Wednesday, 9 January 2013

WARBIXIN SANADEEDKA GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA Mudane. Moxammad Sh. Cusmaan Jawaari




SANNADKI AMBAQAADIDDA GEEDDISOCDKA KA BOGSASHADA UTUMIHI COLAaDDA

 

1.      Arar

Maaanta waa maalin taariikhi ah. Waxaan u fadhinaa inaan gabagabayno Kalfadhigii koowaad ee Golahani Jirey. Sidaas awgeed waxaa habboon inaan in yar hakano, oo dib u eegno waxaa inoo qabsoomay, kana fekerro sida ugu habboon oo aan uga gudbi karno caqabadaha timaaddada dhow iyo timaadada dheer ee ina horyaal. Waxayaabaha inoo qabsoomay ka sokow, Warbixintani waxay iftiiminaysaa habka aan kusoo fulinay hawlqabadkeena iyo siyaabaha ay tahay in aan u sii hagaajinno wax-qabadkeenna. Waxaa lagama maarmaan inaan isweydiino: Waa maxay nolol-wanaagga aan ku kordhin karno nolosha dadkeena iyo wanaajinta dalkeena?
Mahad Allaa leh, Kalfidigeeni koowaad waxaan gaba-gabaynay ma aha keliya inaan marxalado adag kasoo gudubnay ee waxaa soo gunaanadnay innaga oo midaysan una heellan inaan ka gudubno caqabadaha inna horyaal.
Bilowgii Kalfadhigeenan koowaad waxaan ahayn xildhibaano lagu soo xulay qabiil, Mahad Allaa leh, maanta waxaanu nahay xildhibaanno qaran ku hawlan ajenda qaran-dhisid. Haddii shalay xildhibaanadu doodi jireen, waxaan maanta arkaa Mudanayaal wada hadlaaya si demoqraaddi ah uga wada xaajoonaaya wadajir u wada doonaaya: “Maxaa Soomaaliya u dan ah” 
Allahayow midnimada Golaheenan inoo hagaaji quluubta Shabigeenana isusoo dun oo inoo kalkaal.
Maanta oo ay aynnu xusayno dhammaadki sanad-Baarlamaaniyeedka koowaad ee xilliga xilkeenna, waa in aan aan mar walba maanka ku haynaa raggii, haweenkii iyo carruurtii ku nafwaayay dagaalka aaya beelka ah ee dalkeenni halaakeeyay. Tira sugan lama hayo, waxayse xogag badani ku qiyaasaan in ay malyan qof kor u dhaafsan yihiin. Dadkaas intaas le’egi waxay inaga mudan yihiin in ay innaka go’onaato in aan ku mintidno sidii ay dalkeenna nabadi uga hanaqaadi lahayd. Waxay inaga mudan yihiin, in aan ka dhabayno inaan waxa laystaan ahi mar dambe dib dhexdeenna uga dhicin.
Allahayow intii dhimatay u naxariis oo Jannadaadi Fardowsa ka waraabi, aamiin
Waxaanu leenahay: COLAAD DAMBE MAYA, IS-DIL DAMBE IYO CUNFI DAMBE MAYA...OO MAYA WELIBA MAYA!!!
Manta oo aynu xusaynno dhammaadki sannadki koowaad, waa in aan maanka ku haynno boqollaalka kun oo dantu ku kalliftay inay ka barakacaan degaannadoodi kuna qasbanaaday inay degaanno kale nafta kula caraaraan. Iyaganna waxay innka mudan yihiin, inaan u hagarbaxno sidii bulshadeena soomaaliyeed nolol xasilloon ugu negaadi lahayd iyo sidii qiira waddanimo uga hanaqaadi lahayd dadkeenna.
Kumanaanka kun oo ay dalkeena uga dhax dhuntay hantidoodi iyo ilihi tabcashada iyo wixi ay ku nolaayeen, waxay innaka mudanyihiin inaan ku mintidno ku dhaqanka sarraynta sharciga iyo in is-xukun-wanaag wax ku ool ahi uu beddelo talinta qoriga, oo kan laga hadal badan yahay iyo kan laga qori weyn yahayba xuquuqdoodu u helaan. Waxaa la inooga baahan yahay in aan waqti iyo dadaal badan u huro in aan hananno:
·                     Nabadayn hanaqaadda;
·                     Barakacayaasha oo loo suurtogeliyo dib ugu noqoshada degaannadooda;
·                     Hantida`ma guurtada ah ee ka maqan milkiilayaash dowga u leh oo loo celiy;  iyo,  
·                     Midnimo qaran oo tiirar la hubo ku taagan
Allahayow taladeena tubta toosan ku toosi… aamiin
Waxaa xasuus damqasho badan igu reebay, dilki loo geystay xildhibaankii innaka midka ahaa iyo odayaal dhaqameedkii soo xulay Golahan Sharafta leh, ayaga oo xilkoodi gudanaya. Waxay innaka mudanyihiin in ayannaan gabin xilkii ay u foojignaayeen oo hadda innaga qoorta inno suran. Xilgabid Golahan uma aha doorbid, ma guul-darraysan karno. ALLAHAYOW NA GUULEEYSII!
Rabbigeenow intii soomaaliya ka geeriyootay guud ahaan naxariistaada geli, qabrigoodi u waasici, nuurkaaga ugu ifi oo Rawdatul-Jannah gogol uga yeel… Aamiin!
Wiilasheena iyo gabdheheena qaranka qalabka u sida, marna idinma illawsanin. Waxaan xog’ogaal u nahay xaaladdiin. Golahan waxaa ka go’an inuu wadiiqo kasta u maro sidii loo dhisi lahaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tayeysan, Booliska Qaranka Soomaaliyeed oo u tababaran sugidda amniga iyo ilaalinta xuquuqda insaanka, shacbigana lasaaxiib ah. Ciidanka Asluubta oo keena dhaqan xumaada inoo dhaqanceliya iyo ciidanka Nabadsugidda Soomaaliyeed oo aan har iyo habeenba seexan.  
GUULOW ADIGAAN AWOODAADA LA LOODI KARINEE NA GUULEESII...OO NA GARABGAL
Da’ayarta dalkeenna, oo aaan weligood dhadhamin nabad ku noolaasho, oo aan ebedkood indhaha saarin waxa dawladi tahay iyo waxa ay ku saabsn tahay toona, waxaan ballan ugu qaadaynaa inaan u horseedno dawladnimo ay ku diirsadaan. Dhasheenow! Waxaad tihiin madaxdayadii mustaqbalka, waxanna idiin ballanqaadeynaa in aan dhidibbada u aasno mutaqbal aad carrigiina iyo caalamka oo dhan aad si rarrayn leh ugu faani doontaan: “Waxaan ahay Soomaali!”
Mudanayaal;
Manta waxaan idin soo hordhigayo waa warbixin sannadeedkii ugu horeeyey uu Baarlamaankani yeesho taniyo Dastuurkeena sida kmg loo ansixiyey kuna saabsan wax-qabadkii Golaha Shacabka. Saa daraadeed waa lagama maarmaan inaan si miiran u hakano, oo dib u eegno xageebaan kasoo ambaqaadnay si aan u diwaangelino maxaa loo soo huray dalkeena si uu kusoo gaaro heerka uu hadda joogo iyo mintidnimadii aan ku soo gaarnay meesha aan hadda mareyno. Waxaa kaloo aan u baahannahay inaan si wacan u fahamno halka xaaladeenu hadda joogto iyo inaan fiiro dheer u yeelano caqabadaha ina horyaal iyo inaan isla meel-dhigno qorshayaasha xil-gadasho ee ina sugaya, siiba kal-fadhigeena 2aad oo inagu soo fool leh.

