Dagaaladaan ayaa saaka waxa ay ka bilowdeen jidka Wadnaha ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay shalay la wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMSIOM.Waxaa la sheegayaa in dagaalada saaka waabarigii hore ay biwlowdeen isla markaana leesku adeegsanayo madaafiic xoogan iyo qoryaha boobayaasha ah.
Dagaalada ayaa waxa ay saamayn balaaran ay ku yeesheen Suuqa Bakaaraah waxaana maanta anan jiri wax ganacsi ah oo ka socda Suuqaasi bakaaraha oo ahaa suuq aad u mashquul badan.
Dagaaladaan ayaa waxaa la sheegayaa in ay geesteen khasaraao xoogan oon soo gaaray dadka rayid eek u nool xaafadaha magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ilaa iyo iminka aanan si toos ah anaan loo cadayn Karin inta uu la egyahay khasaaraha
Shalay ayaa ciidamaada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxa ay la wareegeen qaybo badan oo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
RBC Radio
No comments:
Post a Comment