Wednesday 25 May 2011

Dabley Hubeysan Oo Dad Ku Leysay Koonfurta Gaalkacyo

Gaalkacyo (RBC Radio):- Laba ruux ayaa geeriyootey qaar kalena waxaa soo gaarey dhaawac kadib dabley hubeysan oo weerar ku qaadey saldhig ku yaala xaafada Wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Labada ruux ee gooriyootay ayaa ka tirsanaa ciidamada maamulka koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, waxaana ay u geeriyoodeen rasaas ay ku fureen dabley dooneysay in ay la baxaan dad laga soo xiray.
Dableyda ayaa ku guuleysatay in ay saldhiga koonfurta Gaalkacyo kala baxaan rag la sheegay in ay ahaayeen burcad isbaareysta gaadiidka rakaabka ah kuwaasi oo ay soo qabteen ciidamada Galmudug iyagoo isbaaro ay u taalo inta u dhaxeysa Gaalkacyo iyo deegaanka Dagaari.
Qaar ka mid ah dableydii weerarka soo qaadey ayaa la sheegayaa in uu soo gaarey dhaawac, mana jirto ilaa iyo iminka cid wax ka qabatay weerarkii hubeysnaa ee sida bareerka ah ay u soo qaadeen dabley heybtooda la garanayo isla markaana dad ku laayey saldhiga koonfurta Gaalkacyo ee ay weerareen.
RBC Radio.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...