2.      Gogol-dhig

Bartilmaameedyada taariikhiga ah ee la gaaray tan iyo markii laga baxay xillgii ku-meel-gaarka ahaa, waxaa ugu muhimsan :
  • Dastuurka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo 1-dii Agoosto 2012 si ku meel gaar ah loo meelamariyay, di-u-eegistiisana Golahan cusub loo igmaday.
  • Xubinnimada Golahan ay guurtida Soomaaliyaeed inoo soo xuleen, oo xilka la inno dhaariyay 20-kii Agoosto 2012, taariikhdaas oo muddo affar sano ah (4) xilhayn ah inoo bilaabatay, innaga oo beddelnay Baarlamaanki Federaalka ee ku Meel-gaarka ahaa ee soo jiray xilligii ku-meel gaarka.
  •  Waa Mahad-Allah, Golahan Shacabka ee aan xubnaha ka nahay waa kii rasmiga ahaa ee ay Soomaaliya mudda labaatan sano ah Yeelato!
  • 28ki Agoosto ee isla sannadkaas waxaa la doortay shir-guddonka baarlamaanka oo ka kooban GUddoomiye  iyo laba ku-xigeen;
  • 10-kii Sebtember waxaa la doortay Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
  • 6di Oktoobar waxaa madaxweynuhu magacaabay Ra’iisul Wasaarihi Xukuumadda
  •  Waxaa kalsooni buuxda la siiyay Golaha Xukkuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Barnaamijkeeda
Tallaabooyinkaas oo dhan wuxuu baarlammaanku ku gaaray isagoo u maray tub wadaxaajood dimuqraaddi ah oo dastuuri ah, wuxuuna ku guulaystay asaga oo mid ah.

3.      WAA MAXAY CAQABADAHA INNA HORYAAL?

Waxaan kasoo gudubnay caqabado adag, kwa kalena waa inna horyaallaan:
  • Dalka iyo shacabka Soomaaliya waxaa la soo gudboonaadey colaado dhowr iyo labaatan jirsaday oo arxan-goys ahoo dad iyo agabba naafeeyay.
Dhidibba u aasidda Goleheennu waa inay noqoto bilawgi ka sabatabixidda leelleeka;
  • Xilka ugu weyn ee baarlamaanka horyaal waa in la helo ku dhaqanka sharciga, taasoo hor iyo horaan aan looga maarmin hirgelinta dastuurka cusub oo xoogga la saaro;
  • Soomaaliya waxaa weli ka jira colaado, sidaas awgeed nabadaynta iyo midaynta dadkeena iyo dadkeennu waa xil kaloo ka mid xilalka ugu waaweyn oo ina horyaal;

Golahan Sharafta leh waa in uu u horseedaa mideynta iyo nabadeynta qaranka.

  • Soomaaliya waxay u baahan tahay inay qaaddo tallaabooyin dhalin kara natiijo wax-ku-ool ah oo u abbaaran horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka, taas oo lagama maarmaan u ah soo celinta isku-kalsoonida shacabka, si dadka dalka ku sugan iyo qurbajoogta soomaaliyeedba ugu dhiirradaan inay muruqmaalka dadkooda iyo khayraadka iyo ra’samaallada kale ee dalkooda u maalgashadaan. Si loo gaaro himmiladaas oo u abbaaran fufinta iyo di-u-noolaynta nolosha dalkeena,
Goalahan waxaa looga baahan yahay dedejinta iyo dejinta sharciyada  lagama maarmaanka ah  maareeya maalgashiga dalkeena;
  • Soomaaliya waa inay dib-u-hanataa maqaamka iyo kaalinta ay ku lahayd beesha caalamka, gaar ahaan dalalka deriska ah, si ay u mutaysato ugana faa’ideysato fursadaha maalgelineed ee caalamiga ah iyo kuwa dalka gudihiisa laga dhalin karo.

