Neefafkan geela ayaa waxaa la sheegayaa inay dileen ciidamo katirsan Booliska dalka Kenya Mas'uuliyiita laamaha ammaanka waxay sheegeen inay baarayaan falkan.
Cali Waariyow oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya oo laga soo doorto degaanka Tana River ee Geella lagu laayey waxa uu xusay inuu indhihiisa ku soo arkay geella la laayey.
“Waa arrin laga xumaado in geel ka badan 105 neef xabad lala dhaco weliba si bareer ah, wax la qaadan karo oo caqliga geli kara maaha dowladana waa iney jawaab ka bixisaa” ayuu yiri xildhibaanka.
Waxa uu sheegay inuu la kulmay saraaakisha laamaha amaanka Kenya ayna u sheegeen iney baaritaan wadaan dibna ka soo sheegi doonaan sida ay wax u dhaceen.
Ciidamada Kenya ayaa howlgalo kala duwan ka wadaan qeybo kamid ah Gobolka Waqooyi Bari halkaasoo dhowr mar ay weeraro ka geysteen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ka gudbay xadka Somalia.


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
No comments:
Post a Comment