Tuesday 24 May 2011

Dagaalo xoogan oo ka dhacay deegaano hoostaga Magaalada Beledwayne

Muqdisho (RBC Radio) Dagaalo xoogan ayaa waxa ay ka dhaceen deegaano hoostaga magaalada Beledwayne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Dagaaladaan ayaa waxa ay u dhaxeeyeen ciidamada maamulka Sooxada Shabeele iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab ee maamula inta badan gobalka Hiiraan.
Warark ayaa waxa ay sheegayaan in dagaaladaan ay socdeen in mudaa isla markaana leesku adeegsaday madaafiic xoogan iyo qoryaha daran dooriga u dhaca.
Saraakiil ka tirsan maamulka Dooxada Shabeele oo saxaafada la hadlaya ayaa waxa ay sheegeen in ay guulo ka gaareen dagaalada ka dhacay gobalka Hiiraan.
Axmed Cabdalla Inji oo ka mid ah masuuliyiinta mamulka Dooxada Shabeele oo saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay la wareegeen deegaano hoostaga magaalada Beledwayn.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay khasaaro badan ay gaarsiiyeen ciidamada Al-Shabaab ee maamulka gobalka Hiiraan oo ay la dagaalameen.
Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalada xoogan ee ka dhacay goblka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Ma aham markii ugu horaysay oo ay dagaalo caynkaan oo kala ah ay ka dhacaan qaybo ka mid gobalka Hiiraan isla markaana ay dhexmaraan dhinacyadaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...