Monday 20 January 2014

Faysal Waraabe: Somaliland Gool Baa Laga Dhaliyey Waxaana Ka Masuul ah Nimankii Saxiixay Heshiiska

 

Feysal-WarabeHargeysa (RBC) Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid ee deegaanada maamulka Somaliland ayaa dhaliilay heshiiska magaalada Istanbul maalintii shalay ku dhexmaray Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland isagoo sheegay in heshiiska uu u xagliyey dhanka Soomaaliya.
Faysal Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in heshiiska ay wada saxiixeenlabada wafdi ee ka kala socday Dawlada Federaalka iyo maamulka Somaliland inuu ahaa mid aan xaqiiq ahayn, isla markaana aan lagu sheegin dhibaatadii gaartay, sida uu yiri dadka reer Somaliland.
“Ereygii ahaa xaquuq waa laga saaray heshiiska oo waaa lagu qoray ereyga ah “atrocity” oo ah dil dad aan hubeysneyn loo geysto, mana uusan ahayn ee wuxuu ahaa xasuuq si isir ah loogu geystay dadka reer Somaliland.” ayuu yiri Feysal Waraabe.
Feysal waxaa kal oo uu ku eedeeyay maamulka Axmed Siilaanyo ee xisniga Kulmye inau keligood heshiis la galeen Dawlada Soomaaliya, sidaas darteedna heshiisku uu yahay mid ku gooni ah, sida uu yiri xisbiga Kulmiye.
Wuxuu sheegay in Somliland u baahantahay inay dib u tashato isagoo cadeeyay in gooni isutaagii Somaliland ay sheegatay uu yahay mid la diiday, sida uu sheegay.
Mar la weydiiyey in Feysal Cali Waraabe laftiisa uu horey uga qeybgalay wadahadalka ay Somaliland la gashay Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku dooday in wadahadaladi hore ay ahaayeen kuwo saxsan balse kuwa hadda socda ay yihiin kuwo khaldamay ka dib markii, sida uu yiri laga saaray labo arrin oo waaweynaa.
“Horta inaanu labo dawladood oo wada hadlaya nahay waa la diiday oo magacii Somaliland waxaa laga dhigay maamul goboleed hoos yimaada dawlada Xamar fadhida, tan kale ee meesha ka baxdayna waxa weeye inaanu 1960-kii dawladnimo qaadanay oo aanu ahayn dawlad gooniya waa laga saaray iyana.” ayuu yiri.
“Somaliland maanta gool baa laga dhaliyey, goolkaa laga dhaliyeyna waxaa ka masuul ah nimanka saxiixay.” Ayuu sii raaciyey Feysal Waraabe.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...