W/Q Faysal C. Rooble
Baryahan dambe waxa soo kordhaya dhaqan xumo iyo bratakool la’aan looga bartay madaxda Soomaaliya marka aay la xaajoonayan dalalka kale ee ay diblomaasiyadda wadaagaan. Astaamaha aan hoos ku sharixi ayaa ka tarjumaya qaran jabka iyo is-quudhsi maskaxda ka galay madaxda dalka (Afrax, 2002).[i] Hadii maskaxda iyo maan aad ka dulowdana waa lafjab xoogan.
Talooyinka aan ka bixindoono waxay ku qotomaan kuwo si fudud loo dawayn karo iyo kuwo hawlo culus oo kaliya ku dawoobi kara. Hadafka aan qoraalkan ka leeyahay waa in aan dhalinta Soomaaliyeed la qaybsado qiimahaynu lahayn iyo qaran jabka inagu inala soo dersay.
Markii aynu Qiimaha Lahayn
Waxa taarikkhdu sheegaysaa in kacdoonkii wadaniga ahaa ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (1885-1920) bilaabay uu lahaa sababo qoto dheer iyo kuwo kusoo boodda ah. Mid kamid ah kuwa kusoo boodda waxa laga soo qaadan karaa markii uu Sayidku la kulmay agoono Diintii laga badalay oo Islaamkii laga saaray. Mar uu Berbera kasoo baxay kuna socday Buuhoodle, ayaa waxa uu sii maray xero agoonta loo sameeyey oo ku taalay Daymoole. Markuu waraysi gaaban la yeeshay dhalintii goobta ku jiray, waxay u sheegeen in qareenkoodu yahay Baadariyiinta Masiixiga ah ee meesha ku haya (Catholic Missionaries). Arintaasi waxay Sayid Maxamad ku noqotay niyad xumo iyo dulinimo aan la qaadan karin wuuna ka dhiidhiyay. Markii uu fursad helayna waakii isna Koofi ableey la-dhacay.[ii] Sii Akhri

No comments:
Post a Comment