Friday 28 March 2014

VIDEO:Xildhibaan Xidig oo wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka xoogga ku eedeyey inay wadan qorshe ka dhan ah maamulka Jubba

 

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig
Muqdisho[RBC Radio]Mudane ka tirsan baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa dhaliil xooggan usoo jeediyey wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdullahi Goodax Barre iyo taliyaha ciidamada Xooga dalka General Daahir aadan Cilmi,waxuuna ku dhaliilay qorshayaal uu sheegay inay wadaan.
Xildhibaanka ayaa sheegay in xilligaan ay socdaan abaabul la doonayo in lugu bur buriyo maamulka KMG ah Jubba,waxuuna inta ku daray in loo bahan yahay arrinta in indha dheer loo yeesho.
…”"‘Waxaa socda abaabul lugu doonayo in lugu mijixaabiyo maamulka Jubba,cidkalana ma wade waxaa arrinta qorsheynaya wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Cabdullahi Goodax Barre iyo taliyaha ciidamada Xooga dalka General Daahir aadan Cilmi,waxayna hadda ku howlanyihiin carqaladeynta maamulka Jubba,…”"”ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo isagu dhalishan ka soo yertay.
Xildhibaan Xidig,waxuu inta ku daray inay jiraan qorshayaal ka dhan ah maamulka Juba oo ku saleysan qaab beeleed sida uu tilmamay,isagoona Xildhibaanka arrintaa ka digay sii socoshadeeda.
…”"”Waa muhiim in arrinta sii socoshadeeda laga firsada,sida ay wax ku doonayana waa qaab ku saleysan qaab beeleed,balse waxaan u sheegena inay arrimahas ka tanaasulan,…””ayuu ku daray hadalkiisa xildhibaanku.
Docda kale xildhibaanku waxaa uu sheegay in howlgallada ka socda dalka ee lugu doonayo in lugu soo afjaro Al-shabaab inay yihiin kuwa u muuqada inan guul laga gaari doonan,isagoona hadalkiisa u soo qaatay qorshe la’aan uu sheegay in dowlada inay howlgalkaasi ku dhaqaaqday.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...