Wednesday 1 January 2014

DEG DEG: Qarax Weyn oo Laga Maqlay Hotelka Jazeera Iyo Warar Sheegaya in Weerar Lagu Qaaday


Muqdisho (RBC) Qarax miisaankiisu aad u culus yahay ayaa goordhow oo daqiiqado ka hor ah laga maqay hotelka caanka ah ee Jazeera oo ay degaan madaxda dawlada iyo dadka ajnabiga ah ee ku sugan Muqdisho.
Qaraxan oo aan illaa hadda wax faahfaahin ah laga helin ayaa laga maqlay afaafka hore ee hotelka. Waxaana xigay rasaas tacshiirad ah iyadoo warar hada soo baxay ay sheegayaan in rag hubeysan ay hotelka weerareen.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana xiran goobta uu ka dhacay qaraxa oo ah iridka hotelka.
Hotelka Jazeera ayaa ku yaalla afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Myuqdisho.
Hotelka Jazeera ayaa meel amaanka si weyn loo ilaaliyo, waxaana had iyo jeer hotelka dega wasiirada dawlada, xildhibaano iyo xitaa dada ajnabiga ah ee yimaada Muqdisho.
Waxa sidoo kale dega saraakiisha ciidamada iyo kuwa AMISOM iyo martida u timaada maadaama hotelka uu ku yaallo afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Waxaa hotelk sidan oo kale la weeraray bishii Sebtembar ee sanadkii 2012 xilli uu deganaa madaxweyne Xasan Sheekh oo maalmahaasi loo doortay xilka madaxtinimada.
Wixii ku soo kordha kala soco raxanreeb.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...