Nairobi(RBC Radio) Waraaq sir ah oo laga helay dowlada Kenya ayaa lagu waramayaa iney kasoo baxday wasaarada adgeegyada gaarka ah ee Kenya uuna ku saxiixanyahay madaxweynaha wadanka Kenya Mwai Kibaki waxaana waraaqdaas ku qornaa sida la xaqiijiyey in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya in loo daabulo xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma,waxaana waraaqda faafiyey masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Waqooyi bari Kenya waxaana la sheegay in warqadaas ay ku xusantahay in ilaa 18 kun oo Soomaali ah laga qabqabto magaalooyinka Kenya 21 bishan January.
Waraaqda ayaa waxaa ciidanka Booliska Kenya lagu amray iney 21 bishan ka bilaabaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas sida Nairobi,Mombasa,Garissa iyo Mandhera laga raafo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalooyinkaas kadibne lagu xareeyo xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma,waxaana sidoo kale ku xusnaa waraaqdaas in la diyaariyo adeegyada iyo goobihii ay xeryaha ka degi lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee laga soo daad gureynayo magaalooyinka wadankaas.
Waraaqdan sirta ah ee la helay ayaa walaac hor leh ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka wadanka Kenya oo ay ku leeyihiin ganacsiyo ballaaran iyadoo xaafada islii uu kuyaalo mid kamid ah suuqyada ugu weyn ee geeska afrika suuqan ayaa ah mid ay ku ganacsadaan Soomaalida ku nool wadanka Kenya,arintan ayaa meesha ka saareysa hadal uu hore u jeediyey wasiirka gaashaandhiga Kenya oo sheegay ineysan jirin wax go’aan ah oo ay isku raaceen masuuliyiinta dowlada Kenya kaasoo ka dhan ah Soomaalida ku dhaqan wadankaas.
Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan xaafada Islii ayaa bilaabay dadaalo ay xiriir kula ameynayaan dowlada Kenya si aysan u qaadin talaabadaas oo dhibaato u geysanaysa shacabka Soomaaliyeed e ku ganacsada wadankaas, waxaana kaloo xusid mudan in kumanaan arday Soomaaliyeed ay wax ka bartaan dugsiyada iyo jaamacadaha wadankaas kuwaas oo laf ahaantooda ay caqab ku noqon doonto arintani.
Ilaa hada ma jiro war cad oo kasoo baxay dowlada Kenya oo kusaabsan waraaqdan sirta ah ee ka dhanka ah Soomaalida Kenya Soomaalida ku dhaqan xaafada Islii oo awalba ahaa dareen ku joog ayaa u muuqanaya iney kasii rajo dhigayaan kusii sugnaanta wadanka Kenya.
RBC Radio
No comments:
Post a Comment