Saturday 28 May 2011

Madaxweyne Shariif oo si lama filaan ku tagay nawaaxiga Suuqa Bakaaraha iyo aagagii lala wareegay+Sawirro

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta si lama filaan ah kormeer ugu tagay aagaga dagaalka, gaar ahaan goobihii dhowaan Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Xarakada Al-Shabaab, iyadoo Madaxweynaha oo xirnaa dareyska Milateriga uu tagay nawaaxiga Suuqa Bakaaraha.

Madaxweyne Shariif oo ay wehliyeen Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Ahna Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Cabdi Maxamed Abtidoon, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada C/qaadir Macalin Nuur, Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Nathan Mungisha.

Kormeerka Madaxweynaha oo qaatay muddo ayaa waxaa uu socod ku maray Masaajidka Macalin Biya Maalow ee agagaarka Suuqa Bakaaraha ilaa Masaajidkii Sheekh Cali Suufi, halkaas oo uu saxaafada kula hadlay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in howl galada ay wadaan Ciidamada Dowladda ay sii socon doonaan, isagoo uga mahad celiyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM tallaabada ay qaadeen oo ay ku xaqiijiyeen ammaanka.

"Halkan waa Masaajidka Sheekh Cali Suufi, muddo waxaa uu gacanta ugu jiray Al-Shabaab, wuxuuna ku soo laabtay gacanta Dowladda KMG, waana guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyed"ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Madaxweyne Shariif ayaa si gaar ah ula hadlay Ciidamada Dowladda KMG, isagoo ku wargeliyay inay u dhabar adeegaan sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen waxa uu ugu yeeray kooxaha ku soo duulay.
"Waxaa la idinka baahan yahay inaad dalka ka xoreysaan Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, waana inaad dadaalkiina laba laabtaan"ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Intaas kadib Madaxweynaha ayaa tagay Xaafada African Village iyo Guryihii Shaqaalihii Bankiga ee Bangaariyada, halkaas oo uu kula hadlay Qeybaha Bulshada oo ay hogaaminayeen Haweenka iyo Culumaa'udiinka oo Ciidamada Dowladda u geeyay sahay isugu jirtay biyo iyo raashin fudud.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyed guulaha ay gaareen Ciidamada qalabka sida, isagoo ka codsaday inay shacabka ay taageeraan Ciidamada ayna xoojiyaan xiriirka kala dhaxeeya.

Haweenka ka socday Ururada Bulshada ayaa watay calan iyagoo muujinayay sida ay ugu faraxsanaayeen goobaha Ciidamada Dowladda ay qabsadeen, kuwaasoo u rajeeyay inay sii socdaan ilaa dalka oo dhan laga saaro Al-Shabaab.

Marka loo eego kormeerka Madaxweynaha maanta ku tagay goobaha dagaalka iyo meelihii ay la wareegeen Ciidamada ayaa aheyd mid aad uga duwaneyd, iyadoo Madaxweynaha uu socod dheer ku maray qeybo badan oo ku dhirirsan Jidka Wadnaha, waxaana markii u horeysay shacabka ay kala qeyb galeen goobaha uu booqday.

Ciidamada Dowladda KMG ayaa la wareegay goobo muhiim ah oo ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, gaar ahaan wadada muhiimka ah ee Jidka Wadnaha oo si aad ah ugu dhow Suuqa weyn ee Bakaaraha oo hada ganacsigiisa uu si rasmi xirmay, Ganacasatadana hantidooda ay kala baxeen.










No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...