Tuesday 24 May 2011

Xayiraad toban iyo Labo Sano oo Gaw ah Saaran Magaalooyinka, Gadhmalu, Cundhufo iyo Cadayto


DIRE-DAWA: (DjibTalk) JIMCA, May 20 2011 — Saddexda magaalo ee kala ah gadhmalu, cundhufo iyo cadaytu oo ay degan yihiin dad soomaaliyeed oo hayb ahaan ka soo jeedaa beesha Ciise, Ayaa tan iyo 1991 kii (TI) waxaa saarnaa xayiraado lagu soo rogay oo lagu mamnuucayo in laga fuliyo mashaariic horumarineed iyo in laga dhisto guryo loo isticmaalo hooy lagalo iyo sidoo kale kuwa loo adeegsado meheradaha kala duwan ee lagu shaqaysto.Saddexdaa magaalo, tan iyo intii, waaga cusub ee dimuqraadiyadeed ka hana qaaday dalka Itoobiya 1983 (TI) ilaa laga soo gaaro 1991(TI) waxay ahaayeen deegaano ka tirsan D.D.S. oo  calan ka  taagan yahay isla markaana u dhamaystiran yihiin qaab dhismeedkii dawliga ahaa oo gaadhsiisnaa ilaa heer qaballe ( Xaafad).
Xayiraadaha lagu soo rogay waxaa sabateeda lahaa deegaanka canfarta oo ay xuduud wadagaan saddexda magaalo iyo deegaanada ku meersan, ka dib markii ay masuuliyiintoodu  ku candacoodeen in saddexda magaalo ka tirsan yihiin deegaanka canfarta.
Lama garanayo, waxa ay ku salaysanyihiin sheegashooyinka masuuliyiinta Canfareed,sababtoo ah ma jiraan ama la arkimaayo haddii xitaa ileys lagu raadiyo hal qoys oo canfar ah oo ku nool sadexda magaalo ee xayiraada  lagu soo rogay.

Sheegashooyinka ka dib waxaa la qabtay shir ay ka soo qayb galeen masuuliyiintii ugu sareysay 2da deegaan,wasiiro ka soo  jeeda labada qawmiyadood oo ku jirey golaha wasiirada ee heer federaal, Hawlwadeeno. Xilal sare ka hayay xisbiga talada haya ee   EPRDF iyo dad looga yeedhay degmooyinka dariska ah ee labada degaan oo ka dhacay magaalada hawaas sanadkii 1991 ka.
    Shirkaas waxaa laga soo saaray Go’aano aad uga fog waaqicigii jirey oo aan xeerinayn xaaladihi dhabta ahaa ee ka jiray saddexda magaalo iyo goobaha ku dhaw ee ku meersan, iyada oo ay qalad ahayd in masuuliyintii Soomaaliyeed ee heer federaal iyo kuwa heerka deegaan ee ka midka ahaa hogaaminta shirka ay taageeraan Go’aanadii qaldanaa ee ka soo baxay shirka. Go’aanada laga soo saaray shirka waxa ay ahaayeen ilaa inta lagu kala baxayoo saddexda magaalo iyo goobaha ku dhaw ee ku meersanba(waxaa lagu kala bixi karaa meel laba qawmiyadood ama shucuub aan israbin wada dagan  yihiin ee meel aan cidiba kula daganayn oo aad qolo mid ah ku joogtiin, bal waa yaabe, ayaad ku kala baxaysaan?)
• In aan laga fulin Karin wax mashaariic ah haddii ay dawlad, shaqsiyaad  iyo hayaddo wadaanba
• In si shaqsi ah ama si wadareedba looga dhisi Karin guryo loo isticmaalo hooy lagalo iyo kuwa lagu ganacsadaba.                                                                      
• In la dhaadhiciyo calanka D.D.S ee dul sudhan 3da magaalo iyo goobaha ku dhaw ee ku meersanba, Islamarkaana la dumiyo qaab dhismeedkii jirey ee D.D.S oo badalkiisa la sameeyo maamul isku dhaf ah oo ka socda labada degaan.
    Fulinta Go’aanadii ka soo baxay shirkii lagu qabtay magaalda Hawaas, sanadku marku ahaa 1991 kii waxaa loo xil-saaray madaxdii soomaaliyeed ee heerka federaal iyo ahaa heerka deegaan asal ahaana ka soo jeeday reer ka ciise.
     Waxay socdaal ku mareen saddexda magaalo iyo degaanadii ku meersanaa iyaga oo amar ku bixiyay in la dhaadhiciyo calamadii D.D.S ee dul-sudhnaa 3da magaalo iyo deegaanada ku meersan,. Islamarkaana dhisay guddiyo dabagala in aan la dhisi Karin guryo danbe oo cusub oo aan ka ahayn intii wakhtigaa dhisneyd iyo in aan la qaban Karin wax mashaariic ah oo laga fuliyo deegaanada la isku haysto. ( waa sidii markaa hadalka ay u dhigayeen) waxay sidoo kale dumiyeen qaabdhismeedkii jirey ee D.D.S oo ay badalkiisii sameeyeen guddiyo maamul oo isku dhaf ah iyaga oo la kaashanaya madaxada deegaanka canfarta oo muddo yar uun markii ay shaqeeyen soconiwaayay oo iskood uu dumay. 

Tan iyo waaga oo hadda laga joogo toban iyo labo sano oo gaw ah waxa deegaanadaasi iyo dadka ku nooliba ku sugan yihiin xayiraad la saaray oo aan dastuuri ahayn oo ka hor istaagay xaqii ay u lahaayeen in ay helaan horumar aan kala go’lahayn iyo maamul ku yimaada rabitaankooda.
abada. degaan ee ku muransan degmooyinkan ilaa hada ma ay keenin xal ama is-afgarad iyo heeshiis ay ku gaadheen wada xaajood ay sameeyeen si loo soo afjaro arrintan khusaysa ee ay ku muransan yihiin, haddii ay heshiin kari waayeena xaajadan wali looma gudbin golaha federeeshinka si arrintaaas go’aan uga gaadho.

Sanadahan uga danbeeyayna waxaa socda barnaamij odhanaya xalku ha ka yimaado shacbiga degan degmooyinka lagu muransanyahay. 
Shacbiga Soomaaliyeed ee dagan degmooyinkan lagu muransanyahay warkoodu uu  cad yahay oo waxay xalka u arkaan in la mariyo qaab dastuuri ah oo afti laga qaado. Iyaga oo og in aanay jirinba dad la dagan oo afti laga wada qaadi karo. 
Waftigii ugu danbeeyay ee uu hogaaminayay Aaden Faarax M/Ku/Xigeenka 3aad ee Bishii Ginboot 1da 2003 (TI) soo maray magaalooyinka gadhmalu, cundhufo iyo cadaytu waxaa loo sheegay in xalku uu yahay in la mariyo qaab dastuuri ah oo afti laga qaado, lamase dhagaysanayo warkaa ee waxaa la rabaa in si aan waafaqsanayn dastuurka iyo rabitaankooda loogu daro deegaanka canfarta. Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...