Ismaacii Cumar Geelle: Dibindaabyadaada Soomaaliya way ka doogsan!
“Iska Jir cadowga kula jira intaad joogtoodan joogsan hooy Jabuutaay!”
axmedyaasiin sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Madax-weyne Ismaaciil C. Geelle ma maqal miyaa tixdaan! Dabeecadihiisa siyaasadeed markii ay macnayn waayeen dad badan baa u qaatay inuu beelaha Soomaaliyeed qaarna soo dhoweysanayo qaarna fogeynayo!…“Kuwaa gibisha tuuree, ka gilgishay xumaantow Ilaah haydiin gargaaree, way garanayaan, way garanayaan labada u gudboon geeri iyo nolol” Waa tixo heeso ahaa oo ka mid ahaa maansooyinkii lagu taageerayay halgankii gobanimo doonka ee Djibouti….Hiil iyo hoo looma kale harin halgankii gobonimo doonka ee lagu xorayniyay dalka Djibouti, dad iyo duunyo ayeey dadka Soomaaliyeed ku bixiyeen halgankaas, laakiin madax-weyne Geelle in taas loo xaqiijiyo buu u baahanyahay.“Iska Jir cadowga kula jira intaad joogtoodan joogsan hooy Jabuutaay!”
axmedyaasiin sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Xasuus qiiro iyo xanuun badan, “De Gaulle, ha dhaco, jabuuti ha xorowdo!..SHanta Soomaaliya ha midowdo!” maalinta wax yar oo dareen ah ay ka soo kordhaan dhinaca Djibouti gobollada Soomaaliya waxaa ka dhici jiray bannaan baxyo looga soo hor jeedo France, waxaa la soo xiri jiray shaqooyinka, dugsiyada, ganacsiga, iyadoo waliba aysan dowladda Soomaaliya toban jirsan, Waa taariikh qoran wixii ay ummadda Soomaaliyeed ka soo martay halganka xoraynta Djibouti iyo gobolo kale oo wali maqanba.
Waxaan xasuusnahay ololihii ka socday Soomaaliya oo wali ah dowlad taag yar oo lixdankii gobanimmada qaadatay si ay uga qayb qaadato halgankii gobanimo doonka ahaa ee ay hor kacaysay jabhaddii (Front For The Liberation Of French Somali Coast) Waxaan garanayaa annagoo arday ah oo safaaraddii dowladda Faransiiska ay ku lahayd Muqdisho nala hor dhoobo oo ay shaqadeedii joogsatay oo wax gala iyo wax ka baxa la waayay, waxaan garanayaa iyadoo la af-duubay safiirka dowladda Faransa u fadhiyay magaallada Muqdisho xilli uu ka soo baxay kaniisaddii ku taalay bartamaha magaallada Muqdisho, 1975kii.
Run ahaantii af-duubkaas iyo af-duubkii kale ee baskii siday ilmaha ciidammada faransiiska ee isna ka dhacay xuduudka Soomaaliya iyo French Somaliland (Djibouti) 1976kii oo labadaba ahaa labo dhacdo oo muhiim u ahaa soo dedejinta gobinimada iyo dowladnimmada ay maanta harsanayso Djibouti waxaana ku lug lahaa ciidammadii qaranka Soomaaliyeed, tani ulama jeedno inaan inkirayno halgankii ay shacabka Soomaaliyeed ee reer Djibouti u soo galeen gobanimmadooda laakiin waxaan ula jeednaa inaan caddayno in si Soomaalinimo ah loo wada galay halgankii lagu xoreeyay gobolkii seddexaad ee Soomaaliyeed ee guumaystuhu haystay.
Waxaa intaas dheeraa taba barradii iyo saraakiishii Soomaaliyeed ee habeen iyo maalinba u taagnaa ama u heelannaa inay dhiiggooda ku bixayaan gobonimada Djibouti iyo gobol kasta oo Soomaaliyeed oo wali gacan gumaysi ku jiray, hasa ahaatee Djibouti markay gobanimadeedii bislaatay sabab kastaba ha ugu wacnaatee waxay door bidday inay gooni isaga taagto Soomaaliya inteeda kale.
Markii uu Faransiisku soo galay Djibouti, sanadkii 1862kii ilaa 1977kii oo ahayd markii ay xorowday malin keliya halgankaas ma joogsan, haddii ay ahaan lahayd siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba, laakiin marka aad fiiriso xukuumadda Djibouti sida ay ula dhaqantay shacabka Soomaaliyeed waa mid aad uga duwan tii laga filayay Djibouti.Sii Akhri
1 comment:
Warkaa wax badan baa ka jira waliba ninka qoray waa nin aan ku ammaanayo,laakiin SHariif Axmed ma aqriya?! kolayba waxba kuma qaateen, laakiin Ismaaciil Yare waanu la xisaabtimi doonaa, Alla dhowaa!....
Post a Comment