Tuesday 24 May 2011

ONLF oo hor is-taagtay Shir ay Itoobiya ku qaban-laheyd Jaamacada(Imperial-Collge)ee London iyo Guuldaro-Siyaasadeed oo ku dhacday Daba-dhilifyaashii Itoobiya ka socday)

PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Wednesday, 20 April 2011 00:28

Safaarada Itoobiya ee wadanka UK ayaa waxa ay iclaalimasay shir ay ku qabanayso Jaamacada weyn ee Imperial college, shirkaas oo ay sheegtay inay kasoo qeyb galayaan masuliyiin ka badan 60 isugu jira wasiiro heer fadaraal iyo Madaxda heer Kililka ee EThiopia. Waxa kamid ahaa dadkan Madaxweynaka Kilinka Shanaad ee Itoobiya Cabdi Ileey I oo  isagu ah danbiile loo heysto dilal iyo xasuuq uu ka geystay dhulka Somalida Ogadeniya.

Haddaba Shirkan ayaa waxa been yiri Xoogaga taagera Halganka lagu baadi Goobayo Xoriyada iyo  Aayaha Ummada Somalida Ogadeniya. Jaaliyada Somalida Ogadeniya oo ay weheliyaan Jaaliyada Axmaarada iyo Qowmiyadaha kale ee Ethiopia ayaa Banaan bax aad u heersareeya oo xoog badan ku hor qabtay Jaamacada Imperial College London. 

 Waxay dadkan mudaharadaya ay hoosta kala sii xirteen Ardeyda Jaamacada Imperial College oo iyagu si xoogan u qaadacay Shirka Ethiopia rabto inay ku qabato Jamacada Imperial College: Halkaas oo dad kun ardey ahi ay isa soo tubeen Hallka Jaamacada iyaga oo wata boorar ay ku qoranaayeen : we Just Want to Study : isla markaasna ku dhawaqaya Goobtani waa Goob Waxbarasho siyaasad loogama baahna.

 Hadaba Policeka ayaa waxa uu hor istaagi kari waayay Mowjada Shacabka Jaaliyada somalida Ogadeniya oo xoog usoo baxay Maalinimadi Sabtida oo xoog ku jiiray Policeka iyaga oo albaabka Halka shirarka Jaamacada xoog ku dhaafay. Waxa arintaas ay keentay in Masuliyiinti Jaamacadu shir dag dag ah ay galaan uguna baaqaan Safiirka Ethiopia ee UK in shirka la joojiyo madama oo amniga faraha ka baxay. ardeyda Jaamacada Imperial College ayaa hal mar qeylo ku dhuftay soona dhaweeyay go’aanka jaamacada ee lagu joojiyay shirkii Daba qoodhiga ee Ethiopia soo dhoo dhoobtay.

 Waxa Daba qoodhigi iyo Woyanihi ku baryay waagi iyaga oo miciinsaday in si dhaqso leh ay u fakadaan ugana baxaan “Fire Exit-ka: jaamacada. Waxa Woyaanihii uu dib u galay abaabul si shirkooda ay ugu qabsadaan Safaarada Ethiopia dhexdeeda maadama meel kale aysan ku nabad gali karin.

 

Waxase aad yaab u leh: In shacabkii Banaanbaxa isugu soo baxay ay suuqa ceyrsadaan Dabaqoodhigii Iyo Woyanaha islamarkaasna ay ku xero oodeen safaarada Ethiopia. Shacabkan mudaharadaya ayaa ahaa kuwo si nabad galya ah ku mudaharadayay oosan geysanin wax dhaawac ah ama burnurin. Balse waxa jiray in dhowr qof oo Daba qoodhi ah oo naflacaarid ahaa oo ah qowmiyadaha axmaaro iyo Xaar wayaane inay kusoo weyraxeen shacabkii mudaharadayay halkaasna loogu geystay dhaawac iyada. 

 Waxa kale oo Jiray Buuqweyn oo ka dhex dhacay safarada dhexdeeda taas oo lanoogusoo waramay in Danbiile  Cabdi Ilay uu ku dhex dagaalamay safarada dhexdiisa, balse buuqaas dib ayaan idinkala soo socodsiin doona. 

 Jaaliyada Axmaarada Iyo Somalida Ogadeniya oo wada jir usoo qaban qaabiyay Banaanbaxan ayaa waxa ay noo sheegeen inay aad ugu faraxsanyihiin sida wanaagsan ee Policeku ula shaqeeyay una sugay nabad galyada Goobta. Waxa ay dheheen aad ayaan ugu faraxsanahay talaabada ay qaadeen maamulka Imperial College ee ay ku joojiyeen shirka caddaalad darada ah. Gudomiyaha Jaaliyada UK Xuseen ayaa yiri Shacabka faraha badan ee kunka qof kor u dhaafay ayyaa sabab u ah in la fashiliyo Guumeystaha waxana aad ugu faraxsanahay in codkayagi uu gudbay.

Guushan ayaa ah guushi ugu balaarneyd ee Jaaliyada Somalida Ogadeniya ay ka gaarto Banaanbaxyada looga soo horjeedo “Xaar Wayaane” iyo Woyanaha


Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

Email: Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...