Thursday 31 January 2013

AUN Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor oo Galabta Ku Geeriyooday Magaalada Nairobi




Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
AUN Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor.
Nairobi (RBC) Waxaa galabta isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ku geeriyooday Allah ha u naxariistee Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor oo ka mid ah salaadiinta Soomaalida ee sida weyn looga yaqaano gobolka Jubbada Hoose.
Sida ay Raxanreeb u sheegeen ehelada suldaanka waxaa Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor beryahanba lagu hayey magaalada Nairobi oo caafimaad loo keenay ka dib markii mudo uu la jiifay xannuuno hayey illaa afartii bilood ee u dambeeyay.
Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor ayaa geeridiisa waxaa galabta xaqiijiyey wiilal uu dhalay oo Nairobi ku sugan, waxayna sheegeen in meydka loo qaadi doono dalka si loogu aaso.
Marxuumka ayaa ka tagay carruur fara badan oo isugu jira kuwo ku nool dalka iyo dibadda.
Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor ayaa xilka suldaanimo loo caleemasaaray sanadkii 1990-kii waxyar ka dib markii uu geeriyooday walaalkiis ka weyn oo xilka suldaanimo ee beelaha Aji hayey.
Suldaanka ayaa ka mid ahaa odayaashii ka qeybqaatay dhismihii dawladii KMG ahayd ee lagu dhisay wadanka Jabuuti iyo shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida loo qabtay sanadihii laga soo bilaabo 1999 illaa 2012.  Wuxuuna ugu dambeyntii ka mid noqday odayaashii 135 xubnood magaalada Muqdishi bishii Agoosto 2012 ku soo xulay ergooyinkii ansixiyey dastuurka federaalka Soomaaliya.
Wuxuu kaloo waayadan dambe qeyb ka ahaa suldaanka waxgarad ku hawlanaa sidii maamul goboleed looga hirgalin lahaa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Warar ayaa sheegaya in meydka Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor la geyn doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose si loogu aaso.

RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...