Golahan wuxuu xil ka saran yahay sidi loo soo celin lahaa hay’baddi qaranka.

  • Golahan wuxuu xil-gudshadiisa ku bilaabay aqalkan dudunsan agab ahaanna, meel maran. Aqalka iyo agabka lagu hawlgalayo ka sookow, waxaa lagama maarmaan ah inuu goluhu yeesho hay’kalka ku habboon meeleynta shaqaalaha, hawlwadeenno mihnadyahan ah oo karti leh iyo kaabayaasha laga maarmaanka u ah xil-gudushada Golaha.

Hadaba Xildhibaanayaal, hayndarradaasi aan tilmaamay haka niyadjabina, oo ii oggolaada inaan idin xusuusiyo Orohda Allahu Swt: “Fa inna Macal Cusri Yusraa (5) Inna Macal-Cusri Yusraa (6) 
Waxaa hubaal ah in ciiqa iyo ciriiriga aan ku jirno maanta aan ka doogsan doono kana barbixi dhowaan, – Inshaa Allah, waa hubaal waana Alla-Ogaan! Waxaa nalooga baahan yahay keliya, intii goor-gaabtoo yeelano dulqaad, adkeysi iyo Dadaalkeenna oo aynaan dhimin ee dar-dar hor leh sii gelinnaa.
La lotta Continua! Vittoria e’ Certa!

4.      MAXAA INOO QABSOOMAY?

Xaaladda aan hadda ku sugannahay, waxaynu weli taagannahay bilawgi dhidibba u aasidda xukumad cusub oo laga sugayo inay dalkeenan barakaysan gaarsiiso dimuqaraaddiyad. Hay’adihi xukuumaddu weli hanqaad ma noqon. Affartii bilood ee Kalfadhiga 1-aad ee Goluhu jiray wuuxuu yeeshay lix iyo affarta (46) Fadhi guud oo caadi ah iyo sagaal (9) fadhi gaar ah. Waxaa intaa barbar socday guddiyo hoosaad oo si isdabajoog ah u shaqaynayey.

Xildhibaanada iyo ka qaybgalka fadhiyada

Tirada ugu badan ee xildhibaanaadu ka qaybgaleen waa fadhiga 9-aad, 10.09.2012 kaasoo gutinta uu ku furmay ahayd (271) xildhibaan xaadir ah.
Guntinta ugu yarna waa fadhiga 35-aad 16.12.2012 oo 152 xaadir ahaayeen. Isuku celceliska guntida fadhiyada Goluhu waa (190) xildhibaan. Ka qaybgalku ma xuma, waase laga fiicnaan karaa.
Maadaama Xeer-hoosaadka dhowaan uun la ansixiyey waxaa maanta xildhibaan kasta si qarsoodi ah loo siinaya tirada fadhiyada uu joogay iyo kuwa uu ka maqanaa. Haseyeeshee, laga bilaabo Kalfadhiga 2-aad  oo bilaaban doono 2-da Maarso 2013, magacyada  maqanayaalka iyo heer ka qaybqaashadooda fadhiyadaba dadweynaha ayaa loo bandhigi doonaa, si shacbiga guud ahaan iyo dadka degaan-doorashada xildhibaanku mattalaayoba u ogaadaan.
Waxaan aad uga xumahay inaan halkan ka sheego inay jiraan xildhibaano aan badnayn doorashooyinkii Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha JFS ka dib aan soo xaadirin, kuwaasna digniin culus ayaa loo diri doonaa.
Ilaa iyo hadda waxaa istiqaalo keenay oo kursiga banneeyey shan (5) xildhibaan oo 4 beddelkoodu la dhaariyey hal kursi uunbaa bannaan ilaa maanta. Hal xildhibaanna waa geeriyooda, isna beddelkiisa xilka waa loo dhaariyey

Hadaba maxaa ilaa hadda inoo qabsoomay?

Sida Gole Baarlamaan Cusub kasta oo caalamka ka jiro u caadi ah, Kalfadhiga 1-aad ee Goluhu hawlgalkiisu wuxuu u badnaa, dhisidda Laanta Fulinta ee Dawladda, ansixinta Misaaniyadda Qaranka, dejinta Xeer-Hoosaadka Golaha Shacabka iyo arrimo kale oo muhiim u ah hawlgalka Golaha. Saa daraadeed shaqada dhabta ah ee sharcidejinta iyo xilalka kale ee siyaasiga ah waxay bilaaban doonaan Kalfadhiga 2nd oo bilaaban doono 02.01.2013 Inshaa Allaah.
Waa Mahad Eebbe wax badan baa inoo qabsoomay, oo ay ka mid yihiin:

