Monday 23 May 2011

Deg Deg: Dagaalo xoogan oo saaka mar kale ka bilowday qaybo ka mid ah Jidka Wadnaha ee magaalada Muqdisho

Muqdisho (RBC Radio) Dagaalo xoogan ayaa saaka mar kale ka qarxay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Dagaaladaan ayaa saaka waxa ay ka bilowdeen jidka Wadnaha ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay shalay la wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMSIOM.
Waxaa la sheegayaa in dagaalada saaka waabarigii hore ay biwlowdeen isla markaana leesku adeegsanayo madaafiic xoogan iyo qoryaha boobayaasha ah.
Dagaalada ayaa waxa ay saamayn balaaran ay ku yeesheen Suuqa Bakaaraah waxaana maanta anan jiri wax ganacsi ah oo ka socda Suuqaasi bakaaraha oo ahaa  suuq aad u mashquul badan.
Dagaaladaan ayaa waxaa la sheegayaa in ay geesteen khasaraao xoogan oon soo gaaray dadka rayid eek u nool xaafadaha magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ilaa iyo iminka aanan si toos ah anaan loo cadayn Karin inta uu la egyahay khasaaraha
Shalay ayaa ciidamaada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxa ay la wareegeen qaybo badan oo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...