Thursday 24 January 2013

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxaafadda Dhaliilay, Sheegeyna In Isaga, Raysul Wasaaraha Iyo Afhayeenka Baarlamaanka Ay Ku Saaxiibeen Danaha Soomaalida (Warbixin)


Muqdisho (RBC) Madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hadal ka jeediyey munaasabad loogu dabaaldegayey aqoonsida dawlada Mareykanka ay siisay dawlada federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalheyn si weyn beryahan u soo laalaabanaysay oo ku saabsan xiriirka iyo awoodaha sharciyeed ee madaxweynaha, raysul wasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka oo waayadan si weyn isu dhexgalay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dawladiisa ay ku guuleysatay inay meesha ka saarto madaxda dawlada oo kala taagan balse wuxuu dhanka kale weeraray dad uu ku sheegay inay beryahan su’aalo geliyeen awoodaha xafiisyada sare ee dawlada.
Waxaan nahay saaxiibo
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ka hor intuusan isaga madaxweyne noqon uu isweydiin jiray khilaafka ka dhex dhasha masuuliyiinta sare ee dawlada uuna markasta isweydiin jiray sababta ay u heshiin waayaan.
“Markii aan maqalno khilaaf ayaa u dhexeeya madaxweynaha iyo raysul wasaaraha, madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka waxaana isdhihi jirnay maxaa ku dhacay,… maxay u xallin waayeen.” ayuu yiri  madaxweynaha.
Wuxuu sheegay in hadda ay soo bexeen dad maalin kasta isweydiiya sababta raysul wasaaraha iyo madaxweynaha shaqooyinkooda loo kala garan waayey, sida uu yiri.
“Waxay leeyihiin waa la isku milmay, madaxweynaha iyo raysul wasaaraha shaqooyinkooda way isku wasmeen, gudoomiyihii baarlamaankuna waa ku dhex lumay.” ayuu sii raaciyey.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag u difaacay xiriir uu dheegay inuu yahay SAAXIIBTINIMO oo ka dhexeeya isaga, raysul wasaare Saacid iyo gudoomiye Jawaari.
“Waa run aniga iyo raysul wasaaraha saaxiibo ayaan nahay, aniga iyo gudoomiyaha [baarlamaanka] waxaan nahay saaxiibo, waxaana saxiib naga dhigay danta Soomaaliya.” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo u muuqday inuu aad uga xanaaqay hadalheynta dadweynaha.
“Shirko ma ahin, ganacsi nagama dhexeeyo, koox diineed ma nihin.” ayuu ku sii daray.
Saxaafadda oo la dhaliilay
Madaxweynuhu wuxuu u soo jeestay ka hadalka saxaafadda Soomaaliya oo uu ku eedeeyay inay ku jiraan qaar XUN, sida uu yiri oo dalka ka gudbiya warar aan fiicneyn.
“Sida ay bulshaduba ugu dhex jiraan dad xun ayay saxaafadda ugu jiraan dad xun.” ayuu yiri madaxweynuhu.
“Wiilasheena iyo gabdheheen saxaafadda ka shaqeeya ma ahan inay sharafta dalka ay ku ciyaaraan, waxaa la adinka rabaa in aad wajiga fiican ee wadanka aad gudbisaan, wixii jira lama qarinayo MAYA laakiin waxaan jirin ma ahan in lacag lagu raadsado.” ayuu intaasi ku daray.
Madaxweynaha dawlada federaalka wuxuu ballanqaaday in dawlada ay raadin doonto kuwa dila wariyaasha sharcigana la horkeeni doono dembiilayaashii ka qeybqaatay dilalka in ka badan 40 wariye oo Soomaaliya lagu dilay.
Kufsiga oo la soo hadalqaaday
Madaxweynuhu wuxuu kaloo maanta ka hadlay kiisaska kufsiga ee inta badan lagu eedeeyo askarta dawlada wuxuuna ku celiyey markale in dawladu aysan ka leexan doonin inay dil toogasho ah ku fuliso cid kasta oo haween kufsata iyo cid kasta oo qof disha.
Hadalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya xilli booliska dawlada maalintii 16aad uu u xiran yihiinwariye C/casiis C/nuur Koronto oo lagu eedeeyay inuu wareystay haweeney lagu kufsaday Muqdisho iyo qaar ka mid ah haween la kufsaday oo iyaguna loo heysto inay u warameen saxaafadda.


RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...