|
"Ima daayo caashaqu,
Dad haddaan la joogiyo,
Haddaan keli dawaafoo,
Waaba laygu daw galay".
Dad haddaan la joogiyo,
Haddaan keli dawaafoo,
Waaba laygu daw galay".
Xidhiidhada dadka dhex mara waxaa ugu adag, ugu qalafsan, uguna wanaagsan midka dareen caashaq ka unkama ee lammaanayaal isku qaadaan, amma midkood qaado. Dareenkaas badidiisu wuxuu ka dhashaa eegmo, waxaannu ku dhammaadaa illin. Eegmadu waxay ka timaad isha, illintuna waxay ka timaad qalbiga. Tani waxay keentaa in qofku kala garan waayo marka uu la baaxaa-degayo jacaylka mid uu canaanto isha iyo qalbiga. Waayo qalbigu wuxuu eedda saaraa isha oo ah tii u soo tebisay muuqaalkan ashqaraarka leh ee jiif iyo joogba u diiday qofka, halka ishuna ku garnaqsato inay tahay adeege hadba dhankii loo jiheeyo uun u darban oo aan diidi karin. Halkan waxa ka dhasha buuq iyo bulxan gudeed oo keena gil-gilasho nafsadeed iyo ruxan qalbiyeed. Haddaba, ruxankaasi wuxuu qofka ka soo daadiyaa xikmad amma wax u eg. Sidaa darteed qofka caadiga ah jacaylku wuxuu ka dhigaa suugaan jecle. Gabyaagana wuxuu ka dhigaa waalane, ogowna hal-abuurka dhabta ah iyo waalidu meelo badan bay ku kulmaane.
Haddaba, goor ay tahay saqdii dhexe anniga oo qoraal isaga foogan ayuun baa irridkayga la soo garaacay, kuye; waa ayo? Waa jacayl !. Oo maxaad xilligan iga soo doontay? Waxaan ogahay inaad wax igu saabsan qorayso. Haddii aad og tahayna maxaa ku jaban? Waxa ku jaban, waxa isaga kaa qaldan jacaylka iyo kasbashada. Oo maxay kala yihiin labadu? Jacaylku waa wax bixin iyo naf hur oo xataa haddii aad waydo qofkii aad jeclayd waxaad door bidaysaa farxaddiisa, nabad qabkiisa iyo nimcadiisa. Sidoo kale waxaad dhibsanaysaa murugtiisa, war warkiisa iyo darxumadiisa. Laakiin kasbashadu waa qaadasho, waa anaaniyad, waxaad ku dadaalaysaa qofka sidaad u hantiyi lahayd, sidaad u yeelan lahayd Sii Akhri
No comments:
Post a Comment