1.      Doorashadi shir-guddoonka Golaha;
2.      Doorashadi madaxweynaha JFS;
3.      Hal kulan wadajir xildhibaanada iyo odayal dhaqameedka
4.      kalsooni siinti Ra’isul Wasaaraha;
5.      kalsooni siinti golaha xukuumadda iyo barnaamijka xukuumadda;
6.      meel-marinta Xeer-Hoosaadka Golaha, ka dib markii fadhiyo badan looga baarandegay;
7.      doorashada Guddiyadi Golaha;
8.      Dejinta, lafaguridda iyo meel-marinta istrateejida xil-gudashada Golaha ka dib marki fadhiyo dhawr ah la iskula mee-dhigay;
9.      Ka wada-xaajoodka iyo meel-marinta miisaaniyadda saddax-biloodle ah ee 2012.
10.   Ka wada-xaajoodka iyo meel-marinta Miisaaniyadda Qaranka loo qoondeeyey sannadka 2013;
11.   Darsidda akhrinta kowaad ee Xeerka Maaraynta Maaliyadda Dawladda;
12.   Darsidda iyo akhrinta koowaad ee Heshiiska Iskaashiga Tabarrada ciidamadda qalabka sida ee dhexmaray Soomaaliya iyo Jumhuuriyadda Turkiya;
13.   Ansixinta Heshiiska wax wadaqabsiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Xildhibaanada Qaranka ee Jumhuuriyadda Djibouti;
14.   Ansixinta Haykalka Meeleynta Shaqaalaha Baarlamaanka Federaalka
15.   Isla meeldhigidda iyo cayimaadda Shuruucda hortebinta leh ee Dastuurku Farmay;
16.   Ka qaybgelidda sahminta dhibaatooyinka loo geystay dalka Falastiin;
17.   Fadhi gaar laga qaybgeliyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jumhuuriyadda Turkiya;
18.   Fadhi gaar ah laga qaybgeliyey Guddoomiyaha Golaha Xildhibaanada Qaranka ee Jumhuuriyadda Djabuuti
19.   Qaabbilaaddi Wakiilka Qarammada Midoobay; iyo
20.   Hawlqabadyo kale qubane ah oo qabsoomay.
Xafiiska Guddoomiyaha Baarlammaanku si buuxda ayuu barnaamijyo kala duwan uga hawlagalay, waxaana ka mid ah:
1.      Marar kala geddisan ayuu qabtay xilka  Ku-simaha-Madaxweynaha;
2.      Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisu waxay qaabilleen wufuud ka socda dalal shisheeye oo tiradoodu dhan tahay 29.
3.      Waxay 24 shir la galeen madax iyo hay’ado deeq-biixyayaal ah;
4.      Waxaan Guurtida Soomaliya la yeesheen;
5.      Waxay xarunta baarlammaanka kula kullannay 240 wakiillo ardada jaamacadaha ka mid ah;
6.      Waxay xarunta baarlammaanka kula kullannay ilaa 300 wakiillo mattalaayey Haweenka Soomaaliyeed;
7.      Waxay kulamo ku saabsan is-waafajinta ajendada sharcidejinta la yeesheen Laanta fulinta Dawladda; iyo
8.      Kulammo badan oo jadwal lahayn oo aan la yeelanno xildhibaannada

