Monday, 21 January 2013

Guddi ka socda Jubbooyinka oo wadatashi u yimid Garoowe.


Garoowe (RBC Radio) Shiikh Khaliif Guure Cali oo ah Gudoomiyaha Maamul u samaynta jubbooyinka sida uu sheegay iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Garowe iyadoo ay soo dhaweeyeen Madax ka tirsan Puntland waxgarad iyo Ururada haweenka iyo Dhalinyarada Gobolka inkastoo Wafdigan imaanshahooda aan horay loo sii shaacin hadana waxaa safarkooda ku wehliyay Masuuliyiin ka socday maamulka Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Shiikh Khaliif Guure oo si kooban Saxaafada ula hadlay ayaa sheegay in Puntland ay u yimadeen sidii ay wadatashi ula samayn lahaayeen Madaxda si ay uga wadahadlaan Dhismaha Maamul loo dhanyahay oo laga yagleelo Gobolada Jubbooyinka  taasoo in mudo ahba uu muran ka taagnaa wuxuu kaloo sheegay in ay lasoo kulmeen odoyaasha iyo Samadoonada Magaalada Gaalkacyo sidoo kalena ay wadatashi xoogan la yeelan doonaan Dowlada Puntland iyo Waxgaradka Maadaama Puntland ay talo iyo Faragelinba ku leedahay Gobolada Jubbooyinka sida uu Hadalka u dhigay Gudoomiyuhu.

Wafdigan oo isugu jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo  kasoo jeeda gobolada Jubboooyinka iyo madax uu ka mid yahay Duqa Gaarisa ayaa la filayaa inay kusii nagaadaan Magaalada iyagoo la kulmi doona Madaxda Dowlada Puntland sida ay sheegeen, Imaanshaha wafdigannah wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo in badan Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole uu dhawr jeer ku celcelshay in Gobolada Jubbooyinka loo madaxbaneeyo maamul ay samaystaan isagoo sheegay in Puntland ay ka damqaneyso Xaaladaha ka jira Goboladaasi.

RBC RADIO
Xafiiska Garoowe.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...