Thursday 31 January 2013

Shaqsiyaadka Ugu Awooda Badan Muqdisho(Goldogobpress Oo Warbixin-Dheer Ak Diyaariyay 5-Nin Ee Muqdisho Baarqabka Ka Ah))


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Thursday, 31 January 2013 12:11

Tan iyo 1991 oo ay ahayd wakhtigii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya oo ahayd dowladii ugu dambeysay ee si dhameystiran awoodeeda u gaarsiisa tahay dhamaan gobolada Dalka ayaa waxaa soo baxayay dowlado is xigxigay oo fadhigoodu ahaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Muqdisho inkastoo ay berisamaadkii ahayd magaallo horumarkeeda, amnigeeda iyo wada noolaanshaheedu uu horumarsanaa ayaa wixii ka dambeeyay 1991 waxay u muuqatay caasimad gablantay oo ay dadkeedu cadaw u noqdeen, waxay noqotay mid la burbursado oo la bililiqeysto, waxay noqotay mid madaafiic xoog leh si arxan darro ah loogu garaaco, halka xaafadihii iyo degmooyinkii Xamar-na ay noqdeen, xeyndaabyo u kala xir-xiran qoysas kamida qabaa’ilka reer Muqdisho lagu suntay wixii ka dambeysay 1991.

Haddaba dowladihii isxig-xigay ee kumeel gaarka ahaa ee soo maray Soomaaliya kuwaasi oo fadhigoodu ahaa magaalada Muqdisho, waxaa xaqiiqo ah inaanay dalka si iskumid ah u wada gaarin, umada Soomaaliyeedna aan si iskumid ah aanay uga wada faa’iidin, iyadoo ay jirto in shakhsiyaad ay si gaar ah awood ugu yeeshaan dowladahaas, amaba ay si khaas ah ugu barwaaqoobeen ku tagri falka hantida qaranka oo si gaar ah loo cantoobsaday.

Maanta oo ay Soomaaliya kasoo gudubtay wakhtigii kumeel gaarka sida ay Reer Galbeedku noo yeerinayaan oo ay haatan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Maxamuud sida la tibaaxo aanay ahayn dowlad kumeel gaar ah oo ay tahay dowlad rasmiya ayaa haddana waxaa jira shakhsiyaad gaar ah oo awood xooggan ku leh gudaha caasimadda gablantay, awoodaas oo ah hantida qaranka ee ay sida gaarka ah ugu takri fallaan, tirada ciidamada ee ay haystaan oo ay danahooda ku fushadaan, hantida iyo dhaqaalaha umadda ka dhaxeeyay oo ay iyagu isa siiyeen, iyo xaddiga musuqmaasuqa ee ay ka dhex sameynayaan hay’adaha iyo xafiisyada dowladda ee ay hoggaamiyaan.

Haddaba waxaa inoo suurta gashay anagoo kaashaneyna wakiiladeena ku sugan gudaha caasimadda Muqdisho inaan idiin soo gudbino shakhsiyaadka ugu awoodda badan Muqdishada Maanta ee sida aan gabashada lahayn ugu tagri fala hantida shacabka, waxaana xubnahaas kamid ah.

Maxamed Axmed Nuur “Tarsan” Guddoomiyaha Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho


