Monday 20 January 2014

Baarlamaanka oo loo qaybiyey qorshaha xukuumadda cusub RW C/wali[Sawirro]

 

1
Muqdisho[RBC Radio]Fadhi ay maanta Muqdisho ku yeeshen xildhibaannada baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya,waxaa lugu hor geeyey qorshaha siyaasaded ama barnaamijka xukuumadda cusub ee uu dhawaan xilli danbe soo magacaabay raysal wasaare C/wali Sheekh Axmed.
Shir ay shalay qaateen guddoonka baarlamaanka ayaa raysal wasaare C/wali lugu faray inuu soo gudbiyo qorshaha xukuumaddiisa cusub,taaso keentay in maanta baarlamaanka loo qeybiyo qorshaha siyaasaded ee xukuumadda cusub.
Xilligii uu furmay fadhiga baarlamaanka ayaa guddoomiha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,waxuu xildhibaannada u jeediyey in marka hore loo qeybiyo barnaamijka xukuumadda cusub ayna ku soo heystaan muddo afar iyo laatan saacadood ah, si ay u soo akhriyaan kaddibn maalinta xigta ay uga doodeen.
Xildhibaannada barlamaanka intoo badan,waxaa ay  soo jeediyen in qof qof ay u soo arkhriyaan Barnaamijka Xukuumadda ay soo gudbisay kaddib doodda loo gudbo.
Guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari
Guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari
Guddoomiyaha baarlamaanka  Jawaari, ayaa aqbalay hadal soo jeedinta xildhibaannada barlamaanka ee ah in qof qof loo soo darso barnaamijka xukuumadda, waxaana laga doodaya maalinta berito ah, iyadoo maalinta xigta oo ay taariikhdu tahay 22-ka bisha codka kalsoonid siinta loo qaadi doono Xukuumadda iyo Barmaanijka ay soo gudbisay.
Xildhibaanada, ayaa galabta ilaa caawa soo akhrisan doono waraaqaha ay ku qoran yihiin Ajandaha Xukuumada, dooneysa in ay hesho codka kalsoonida ee Baarlamaanka.
Sidoo kale qorshuhu waxaa uu yahay in maalinta berrito ah xildhibaannada uu hortago raysal wasaare C/wali Sheekh si ay su’aallo uga weydiiyan xukuumaddisa cusub.
Si kataba ha noqote,waxaan la saadaalin karin inay baarlamaanku meel maridoonan xukuumadda raysal wasaare C/wali, xilli ay soo badanayaan xildhibaanada baarlamaanka, ee ka biyo diidan in la meel mariyo golaha wasiirada ee xukuumada cusub.
4
5
1
________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...