5.      Waa maxay Istrateejiyadeenno?

Ujeeddada Istrateejiyadeena looga gol leeyahay waa weeye in laga dhabeeyo himilada ummaddeenna taas oo aan ku mutaysan karno in aan noqonno Codka shacbiga Soomaaliya. Golahani wuxuu matilaa shacabka Soomaaliya oo dhan, sidaas awgeed waa inuu gutaa xilkisa dastuuriga ah kaas oo ah inuu dejiyo sharciyada dalka iyo dadka lagu dhaqayo, joogteeyo u kuurgalka hawlaha xukuumadda si uu ula isaabtamo, hubiyana in ay ka ka mira dhaliso himilooyinka shacbig iyo xilka ay xambaarsatay, taas oo ah in hadba intii tabarteeda ah u horseeddo:
·         Nabad;
·         Midnimo, iyo
·         Horumar.
Si xilkaas goluhu u guto, waa in ay hagaan mabaadi’ida soo socta:
Ammaano – Amaanadu noocyo badan bay leedahay oo aan lasoo koobi Karin. Haddii aan in yar ka sheegno, waxaa ka mid ah (1) hantida, agabka, qaanta iwm; (2) waxaa kaloo ka mid ah qorshooyinka lagu heshiiyo fulintooda, xogta lagugu siiyo xogwarranka xilka aad hayso awgeed iyo xajinta sirta lagugu aaminay; (3) waxaa kaloo ka mid ah: cilmiga aad baratay, xirfada iyo mihnadaha aad taqaan iyo fursadaha lala kulmo iwm. aad ku ogaato xilka. Qof kasta oo xubin ka ah xildhibaan kasta oo Golahan ka mid ah waxaa luqunta u surtay ammano ah: Shilin kasta oo khasnadda Guud ee Qaranka ku soo dhacdo ama magaca shacbiga lagu soo qaado Golahan waa ku ammano, oo waa inay ogaalkiisa ku baxdaa, hubiyaana halka iyo waxa lagu bixiyey; qorshe kasta oo aan degsanay inaan dalkan ku badbaadino ama Goleheenan hawlihiisa ku fulino waa inaan hagar la’aan iyo mihnadyahannimo ku fulinaa intii tabarteena ah oo, Golahan waa ku ammano; xog kasta iyo xogwarramada la inoo keenayo iyo sirta xajinteeda waa inagu ammaano; Cilmiga, xirfadaha meheradaha Allahu Swt ina baray inaan gudbino kuna shaqayno waa inagu ammaano; fursad kasta oo aan ogaanno ama la kulanno oo Allahu Swt ina haleelsiiyo inaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu faa’deyno iyadana in “maxaa iga galay” la yiraahdo   ma aha ee waa inagu ammaano; inaan u guntixirano  markii bartamaha 2016 la gaaro sidii golahan uu, idin Allah, ku suurtogelin lahaa in dalka oo federaaleysan loogu qaban lahaa doorashooyin xor ah oo shacbiga kusoo doorto wakiilladiisa Golaha Baarlamaanka Qaranka oo ay dhan yihiin xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Dawlado Goboleydyadiisuna u dhan yihiin. Arrinkaasina waa waajib Dastuuri ah oo waa inagu amaano. Dhamaan arrimaha kor ku sheegan iyo in kale oo badan oo aan halkan lagu soo koobi karinba waa inagu ammaano adduunka shacbigeena inagula xisaabtami doono Akharona tii Rabbi inoo dheer tahay. Saa daraadeed, xildhibaanku waa inuu Amiin ahaadaa!
Hufnaan – Urursanaanta iyo dhaqan hufnaanta waa labo arrin saldhig u ah sababta xildhibaanka xasaanad baarlamaani ah loo siiyey. Waxaa laga filaya inuu si Alla-ogaan ah u dhaqmo xilkana u guto. Oroh ujeeddada ajendada asiibta iyo hadaljeedin sadiid ahna waa ka mid hufnaanta iyo haybad ilaalinta xildhibaanka. Aan idin xusuusiyo: Mudane kasta oo ka mid ah golahan, wuxuu ballanqaaday in uu ku dhaqmo nafti-hurennimo, hufnaanta ugu sarraysa, iyo daacadnimo ay u sii dheertay in uu adeegsado xirfad hoggaamineed ku dhisan mihnadyahannimo.
Irridfurnaan iyo isla xisaabtan: U nuglaanshaha dareenka shaxcabka: Arrimaha kale ay Istrateejiyadeena iyo xilqaamanaanteena kale ina farayaan waxaa ka mid ah irridfurnaan, oo micnaheedu yahay in muwaaddinku si sahlan uu inoo heli karo inoola kulmi karo.  Xubno ahaan waxaan ballanqaadnay in aan u firfircoonaano ogaanshaha dareenka dadweynaha, una nuglaano rabitaanka shacbigeena, wax kasta oo kalena ka hormarinno si dareenka dadku gucanaayo iyo rabitaanka shacbiga looga dhaliyo hindisayaal horumarineed. Gole ahaan waa in aan mar kasta u heellanaana in shacabku innakula xisaabtamayo hadba waxa aynu ka qabannay xilki ay innoo igmadeen.
Iqaddarin – Gole ahaan waxuu had walba ku jirnaa ka wada xaajood amuuro qaran. Saa daraadeed, kuba keena kale, tuba teena kale waa inuu qaddariya oo xishmad iyo ixtiraam isu muujinaa. Haddii aan si kale idinku sheego: isqaddarinta iyo is xitiraamiddu waa inay annaga inaga bilaabataa si da’yarteena inoogu dhaqan daydaan. Gole ahaan waxaanu ballanqadnay in aan si isku mid ah u xurmaynno guurtideenna, waayeelkeena, caruurteena, haweenkeena iyo dhammaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed oo sheebiyo shaabba leh iyo cid kasta oo xaq ku leh xilqaanka qoorta innoo suran. Waa inaan si siman, oo islaweyni ka aan u xurmayno iyada oo aynnaan u kala xigsnayn gobol, qabiil iyo isir, naafonnimo ama maqaam bulshadeed midna. Xusuusnaada waa xaq muwaaddinku leeyahy. Mudanayaal xusuusnaada, muwaaddinku waa ajigaada, annaguna nahay adeegayaashiisa
Waddaniyad: Sanooyinkii burburka waxaad moodaa in dadka dareenkooda wadaniyadu uu noqday mid u dhexeeya ku hurdo dheer galay ama mid gam’ahaya, tirabuurta dadka dareenka waddaniyadda ku dambeeyana aanay hawl, hanti ama waqti u hurayn. Waxaan soo marnay, oo welina inagu dambeeya in loo wada tooghayo in dalal shisheeye loo wada dhoofo, sidii dalkani aan annagu lahayn oo aan usii hayno taniyo cid kale inagala wareegeyso. Waxaa muddadii dheered ee dagaalka macnodarrada ka socday dalka waxaa dadka ku abuurmay cabsi iyo argaggax. Cabsi wax ay kaa goyso maahee wax ay kugu soo kordhineyso ma jirto. Cabsi Allaa lehe, aan shacbiga u ballan qaadno in aan ugu adeegno si waddanibimo ah una horseedno geesinnimo aan dalkeena ku hanano.
Isntrateejiyada Golahan waa mid fudud, oo si sahlan loo fahmi karo loona fulin karo. Waxay u tooghaysaa in muddo affarta sano ee soo socota laga dhabeeyo saddex  bartilmaameed  oo ma huraan ah:
1) (a) Waa inaan dejinaa sharciyo wax ku ool ah, tayo leh, oo la hirgelin karo; (b) Dib-u-eegis dhab ah ku sameynaa Dastuurka Federaalka; iyo (t) laamaha kale ee  dawladdana si joogto ah oo wax-ku-ool ah loogu kuurgalo fulintooda xilalkooda;
2) Waa in Xubin kasta oo goleheenna ka mid ah u hurnaa tayo-dhisid siisa karti iyo awood buuxda uu ku mattalo degaan-doorashada uu kasoo jeedo, isla markana waxaynu ballanqaadnay (kuna xisaabtamidoonnaa) gole ahaan in dadka aynu matilaynaa innala xisaabtamaan,  si loo gaaro midnimo qaran iyo nabad;
3) Waa in aan Golaheenu ka dhigno hay’ad si wax-ku-ool ah u shaqaya, oo leh maamul hufan iyo kaabayaashi hawlfulinta ee lagama maarmaanka u ahaa xil-gudashadiisa.

