Sunday 2 March 2014

Maamulka Jubba oo ka soo horjestay inay dowladda ku warejinayan dekedda Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha[Dhageyso]

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubba Cabdiqani Cabdi Jaamac
Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubba Cabdiqani Cabdi Jaamac
Kismaayo[RBC Radio]Maanta oo Khamiis ah (27-kii February) waxaa ku eg xilligii lugu balla-may in dowladda faderaalka Soomaaliya la waregto dekedda magaalada Kismaayo iyo garoonka diyaaraddaha,kaddid heshiiskii ay ku gaaren Addis Ababa dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba.
Heshiiska labada dhinac ay ku kala saxiixden magaalada Addis Ababa,waxaa uu dhigayey in muddo lix bilod ah ay maamulan dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo maamulka Jubba,kaddibna dowladdu ay si rasmi ah ula weregto maamulada labada il ee dhaqaalaha Kismaayo.
Xilligaan maamulka Jubba waxaa ay si cad u sheegen inaysan ku warejin doonin dowladda faderaalka,maadaama ay sheegen inan la dhaqa galin qodobbadi kale ee ka horeyey wareejinta dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo.
Dekedda Kismaayo oo xilligi dowladda ay la waregi lahayd maanta ku eg
Dekedda Kismaayo oo xilligi dowladda ay la waregi lahayd maanta ku eg
Wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka Jubba, Cabdiqani Cabdi Jaamac oo ka hadley arrinta la xirirta haddii uu dhammaaday waqtigii uu ku eka warejinta dekedda sida ay ka yeelayan,waxaa uu sheegay in wareejinta maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo ay ka horreeyaan hirgelinta dhammaan qodobbadii heshiiskii Addis Ababa ee dabayaaqadii August ee sanadkii la soo dhaafay ay gaareen maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay wasiiru dowlaha isagoo la hadlayey radiyaha afka maamulka ku hadla,in ilaa hadda la qaaday hal tallaabo, oo ah dib-u heshiisiinta, taas oo wejigeeda koowaad lagu qabtay Muqdisho, balse wejigii labaad aan wali lagu qaban magaalada Kismaayo.
“Waxaan idin idin xaqiijinaya dowladda way nala qaadi wayday tallaabooyinkii aan rabnay inaan isla qaadno. Duruufaha ayaga dhexdooda ka jiray dartood uma aanay saamaxeyn inay wax nala qabtaan. Way fulin waayeen tallaabooyinkii loo baahnaa, marka arrinta dekedda intaas oo dhan marka la fuliyo ayay ahaan lahayd in wada-hadal laga sameeyo,” ayuu yiri wasiiru dowlaha maamulka Jubba.
Halkan hoose ka dhageyso hadalka wasiiru dowlaha:-



Hadalka wasiiru dowlaha maamulka Jubba waxaa uu ku soo aadaya xilli magaalada Addis Ababa uu ku sugan yahay madaxweynaha maamulka Axmed Madoobe isagoona wasiirka arrimaha dibadda dalka kala hadlaya halka uu ku danbeeyey heshiiskii ay Addis Ababa ku kala saxiixden dowladda faderaalka iyo maamulkiisa Jubba.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...