TarsanWaxa uu isku haystaa labo jago oo la isugu daray wakhtigii dowladda Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, waxa uu kow ka yahay shakhsiyaadka ugu awooda badan caasimadda Muqdisho, Tarsa n waxa uu si toos ah ugu tagri falaa arimaha maamulka Gobolka Banaadir, waxa uu leeyahay ciidamo wata darees gaar ah oo aan ka tirsaneyn ciidamada dowladda balse isaga ka amar qaata, waxa uu u adeegsadaa askartaas cid walba oo isaga uu arko inay khatar ku tahay, danihiisa. Waxa uu kamid yahay shakhiyaadka qurbaha ka yimid, waana qurba jooge kayimid magaalada London, ee xarunta dalka UK balse dad badan oo reer Muqdisho ah waxay aaminsan yihiin in Tarsan Muqdisho uu u yimid dhaqaale aruursi, marka la fiiriyo gadashada shakhsiga ahayd ee ku sameeyay bacadlihii hore ee Xamar Wayne, Qandaraaska gaarka ahaa ee uu guriga Hooyooyinka Muqdisho ku siiyay Xaaskiisa oo kamida hablaha ugu awoodda badan caasimadda Muqdisho, iyo sidoo kale doorkii uu ku lahaa doorashadii guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee dhawaan ka dhacday Muqdisho.
Horey waxaa loogu eedeeyay in ciidankiisu ka dambeeyeen dilkii Weriye Cabdisalaan Sheekh Xassan “Xiis” oo T.V-ga Horn Cable Muqdisho uga soo warami jiray, iyadoo askarigaas xabsiga laga sii daayay iyadoon wax maxakamad ah la geyn wakhtigii dowladii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Tarsan waxa uu caan ku yahay isagoo xamar ku heysta guddoomiyayaal isaga si gaar ah ugu shaqeeya iyo dad si gaar ah ugu abaabulan oo qeyb ka noqda abaabulka isu soo baxyada uu Muqdisho ka abaabulo, isagoona todobaad walba soo qaban qaabiya ugu yaraan saddex mudaharaad oo ula jeedooyinka laga leeyahay dadka lagu marin habaabinayo. HALKAAN KA EEG DOORKA BANAANBAXYADA MUQDISHO IYO TARSAN
2.

Gen. Cabdulaahi Gaafoow Maxamuud  Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha
Gen. GaafowXamar amaba Muqdishada Maanta Gen. Cabdulaahi Gaafow Maxamuud hoggaanka waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha waxaa looga yaqaanaa Sheekhul kulli waa atoore aad loo tixgeliyo loogana dambeeyo hawlaha ka socda waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliyada liidata, magaca Sheekhul Kulli ayaa ku yimid qaabka hoggaamintiisu ay u dhigan tahay, waayo Gen. Gaafow ma lahan xafiis Muuqda iyo shaqaalle ay hawlahoodu qeexan yihiin, sida ku xigeen, madax shaqaaale, gacan yare iyo cid hadii isaga la waayo amaba uu maqan yahay buuxin karta waajibaadkiisa shaqo waana tan keentay in hadaad hawl uga baahato oo uu maqan yahay amaba mashquulsan yahay aad sugeyso wakhti farabadan.
Waxa uu dad badan dheer yahay isagoo fursad u soo helay in ku dhawaad 50 sano uu ka shaqeynayay waaxda socdaalka Soomaaliya, taliye ku xigeen ayuu booskan kasoo noqday wakhtigii dowladii Maxamed Siyaasad Barre, balse arinta la yaabka ah ayaa ah in marka laga tago dowladii carta ee uu hoggaaminayay Cabdiqaasim Salaad Xassan uu Gen. Gaafow uu soo hayay xilka Hoggaaminta waaxda Socdaalka Soomaaliya oo aan marnaba laga badalin.
Dowladihii Cabdulaahi Yuusuf iyo Shariif Sheekh Axmed labadaba waxa uu si xeeladaysan ugu fara adeygay Gen. Gaafow inuu adkeysto kursiga waxaana dhacday in xilkaasi intii uu hayay si gaar ah ugu tagri falayay awoodda hogaaminta socdaalka Soomaaliya.
Gen. Gaafow si lamid ah qowlaysatada xafiisyada dowladda sida ay rabaan ka yeella waxa uu ku tagri falaa dhaqaalaha kasoo xarooda waaxda socdaalka Soomaaliya  iyadoona aanay jirin bangiga dhexe iyo wasaaradda Maaliyaddu awood gaar ah oo ay ku leeyihiin dhaqaalaha xawliga ah ee laga sameeyo Passporada qeybahooda kala duwan ee uu bixiyo xafiiska Gen. Gaafow iyo isdoo kale Dalku galada (Fiisooyinka) Soomalaiya y ku gallaan ajaanibta booqanaysa amaba shaqooyinka u taga.

