Toban Oday Dhaqan oo ka soo jeeda Beesha Biyamaal oo galabta lagu Diley Buur hakaba .

                                                 


Wararka ka imaanaya Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay, ayaa waxay sheegayaan in Maqribnimadii lagu dilay toban xubnood, oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Biyo Maal.
Kooxo hubeysan oo ka tirsan Xarakada Shabaab, ayaa waxay Odayaashaan Dhaqanka   kala deggeen gaadiid ay la socdeen, xilli ay marayeen duleedka Degmada Buur Hakaba.

Guddoomiyaha Degmadda Buurhakaba ayaa xaqiijeyey in 9  odey oo saarnaa baabuur Moha ah lagala degey oo la lagu diley isla goobta xaga odeyga tobnaadna Baabuur kale lagala dagey isna isla goobtii lagu diley.

Comments

Popular Posts