
” Kiristanka Amisom yaysan marnaba ku riyoon in dalkan ay xukumayaan” ayuu yiri Sheikh Cali Dheere afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin isagoo geesiyaasha towxiidka kula dar-daarmay sabar iyo Musaabara in ay la yimadaan.
Sheikh Cali Dheere ayaa markale ku celiyay in xamlada saliibiga ah ee Somalia ay ku dhamaan doonto halaag iyo qasaare ay la kulmi doonaan kuwa dalka ku soo duulay ( Burundi iyo Yugandha ).
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa kal hore wacad ku martay in dagaalka jihaadka ah ee looga soo horjeeda Kiristanka Amisom uu yahay mid ku dhisan mabaadi’ iyo caqiido islamarkaana ay adagtahay in Mujaahidiinta ay ka weecdaan hadafkooda oo ah sara u qaadida raayada Towxiidka.
Hadalka Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku soo beegmay xilli dagaalka Muqdisho ka socanayo uu galay todobaadkiisii labaad, iyadoo Mujaahidiinta ay awood kala hortageen Gaalada Madow ee dalka ku soo duushay.
Maxamed Xaamud
Somalimidnimo.com
Muqdisho
No comments:
Post a Comment