaraxii labaad oo ay soo maleegto kooxda Al-Shabaab wuxuu maanta ka dhacay meel u dhow isbitaalkii weynaa ee Digfeer ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan oo ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay uu dhaawac halis ah ka soo gaaray mid ka mid ah mudanayaasha barlamaanka KMG Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Caananuug oo ka mid ah xildhibaanada barlamaanka KMG Soomaaliya ayaa lugtiisa ku waayey qaraxa oo lala beegsaday gaari uu watay oo xilligaasi marayey wadada isku xirta isgoyska Banaadir iyo isbitaalka weyn ee Digfeer. Waxaana dhaawaca xildhibaanka haatan lagu daweynayaa isbitaal ku yaalla Muqdisho inkastoo xaaladiisu ay culus tahay uuna u baahan yahay in dibadda loo qaado.
Hase yeeshee waxaa durba dadweynaha Muqdisho ay bilaabeen inay su’aalo iska weydiiyaan taagdarida hay’adaha amaanka Muqdisho oo u muuqda kuwo aan wax xog ah ka heyn dhaqdhaqaaqyada ka jira magaalada ee lagu dhibaateynayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Jilicsanaanta hay’adaha amaanka maxaa sabab u ah?
Qaraxan maanta ka dhacay Muqdisho wuxuu noqonayaa kii labaad ee bishan October gudaheeda ka dhaca Muqdisho, iyadoo la wada og yahay falkii xannuunka badnaa ee ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee 4-tii bishan lagu beegsaday dad ka badan 100 ruux oo u badnaa arday Soomaaliyeed laguna dhaawacay ku dhowaad 200 kale.
Dad badan waxay aaminsan yihiin in Al-Shabaab aysan weli ka daalin inay sameyso qaraxyo la mid ah kii 4-tii October kuwaasoo dhiig badan ku daato, waxaase yaab leh in hay’adaha amaanka ee DKMG aysan lahayn khibarad iyo taxadar looga gaashaamanayo dhibaatooyinka ay soo walaaqeyso Al-Shabaab.  Waxaana taasi loo sababaynayaa dhowr waxyaabood;-
1- Wasaaradaha arimaha gudaha, gaashaandhiga, booliska iyo nabadsugida kaa dhexeeyo wax xiriir ah oo joogto ah, mana jiro wax qorshe ah oo illaa hadda uga degan sugida nabadgelyada Muqdisho.
2- DKMG illaa hadda ma cadeyn karto xitaa tirada ciidanka guud ee ay leedahay ee ka qaata mushaharka. Waxaa taa dheer in ciidamada dibadaha lagu soo tababaro qaarkood aysan ku nagaanin shaqada oo ay isaga tagaan.
3- Maleeshiyaadka qabiilka, kuwa hogaamiye kooxeedyada iyo ciidamada dawlada ma kala soocna. Waxaa intaa dheer in hay’adaha, ganacsato iyo xildhibaano ay leeyihiin hub iyo ciidan madax bannaan oo aan la ogeyn tiradooda iyo waxay qabtaan.
Wadada Wadnaha ee Muqdisho
4- Ciidanka booliska ma leh fariisimo rasmi ah oo ay ka maamulaan dhaqdhaqaaqyada magaalada dhexdeeda, tusaale saldhigyada booliska ma shaqeeyaan (marka laga reebo dhowr saldhig oo kaliya).
5- Inkastoo ay jiraan ciidan ku magacaaban nabadsugid [NSS], ma jiraan wardoon hoose oo si dharcad ah u shaqeeya kuwaa oo ogaan lahaa kana hortegi lahaa waxyaabaha la soo maleegayo ka hor intaan la fulin.
6- Gudoomiyaasha degmooyinka ee la rabay inay isku xiraan hay’adaha amniga, degmada, iyo gobolka oo kaalintoodii gabay kuna mshquulay sidii ay laftooda wax uga heli lahaayeen raashiinka deeqaha ah ee loo qeybiyo dadka barakacayaasha (gudoomiyaasha qaar ayaaba wax ka booba raashiinka dadka masaakiinta loo wado).
Waxaan marnaba laga tegi karin in ciidamada nidaam la’aanta ee DKMG aysan heysan qalabka carsiga ee booliska sida isgaarsiinta, qalabka barista iyo gaadiidka taasoo sidoo kale taagdarida heysata hay’adaha amaanka sii kordhineysa.
Dagaalkii Amisom iyo Dawladu wadeen oo amaanka dartiis loo hakiyey
Qaraxyadan ka dhacay magaalada waxay ku doo beegmeen xilli awoodii Al-Shabaab ay wiiqantay, isla markaana ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom ay la wareegeen inta badan caasimada. Waxayna hadda DKMG gacanta ku heysaa 15 degmo oo ka mid ah Muqdisho (Degmada Dayniile weli waxaa maamula Al-Shabaab).  Waxaana dawladu hakisay in hawlgalku sii socdo.
Hase yeeshee ilo wareedyo ku dhow xarunta madaxtooyada ayaa u xaqiijiyey Raxanreeb.com in sababaha loo hakiyey hawlgalka amaanka ay tahay baaxada dhuleed ee dawlada gacanteeda galay iyo iyadoo khatarta amni ay sii badatay, ayna jirto taagdarida hay’adaha amaanka.
Maxaa ka jira in wasiirada amaanka la ceyrin rabo?
Waxaa 24 saac ee u dambeeyey soo baxay warar si weyn loo hadalhayo kuwaasi oo sheegaya in madaxweyne Sheekh Shariif uu si weyn u dhaliilay wasiirada qaabilsan amaanka, gaar ahaan wasiirka arimaha gudaha iyo kan difaaca oo la sheegay inay dayaceen hawshii amni ee xukuumaddu u xil saartay. Waxaana la isla dhex marayaa in raysul wasaare C/weli Gaas loo jeediyey inuu bedelo wasiiradaasi kuna bedelo rag karti u leh amniga inay wax ka qabtaan.
Ma cadda cida lagu bedeli doono wasiiradaasi balse waxaa xaqiiq ah in waqtigan loo baahan yahay hay’ado amni oo adag oo karti u leh sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen amniga Muqdisho, taasoo ah waxa ay maanta isweydiinayaan dadweynaha Muqdisho oo labaatan sano ka dib weli rajo ka qaba inay maalin uun arkaan iyagoo guryahooda ku nool, suuqyadoodana ka ganacsanaya iyagoon wax cabsi ah qabin!!.
______________________________
RBC Radio
Xafiiska wararka Raxanreeb, Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...