6.      Bartilmaameedyada Istrateejiyada Golaha

Istrateejiyada aan degsannay waxay inna faraysaa in aan ka mira dhalinno lix iyo toban (16) bartilmaameed oo mudnaan leh, kuwaaso kala ah:
Horeytebinta 1-aad: Xeer-Hoosaad wax ku ool ah
Xeer-Hoosaadka Golaha Shacabka, ee aan meelmarinnay, wuxuu xildhibaannada u suurta gelainayaa in ay si habsami leh u gutaan xilalkooda kala ah:
·         wakiilnimada dadweynaha
·         sharci dejin, iyo
·         U-kuurgelidda hay’adaha kale ee dawladda.
Horeytebinta 2-aad: Guddiyada Baarlamaani Fir-Fircoon oo Hawlkar ah
Mahad Allaa Leh, Guddiyadii Baarlamaanka oo xeer-hoosaadka goluhu ina farayey waa inno dhisan yihiin. Muhimadda guddiyadu waxa weeye inay  noqdaan marinki uu goluhu ku gudan lahaa xilalkiisa kala ah:
·         Dejinta sharciyada dalka lugu hagi lahaa
·         Joogtaynta U-kuurgalka hay’adaha kale ee dawladda, iyo
·         Ka qayb-qaadashada horseedidda`nabadda iyo midnimada qaranka
Si Guddiyada xilkoodu habsami ugu gutaan, waxaan ku tala jirnaa in hawlwadeenno cusub, oo heer jaamacadeed ah qorano si ay u kaabaan hawlwadeenadeena Baarlamaanka. Waxaa halkan xusid mudan inaan, magaca Guddoonka gaar ahaan, iyo magaca xildhibaanada guud ahaan mahad gaar ah u ujeediyo hawlwadeenada iyo shaqaalaha Baarlamaanka, oo runtii si mintidnnimo usoo shaqeeyey, hawl wacanna soo qabtay.  Marar badan ilaa saacado dambe oo habeennimo ayey shaqaynayeen si ay aroortii hore wathiiqooyin darban aan u helno. La’aantood hawlaha inoo qabsoomay suurtogal ma noqon lahayn. Ayagan waxaanu leenahay: Walaalayaal mahadsanidiin!
Horeytebinta 3-aad: U-kuurgelidda Hay’adaha kale ee Dawladda
U-kuurgelidda waa xilka ugu muhimasan ee Goalaha saaran. Muddadi yarayd ee goluhu jiray, xildhibaannadu waxay muujiyeen in aanay ka gabbanayn in ay la xisaabtamaan hay’adaha kale ee dawladda.
Horeytebinta 4-aad : Maaraynta miisaaniyadda, xisaabinta, hantidhowridda iyo U-kuurgalka ku dhaqmiddeeda
Hubaal hawl badan baa loo baahan yahay oo ina sugaya. Habraacii aan ku ansixinnay Sannad Misaaniyadeedkii loo qoondeeyey 2013, wuxuu ahaa bilowgii xilgudashada U-kuurgalka. Xildhibaanada iyo xubnaha Golaha Wasiiradabu waxay markii ugu horreysay muujiyeen in labada laamood ee Sharcidejinta iyo tan Fulinta ay si dastuuri ah oo dimoqraaddi ah uga wada xaajoon karaan amuuraha qaranka. Gaar ahaan xildhibaanada waxay ka dhabeeyeen inay yihiin “Codkii Shacabka” – iyagoo si xilkasnimo ku jirto u saxay miisaaniyadda, oo maaliyad badan u weeciyey dhinacyo loogu baahi badnaa, sida kordhinta kharajka lagu hormarinaayo arrimaha bulshada iyo ciidammada qalabka sida. Waxaa inna sugaya in aan hubinno in hay’ad kasta ee dawladdu ay miisaaniyadda ugu dhaqmaan sida ay tahay oo Golahan u ansixiyey.
Horeytebinta 5-aad: Barnaamij Sharci Dejin 
 Sharci-dejintu waa xilka ugu mudan ee goluhu u qoolanyahay.   Qaybta fulinta kulammo ayaan shir-guddonku kala yeeshay, si loo ogaado jadwalka sharci-dejinta xukuumadda u degsan. Wada-hadallada labadan hay’adood ee la xariira sharci dejintu weli waa inoo socodaa. Wada hadalka labadan hay’adood waxaa ka dhismaaya dhaqan demoqraadiyadeed oo dastuuri ah. Natiijada ka soo baxdana waxaa shirguddoonku Golaha uga warbixindoona marka uu furmo kal-fadhiga inoo bilaaban doono bisha Maarso, 2013. Qaybta Fulinta waxaan, inta lagu jiro hakinta fadhiyada Golaha, ka filaynaa in Xafiiska Guddonka Golaha u soo gudbiyaan jadwalka sharci dejinta iyo dhismaha hay’adaha u qorshaysan, dastuurkuna farayo.
Horeytebinta 6-aad: Dib-u-Eegista Dastuurka
Guddiga Golahan u qaabilsan Dib-u-Eegista Dastuurka Federaalka Golahanna loo igmaday waa inoo dhisan yahay. Waxaa gacanta lagu hayaa dejinta qorshaha dib-u-eegista dastuurka kaaso fulintiisa uu goluhu bilaabidoono kal-fadhiga soo socda. Barnaamijka dib-u-eegista Dastuurku wuxuu soo af-jarmidoonaa dhammadka sannadka 2014 Haddii Alla yiraahdo, waxaadna si tifaftiran uga arki doontaan qorshahaas. Sida dastuurku inna farayo ayaynu u ambaqaadidoonnaa dib-u-eegista dastuurka. Waxaan, si xushmad leh xlidhibaannada u farayaa, in marka aad la tashaneysaan dadka degaannada aad matishaan aydin ka tegin soo ururinta dareenka dadweynaha Soomaaliya ee ku saabsan dastuurka.
Naqshadaynta qorshaha dib-u-eegidda dastuurka waxaan dejin doontaa inta lagu jiro muddada hakinta fadhiyada guud ee Baarlamaanka.
