Saturday 28 May 2011

Taliye xigeenkii Nabadsugida Qaranka Jen. Nuur Shirbow oo is casilay (Warbixin)

Taliye Xigeenkii Nabadsugida Qaranka Jen. Nuur Shirbow ayaa iska casilay xilkiisii, iyadoo uu Madaxweynaha uu u gudbiyay waraaqdiisa istiqaalada sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo muhiim ah.

Warar ay heshay Shabakada Jowhar.com ayaa sheegaya in maalmahan uu jiray warar la isla dhex marayay oo ku aadanaa xil ka qaadis Madaxweynaha damacsanaa inuu ku sameeyo Jen. Nuur Shirbow, iyadoo shalay ilaa xalay wada hadalo ay ku lahaayeen Xarunta Madaxtooyada Beesha uu ka soo jeedo Jeneraalkaas.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Beesha uu u dhashay Jen. Shirbow ee Warsangeli Abgaal ay dhowaan dhaliishay xilkii Agaasimaha Hey'adda Nabadsugida oo loo magacaabay Mas'uul cusub, taasoo sida laga soo xigtay Jen. Nuur Shirbow uu dhankiisa ka cadeeyay in aanu la shaqeyn karin mas'uulkaas cusub.

Kulan qado ah oo uu shalay Madaxweynaha u sameeyay Beesha uu ka soo jeedo Nuur Shirbow ayaa la sheegay in wax natiijo ah ka soo bixi waayeen, iyadoo kulankaas uu gaaray ilaa xalay gelinkii dambe sida Jowhar.com u xaqiijiyeen Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Mid ka mid ah Xubnihii kulankaas ka qeyb galay oo dalbaday inaan magaciisa la sheegin ayaa inay isku afgaran waayeen Madaxweynaha waxyaabihii ay u gudbiyeen oo ahaa in Jenanka uu xilkiisa sii hayo, isla markaana uu tilmaamay in Beesha aysan diyaar u aheyn in xilka sii heyso hadiiba xilka Agaasimaha Hey'adda Nabadsugida loo dhiibay nin aanay horay howlaha ciidanimo u soo marin.

Inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaac bixin is casilaada ayaa hadana warar hoose oo ay heleyso Shabakada Jowhar.com waxay sheegayaan in Jen. Shirbow uu Madaxweynaha u gudbiyay warqadiisa istiqaalada, ka hor inta aan isaga laga qaadinba.

Jen. Shirbow ayaa tan iyo sanadkii 2007-dii hayay xilka Taliye xigeenka Nabadsugida Qaranka, xilligaas oo ay Muqdisho soo cago-dhigatay Dowladii C/llaahi Yuusuf, iyadoo uu noqonayo Mas'uulkii u dambeeyay ee haraadiga ku ahaa Dowladdan Madaxweyne Shariif hogaamiyo.

Madaxweyne Shariif ayaa horay xilka Taliyaha Nabadsugida Qaranka uga qaaday Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ahaa gacantii midig ee Shariif Xasan Afhayeenka Baarlamaanka, iyadoo xil ka qaadistiisa ay salfatay dhamaan Taliyeyaashii Ciidamada oo la wada bedelay.




Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...