Friday 10 January 2014

Iska-horimaad Maanta ka Dhacay Bartamaha Magaalada Baydhabo

                                                                                                                                            
Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Iska-horimaad sababay dhaawaca laba qof ayaa maanta gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ku dhexmaray ilaalada guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdi Aadan Hoosow iyo haweeney uu u soo dago Jaad oo lagu magacaabo Salaadey.
Dagaalkan oo ahaa mid kooban ayaa yimid kaddib markii guddoomiyaha gobolka Bay uu u diiday inuu magaalada galo jaad ay lahayd haweeneyda uu iska horimaadku dhexmaray.
Magaalada Baydhabo ayaa muddo saacado ah xirnayd, iyadoo dadweyne ka careysan amarka guddoomiyaha ay taayarro ku gubeen jidk afar-irdoodka Baydhabo, sidoo kalena waddada ku jaray dhagaxaan waaweyn.
Kooxo hubeysan oo iyaguna ka careysan arrintan ayaa waxay dhaceen mid ka mid ah gaadiidka guddoomiyaha gobolka Bay, inkastoo markii dambe dib looga soo celiyay.
Ciidamada AMISOM ayaa fara-geliyay xiisadda, iyadoo ay Baydhabo hadda ka socoto dhexdhexaadinta labadii ciidan oo weli isku horfadhiya bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Lama oga sababta keentay in guddoomiyaha gobolka Bay uu ku dhawaaqo in jaadka aanu geli karin magaalada, iyadoo jaadka taga magaalada Baydhabo uu si toos ah uga yimaado dalka Kenya.
Hiiraan Online, Baydhabo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...