Sunday 8 May 2011

Dhul boob xoogan oo ka socda degmada Xamar weyne iyo dadka reer Banaadirga ah oo ay soo foodsaartay cabsidii ugu xooganeyd.

amiirnuur.comDegmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ka socda dhul boob xoogan oo ay ka dambeeyaan dad ku dhow dhow  hogaamiyaha Dowladda KMG-ka Shariif Sheekh Axmed.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa degmada Xamarweyne lagu arkayay Maleeshiyaad beeleed taabacsan Shariif Sheekh Axmed oo howlo bur burin ah ka sameynaya qaar ka tirsan Xaafadaha degmadaasi Xamarweyne oo ka mid ah degmooyinka qadiimiga ah ee magaalada Muqdisho.
Odayaal iyo waxgarad ka tirsan beelaha Banaadiriga ee dega degmada Xamarweyne ayaa tilmaamay in maalmihii lasoo dhaafay si sharci ah loo bur buriyay dhismooyin badan oo qadiimi ahaas, kuwaasi oo ay degenaayeen dadka kasoo jeeda beelaha Banaadiriga, waxayna Odayaashu ay walaac xoogan ka muujiyeen dhaca iyo booba lagu hayo guryahooda.
“ Waxaa jira dad waraaqado gacan ku sameys ah laga soo siiyay Xafiiska madaxweynaha, waxayna doonayaan in qaab sharci ah ay ula wareegeen guryaheena” ayuu yiri Nabadoon C/rasaaq Malaayow oo ka mid ah Odayaasha degmada Xamarweyne.
Maxamuud Axmed Tarsan oo ku magacaaban Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Dowladda KMG-ka ayaa isna maalintii aheyd waxa uu ka hadlay arrinkaasi, wuxuuna sheegay inay ka warhayaan dhaca iyo boobkaasi ka socda degmada Xamar, isagoona ku goodiyay in tallaab laga qaadi doono dadka arrimahaasi lugta ku leh sida uu hadalka u dhigay.
Amiirnuur Media

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...