HALKAAN KA EEG DOORKA BASHIIRKA EE OLOMBIKADA SOOMAALIYA

Gen. Gaafow si lamid ah Tarsan waxa uu leeyahay ciidamo gaar ah oo isaga ka amar qaata kuwaasi oo u adegsado danaha gaarka ah ee uu leeyahay, waxaana si aad ah loogu xasuustaa wakhtigii u dhamaanayay hoggaankii Madaxweyne Shariif in Gen. Gaafow uu Muqdisho ku xirtay xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomalaiya.
3.
Gen. Shariif Sheekhunaa Maye Taliyaha Booliiska Soomaaliya
SheekhunaaGaashaanle sare Shariif Sheekhunaa waxa ay dowladii Ra’iisul wasaare Farmaajo ka keentay Dalka Denmark iyadoo dikreeto kasoo baxday xafiiskii Madaxweyne Shariif xilka guddoonka Booliiska Soomaaliya loogu dhiibay bishii April 2011, balse inkastoo la filayay in tayada Booliiska uu wax ka badelo maadaama uu ahaa nin wax badan kasoo shaqeeyay qeybaha kala duwan ee booliiska Soomaaliyeed, haddana wax u hagaajiyaba iska dhaafe waxa uu si gaar ah u fushadaa hawlo farabadan oo hadii Maxakamad ciidan oo madax banaan la heli lahaa in sharci adag lala tiigsado.
Sheekhuna waxa uu si shakhsiyaha oo gaar ah ugu tagri falay dhaqaaale badan oo dowladda Soomaaliya lagu siiyay iney wax ka qabato awoodda booliiska Soomaaliyeed, waxa laga xusi karaa dhaqaale iyo kaalmo caalamiya oo ay Japan iyo Hay’adda UNDP Soomaaliya ugu tallo gashay horumarinta Booliiska inuu si gaar ah ugu tagri-falay intii uu xafiiska joogay.
Waxa uu gacan bir ah ku qabtay qaar kamida taliyayaasha isaga la shaqeeya iyo weriyayaasha Muqdisho si aanay saameyn balaaran ugu yeellan ku tagri falka hantida iyo awooda qaranka isagoona leh ciidamo gaar ah oo isaga si gaar ah uga amar qaataoo u fuliya danaha gaarka ah ee Sheekhuna ka leeyahay Muqdisho.
Sheekhunaa awoodiisu waxay xoogeysatay wakhtigii ay socdeen u diyaar garawga ka bixitaanka wakhtiga kumeel gaarka ahaa ee Soomaaliya amaba dhamaadkii dowladii Sheekh Shariif, waxa uu awood ku lahaa soo xulitaanka Baarlamaanka Soomaaliya ee Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Beesha Shanaad (Point five), waxa uu shirka ka saaray suldaamo magac lahaa iyo shakhsiyaad gaar ah oo la yaqaanay isagoona si gaar ah shakhsiyaad gaar ah ugu darsaday xildhibaanada Soomaaliya, taasoo dad badan la yaab ku noqon karta in Taliye Booliis ay saameyntiisa gaarto halkaas, waana tan keentay in Sheekhunaa safka hore kasoo gallo shakhsiyaadka ugu awooda badan Muqdisho ” Caasimadda Gablantay”
Markaad tagto xafiisyada EU, UNPOS, AU, IGAD iyo UNDP ayaa dareemaysaa awooda taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo sida gaarka ah ee ugu tagri fallo mashaariic loogu tallo galay in lagu horumariyo Soomaaliya oo uu si gaar ah jeebka ugu shubto.
.ads in wordpress
4.
Gen. Bashiir Maxamed Jaamac ‘Bashiir Goobe”
bashiir_goobe_525380314Gen. Bashiir Maxamed Jaamac ‘Bashiir Goobe” waa shakhsi si weyn haatan looga yaqaano Muqdisho, waxaana uu caan ka dhex yahay bahda Isboortiga Soomaaliya, haatan waxa uu kamid yahay gollaha wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisul wasaare Saacid, waxaana uu kamid yahay shakhsiyaadka loo magacaabay wasiir ku xigeenada waa wasiir ku xigeenka wasaaradda Horumarinta Bulshada ee Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya.
Waa nin midabadiisu ay badan yihiin oo maalinba reer gaar ah (Qabiil gaar ah) sheegta waxa uu jagada Gaashaanlaha gaaray wakhtiyadii dambe ee Dowladii milatariga ahayd ee Soomaaliya, waxa uu dowladii Madaxweyne Shariif kamid ahaa agaasimayaasha wasaaradihii awooda badan lahaa isagoo noqday agaasimaha wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka. waxaana si aad ah looga xasuusan karaa wakhtiyadii dambe awoodii uu ku lahaa soo xulitaankii Baarlamaanka Soomaaliya, dardar gelinta hawlihii ergadii ansixinaysay dastuurka federaalka Soomaaliya, iyadoo wakhtigaas Bashiir Goobe uu ahaa shakhsiyaadka aadka looga cabsan jiray islamarkaana dad badan ayuu wakhtigaas ku xirxiray magaalada Muqdisho.
Bashiir Goobe waxa uu leeyahay saaxiibo badan oo uu ku jira Madaxweynaha haatan talada haya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, waa shakhsi si walba u shaqeeya, waxaana la tilmaamaa inuu awood sare ku leeyahay dhinaca ciidamada maadaama Muqdisho laga aaminsan yahay in Bashiir Goobe uu ka tirsan yahay Booliiska Adduunka ee INTER POL loo yaqaano, waxa jirta is saraakiil gaar ah ay u fuliso hawla joogtada ah ee uu ka sameeyo Muqdisho.
Waxaad ogaan kartaa inuu nin si walba u shaqeeya, yahay markaad xaqiiqsato inuu intaad oo jago soo qabtay:

Waa siyaasi kamid noqday gollaha wasiirada
Waxa uu soo qabtay xilka Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya
Waxa uu soo noqday Taliye ku xigeen Booliis
Waxa uu soo noqday Agaasimaha guud ee wasaaradii arimaha gudaha iyo amniga qaranka wakhtigii Sheekh Shariif
Waxa uu u tartamay xilka Guddoomiyaha 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya
Waana xubin ka tirsan Booliiska adduunka ee INTER POL.

Bashiir Goobe waxay saaxiibo aad isugu dhaw yihiin Tarsan “Guddoomiyaha Banaadir” waxaa labadooda si gaar ah loogu xasuustaa doorkii ay ku lahaayeen doorashooyinka guddiga olombikada Soomaaliyeed ee GOS taasoo ka dhacday Hotelka Jasiira ee Muqdisho. HALKAAN KA EEG DOORKA BASHIIRKA EE OLOMBIKADA SOOMAALIYA
Sidoo kale waxay macriifo hantida qaranka wada baacsata yihiin Gen. Shariif Sheekhunaa Maye oo hoggaamiye booliiska Soomaaliyeed, waxaa si gaar ah xiriirkoodu uu soo shaacbaxay sidii ay u maareeyeen soo xulitaankii Baarlamaanka Beesha 5-aad wakhtigii kala guurka ee August iyo September, 2012 oo ay xad-gudub farabadan ka geysteen Muqdisho.

5.

