Weerarkan oo ahaa mid si weyn loo soo qorsheeyey saraakiisha Al-shabaab waxay sheegeen iney la wareegen saldhiga Kulbiyow, isla markaana dileen 67 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya inkastoo Kenya ay warkaasi beenisay khasaarahasoo gaarayna ku soo koobtay dhimashada sagaal askari.
Kenya waxay dagaalkaas ka dib warbaahinta u sheegtay in aan lagala wareegin saldhigga Kulbiyoow balse Video-gan cusub ee Al-shabaab ay soo bandhigtay ayaa waxaa ka muuqanaya xoogag taabacsan Al-shabaab oo saldhigga Kulbiyow dhex socda.
Filimka waxaa lagu soo bandhigaa muuqaalka Sheekh Max'med Dulyadeyn oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab kaasoo lagu dilay weerar ciidamo isugu jiray Maraykan iyo Soomaali ka fuliyeen duleedka magaalada Kismaayo.
Filimkan kama muuqan meydadka askar Kenyan ah oo lagu laayey xeradaas hase ahaatee xoogaga Al-shabaab ayaa doonayey iney cagta mariyaan saldhigaas si la mid ah weerarkii ay ku qaadeen ciidamada Kenya ee degenaa saldhiga Ceelcadde ee gobolka Gedo kaasoo ciidamada Kenya looga dilay ku dhowaad labo boqol oo askari.









Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
No comments:
Post a Comment