Friday, 4 January 2013

100 culimo ah oo lagu xiray Ceeldheer



Guddoomiyihii hore ee degmada Ceeldheer, Xuseen Maxamed Cosoble
Boqol ka tirsan culimada degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayay xabsiga u taxaabeen maleeshiyada al-Shabaab.
Guddoomiyihii hore ee degmada Ceeldheer Xuseen Maxamed ayaa Bar-kulan u sheegay in maleeshiyada ay culimada xirtay kaddib markii ay ka biyo diideen inay al-Shabaab dagaalyahanno u qoraan.
Culimada la xiray ayaa isugu jiray macallimiin dugsiyo qur’aan, wadaaddo kitaabbada cilmiga dadka bara iyo mashaa’iiq kale.
Waxa uu sheegay in culimada lagu xiray xero ay maleeshiyada ku leedahay degmada Ceeldheer.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...