Sunday 29 May 2011

Golaha Wasiirada oo maanta xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee Qaranka

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shir ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxay xil ka qaadis ku sameeyeen Xeer Ilaaliyihii Guud ee Qaranka C/llaahi Dahir Barre, iyadoo xilkaas u magacaabay C/qaadir Maxamed Muuse.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa shir gudoominayay Ra'iisul Wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo kulanka looga hadlay kulankii Golaha Ammaanka ee dhowaan ka dhacay Magaalada Nairobi, kaasoo Madaxda Dowladda ka qeyb galeen.

Tallaabada xil ka qaadista ayaa qeyb ka ah Olole ka socda Xafiiska Madaxweynaha oo beryahan lagu jafayay xubnihii horay uga tirsanaa TFG-dii hore, iyadoo haatan ay isa soo tarayaan xubnaha xilalka kala duwan loo magacaabay ee Kooxda Aalla-Sheykh ee Group-ka Madaxweynaha, waxayna aheyd dhowaan markii Garyaanka Guud loo magacaabay Xasan Xeyle oo ahaa Afhayeenkii Madaxweynaha iyo Agaasimaha Hey'adda Nabadsugida oo isna dhowana loo magacaabay Axmed Macalin Fiqi oo ahaa Safiirkii hore ee Sudan.

C/llaahi Dahir Barre ayaa noqonaya shaqsigii u dambeeyay ee TFG-dii hore Dowladii C/llaahi Yuusuf oo markiisa doorka ku yimid.

Hadaba war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo laga soo saaray kulanka ay yeesheen Golaha ayaa sidan u qornaa:-

Shir ay maanta golaha wasiirada yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen Shirkii Golaha Ammaanka ee QM ay la yeesheen Madaxda Qaranka, xil ka qaadis lagu sameeyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyo magacaabis Xeer Illaaliye Guud oo cusub.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa warbixin kooban siiyey golaha ee la xiriirtay shirkii Golaha Ammaanka ee QM ee ka dhacay Nairobi 25-kii May 2010.

Warbixintaas ka dib Golaha Wasiiradu waxey u mahadceliyeen Golaha Ammaanka ee QM iyo sida ay mudnaanta u siiyeen arrimaha Somalia. Golaha Wasiiradu waxey soo dhoweeyeen go’aanadii ka soo baxay shirkaas oo ay ka mid ahaayeen in magaalada Muqdisho lagu qabto shir wadatashi oo ay Somalida ku soo afjaraan khilaafkooda, isla markaana ay ku go’aansadaan sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka.

Golaha Wasiiradu waxey hoosta ka xariiqeen in loo baahanyahay in dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ay la wada yimaadaan sidii khilaafaadka jira loo soo wada afjari lahaa oo mowqif mideysan loo wada qaadan lahaa, iyadoo la eegayo danta guud ee shacabka soomaaliyeed.

Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mudane Abdullahi Ebyan Nur ayaa golaha u soo gudbiyey warbixin la xiriirta arrimaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo hay’adaha Garsoorka oo uu sheegay in loo baahan yahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo. Warbixinta wasiirka ka dib Golahu dood dheer ay yeesheen waxey isku raaceen arrimahan hoos ku qoran:

1. In Xilkii laga qaaday Xeer Ilaaaliyahii Guud ee Qaranka Abdullahi Dahir Barre.

2. In Mudane Abdulkadir Mohamed Musse loo magacaabay xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...