Waxaa xusid mudan in aan hortiinna ka caddeyo in dib-u-eegista dastuurku ay noqondoonto mid ay wada qaybqaataan, gobollda iyo degaannada Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Si gaar ah waxaan ugu baqayaa Soomaliland waxaanna si walaalnimo ah ugu baaqayaa in ay kaalinta kaga aaddan ka qaataan sidi dadkeennu u hanan lahaa aayo wacan.
Horeytebinta 7-aad: Xafiisyada La Tashiga Dawdweynaha
Xildhibaannada waxa waajib ku ah in ay la tashadaan dadweynaha degaannada ay matilaan. Golaha Shacabka waxuu xalaal noqonayaa marka xildhibaan walbi uu xafiis ku yeesho degaanka uu mattilo. Xilkaas asaga ah si tartiib tartiib ah ayaan u fulin doonaa waxaanna ku bilaabidoonnaa xafiisyo hor-u-dhac ah oo aan ka furi doonno meelo dalka ka mid ah.
Muddada hakinta ka fadhiyada waxaa la gudboon xildhibaan kasta, inuu ku noqdo degaanka uu matilo si uu:
  • Uga warbixiyo hawlaha aan qabannay;
  • Uga bogto wel-welka ay dadweynuhu qabaan iyo arrimaha mudnaanta u leh;
  • Golaha u soo gaarsiiyo warbxin buxda oo ku saabsan xaaladda dhabta ee ka jirta degaanka. Waxaan xildhibaan kasta si xushmad leh uga codsanayaa inuu keeno warbixin qoraal ah oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee degaanka ka jirta, si loo gelyo diiwaannada Golaha iyo bogga interneetka ee Golaha;
  • Goluhu u helo farriimo ka yimaada degaannada oo ku saabsan waxa shabigeennu ina farayo in aan falno;
  • Si goluhu u fahmo dareenka shacabka ee la xariira nabadaynta iyo midnimada qaran;
  • Si aan dadkeenna ugu hoggaminno horumar;
  • Golaheenuna u noqdo mid u qalma matilaadda shacabka;
  • Waa in aynaan marna hilmaamin in nahay: CODKII SHACABKA!
Intaas aan sheegay ka sokow waxaynu xaq u leennahay in aan nasanno. Meesha aan marayno waxaan ku soo gaarnay mintidnimo iyo hawl adag oo qof kasta oo idinka mid ahi uu qabtay. Waxaynu mudannahay in aynu isku bogaadinno gessinnimada, yididdiilada iyo mintidnimada aan muujinnay. Allaha idinka abaal mariyo!
Horeytebinta 8-aad: La kulmidda iyo Wargelinta dadweynaha
La kulmidda iyo wargelinta dadweynuhu waxay dadka u kordhinaysa wacyi, waxay muwaaddiniinta siinaysaa karti ay kaga qaybqaataan geeddisocodka dimuqaraaddiyaynta dalka. La kulmidda iyo wargelinta dadweynuhu waxay baarlammanka ka dhigaysaa mid daah-furan. Barnaamijkaas asaga ahi waa kan baarlammaanka iyo dadweynaha isku xira oo ka dhex jirsiiya xiriir adag, isla markaasna wuxuu dadweynaha fursad u siinayaa inay si wax ku ool ah uga qaybqaataan dib-u-eegista dastuurka.
Waxaan aad ugu hanweynaha, maya ee waxaan aad rabaa ujeeddada horeytebintan sideedaad oo la xiriiridda shacabka aad bilawdaan muddada aad fasaxa ku jirtaan. 
Horeytebinta 9-aad:Bulshada Rayadka ah
Waxaa lagama maarmaan ah in Golaha iyo bulshada rayidka ahi ay yeeshaan xiriir sokeeye, si bulshada rayidka ah ay ula socoto sharci dejinta, talana ugu yeelato. Waxaan idinka rabaa arrintan iyada ahina aad fulinteeda bilawdaan inta fasax lagu jiro.
Horeytebinta 10-aad: Nabadaynta iyo Qaran-dhisidda
Golohu kaalin weyn oo udub-dhexaad ah ayuu ku leeyahay nabadaynta iyo Dhisidda Qaranka. Xildhibaanada qaar ka mid ah wey bilaabeen hawlgalkaas, waase in aan isku dhiirri gelinno una hawlgalno dardgelin ka baaxad weyn. Waa in xildhibaan kasta muddada lagu jiro hakinta fadhiyada guud ka hawlgalaa degaan-doorashadeedka uu matilayo.
Horeytebinta 11-aad: Hoggaaminta Golaha
Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu u qoolan yahay in Golaha shacabku noqdo tiir adag oo dawladnimo. Durba waxaa la qaaday tallabooyin lagu kobcinaayo kartida hawlfulinta. Waxaa dhowaan lagu xoojin doonaa la-taliye sharci iyo mihnadyaqaanno kale oo kordhin doono tayada iyo hawlqabadka Xafiiska Guddoonka.
Horeytebinta 12-aad: Dhismaha Golaha iyo Horumarinta Kaabayaasha Shaqada
Dhismaha Golaha Umadda, oo u ah Xarunta Golaha shacabku wuxuu u baahan yahay in hawl weyn oo di-u-dhis ah laga qabto si xildhibaannadu ay u helaan bey’ad jawi fiican oo ay ku gudan-karaan xilka culus ee ay shacabka u hayaan. Xafiiska Guddoonka Golaha iyo Dawladda Turkiya, oo muujisay in ay u heellaan tahay inay gacan ka geysato, waxaa u socda wada hadallo. Natiijada wadahadalladan kasoo baxa Kalfadhiga 2-aad ee Golaha ayaan horkeeni doonaa.