Faarax Sheekh Cabduqaadir ‘Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada”

faarax-sheekhDr. Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Soomaaliya balse aad ay u yaqaaneen bahda waxbarashada Muqdisho gaar ahaan Bah-wadaagta FPENS iyo machadka SIMAD waxaa la oran karaa waa shakhiga ay ilaa hadda awoodiisu muuqato ee ku lammaan Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Xamar haatan waxaa looga yaqaanaa Madaxweyne ku xigeen ahna wasiirka Maaliyadda waa mashiinka ka shaqeysiiya maskaxda Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, waxa uu kamid ahaa maskaxdii doorka muuqatay ku lahayd Madaxweyne Gurguurte doorashadiisii, iasgoona ahaa isku xiraha xisbiga Madaxweynaha iyo Dalalka Khaliijka, gaar ahaana dalalka Sacuudiga iyo Kuwait, balse awoodiisu durba Soomalaidu wey dareentay oo waxaa loo bixiyay Sakiinta Cusub amaba Faarax Sakiin.

Inkastoo uu ka mid yahay gollaha wasiirada Soomaaliya oo uu hayo xilka wasiiru dowlaha madaxtooyada ahna la taliyaha madaxweynaha haddana waxa uu yahay shakhsiga wakhtiga ugu badan la qaata madaxweynaha. Waxaa uu amarro toos ah siiyaa qaar badan oo kamida gollaha wasiirada maadaama uu yahay shakhsi awood badan ku dhex leh Villa Soomaaliya.

Mid kamida gollaha wasiirada oo diiday inaan magiciisa xigano ayaa GP u sheegay in Faarax uu haatan ka awood badan yahay Saacid iyo Madaxweynaha marka la eego hawlaha haatan ka socda Soomaaliya.

Waxyaabaha wasiirada uu uga duwan yahay waxaa kamida waa wasiirka kaliya ee keligiis lagu hor dhaariyay Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona aanay la soconin wasiiro kale, waxa uu door muuqda ku lahaa safaradii madaxweynuhu ku tegay Jabuuti, Uganda, Kenya, Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya. Waxaana uu isaga oo si gaar ah Soomaaliya u metalaya Faarax booqday wadamada Qadar, Kuwait iyo Sacuui Carabiya halkaas oo uu kula kulmay amiirada wadankaas.


HALKAAN KA DAAWO FAARAX SAKIIN OO SHIR CAALAMIYA FADHIYA

.ads in wordpress


Haatan waxa uu Soomaaliya u metalayaa shir caalamiya oo la filayay in Soomaaliya ay madaxda ugu sareysa kasoo qeyb gallaan oo ka dhacaya magaalada Davos ee dalka Switzerland kaasoo looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha wadamada caalamka, iyadoo la filayay in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirka maaliyadda ay ka qeyb gallaan balse Faarax iyo wefdi kooban oo la socda ayaa Soomaaliya Shirkaas u metalaya.

W.Q Maxamed Cabdulaahi

Muqdisho, Soomaaliya


Dhawaan waxaa idiin soo gudbin doonaa, Ku tagri fal awoodeedka gaarka ah ee taliyaha Booliiska, iyo Duqa Magaalada Muqdisho


KALA SOCO GALDOGOBPRESS.COM


NAGALA SOO XIRIIR


Galdogobpress@gmail.com

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Last Updated on Thursday, 31 January 2013 12:26

1 comment:

Anonymous said...

I think thаt еverything ѕaid wаs аctually vеry lοgical.

Hoωevеr, think οn thіs, what
if уоu ωrote а catсhiеr title?

I аin't saying your information is not good., but suppose you added something to maybe grab a person's аttention?
I meаn "Shaqsiyaadka Ugu Awooda Badan Muqdisho(Goldogobpress Oo Warbixin-Dheer Ak Diyaariyay 5-Nin Ee Muqdisho Baarqabka Ka Ah))" iѕ kinda bоring.
You ought to peeκ аt Yahoo's front page and note how they write article headlines to get people to open the links. You might try adding a video or a pic or two to grab readers interested about what you've written.
Јuѕt my opiniоn, it could bгіng yοur poѕts а
littlе bit mοге interеѕting.


Feel fгee tο surf tо my homеpage
loans for bad credit

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...