Sidoo kale, Xafiiska Guddoonka wuxuu ku dadaali doonaa in guddiyada goluhu helaan agabka shaqo-fulinta lagama maarmaanka ah, sugidda amniga iyo hawlwadeenno tababaran.
Horeytebinta 13-aad: Samaynta qayb cilmi-baaris iyo Maktabad Goluhu Leeyahay.
Qaybta cilmi barista iyo maktabaddu waxaa goluhu ka faa’iidayaa aqoon iyo raad-raac taariikheed. Waxay kaloo si weyn u bari-taareysaa hawsha guddiyada waxayna ka helayaan cilmi-baaris taya leh iyo xog ku saabsan sharciyada. Waxaa hadda socda hawshi lagu samaynayo goobti shaqada ee qaybtaas, waxaana la hawlgelindoona hawl-wadeenno loo tababaridono qaybtaas ayada ah. Waxaan rajayna in marka laga soo noqdo hakinta fadhiyada golaha ay jiri doonaan bilowga agabki aasaasiga ah ee hawlgelinta qaybtaas.
Horeytebinta 14-aad: Dhismaha Haykal Maamuleedka, shaqaalaynta iyo kor-u- qaadidda xirfadaha Hawlawadeennada Golaha
Xilgudashada Golaha waxaa kaabi kara hawlwadeenno karti iyo aqoon u leh hawlaha Golaha, iyo haykal maamul oo la saanqaadi kara baahida xilgudasho ee marba marka ka dambaysa si kordhaysa. Sooddonka (30) hawlawdeen ee hadda shaqeeya ka sokow, waxaa la qaadan doonaa affartan (40) cusub oo la tababarta hawalwdeennada hadda shaqeeya, si marka laga soo noqdo hakadka fadhiyada Golaha ay guddiyadu hawlahooda sidi loogu talagalay ay u gutaan.
Horeytebinta 15-aad Samaynta Qaybta Macluumaadka: Warhelidda, war-isgaarsiinta & Teknoolooji (WWT/ICT)
Waxaa lagu hawlan yahay samaynta Bog - Internet (Website) oo Goluhu leeyahay inta lagu jiro hakadka fadhiyada Golaha. Fadlan la socda boggaas, waayo waxaa kala socondoontaa warar idinka aad idiin khuseeya.
Horeytebinta 16-aad: Kor-u-Qaadidda ammanka Golaha iyo Xildhibaannada
Amni la’aan Goluhu xilkiisa ma gudan karo. Waxaa hadda lagu hawlan yahay in la helo agabka lagama maarmaanka u ah sugidda ammaanka iyo hawlwadeenno amni.
Waxaan filayaa inaad ila qiri doontaa in aan mudda gaaban wax badan ku qabannay. Mahaddaasna Allaa leh. Maxuma inaan isku bogaadino wixi inoo qabsoomay, waase inaan isla mar ahaantaas garawaaqsanaa hawlaha ina sugaya aanay weli fari ka qodnayn.
Su’aasha aan mar walba ay tahay in aan ku hakanno waxa weeye: maxaynu ka tarnay in dadkeennu helo nolol fiican?
Jawaabta su’aashaasi waxay noqonaysaa in loo baahan yahay in aynu tub dheer goyno si ay ay inoogu bannaanaato in oran karno: Haa, waxbaan dadkayaga u tarnay. Inshaa Allah, waanu gaari doonaa.
Sannadka innaku soo fool leh wuxuu noqon doonaa sannadka ugu muhimsanaan doona taariikhdeenna. Samaynta dastuur iyo Gole Shacab oo rasmi ah, labaatan (20) sano oo qalalaase lagu jiray ka dib, waxay dadkeenna siinaysa xaqa ah inay fishaan mustaqbal wanaagsan. Shacabka Soomaaliya waa innaka dhur-sugayaa, wax weynna waa innaka filayaa. Ma gabi karno; mana gabi doonno, Ilaah Idinkii.
  • Sannad Keliya dib uguma dhisi karno Soomaaliya.
  • Sannad keliya kagama kaban karno burburka xanuunka leh ee dalkeenna iyo dadkeenna la soo gudboonaaday muddo labaaatan sano ah;
  • Dimuqaraaddiyadda sannad kuma hirgelin karno;
Lakin waa aynu bilaabi karnaa, waana in aynu bilawnaa soo kabashada iyo horumarka dalkeenna.
Waxaan jeclahay in hadlakayga ku soo gabageeyo in aan idiin soo jeediyo amman aad mutaysateen. Waxaad u dhabar adaygteen dhibaatooyin badan, waxaad muujiseen mintidnimo. Waxaan hortiinna ka qiraya in aan la shaqayntiinna aad ugu farxsanahay. Tub adag ayaa ina sugaysa, waxaana aynu u heellannahay.  Allaha innala garab-galo dadaalka aan ugu jirno in dadkeennu oo dhammi hanto nolol iyo naallo.
Waxaad ballanqaadayaa in aan midiidin u ahaado in aad ila xisaabtantaan Gole ahaan, Guddiyo ahaan iyo xubin ahaanba. In badan oo idinka ka mid waan is-qaabillay, inta aan fursado u helinna waan ka raalligelinayaa. Laga bilaabo ka-fadhiga soo socda waxaan qaabilaadda xil-dhibaannada u qoondayn doonaa toddonaadkiiba laba maalmood (Axadda iyo Arbacada). Jadwalka ballannadu wuxuu noqon mid idiin wada furan si fiicanna loo habeeyay.
Sannado badan baan ku jirnay colaado iyo xasaraado, waxaa lagama maarmaan ah inaan u ambaqaadno sidi aan uga bogsan lahayn dhawacyada bulsho ee xanuunka badan. Sidaas awgeed sannadka 2013 waxaan ugu yeerayaa:
SANNADKI AMBAQAADIDDA GEEDDISOCDKA KA BOGSASHADA UTUMIHI COLAaDDA

WA BILLAHI TOWFIIQ



No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...