Tuesday 3 May 2011

Xasan Daahir Aweys oo Goor Dhoweyd Ka Hadlay Dilkii Osama Bin Ladin (Farriin uu soo Diray)

Muqdisho (RBC) Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay tan iyo intii ay soo bexeen wararka sheegaya geerida Osama Bin Ladin, hogaamiyihii ururka al-Qaacida.
Farriin qoraal ah oo Xasan Daahir Aweys uu gaarsiiyey telefishanka Al-Jazeera oo fadhigiisu yahay magaalada Doxa ee dalka Qadar ayuu ku sheegay in wararka ku saabsan geerida Osama ay soo gaareen hadey yihiin Xarakada Al-Shabaab laakiin waxba uusan ka bedeli doonin dagaalka socda.
” Way na soo gaartey geerida Sheekh Osama Bin Ladin, dilkiisuna ma ahan in arintaan ku dhamaanayso, Rag badan ayaa maray wadada uu qaaday Sheekh Osama”, ayuu ku yiri Fariinta Xasan Daahir oo ahayd af Carabi lagana baahiyey Al-Jazeera.
“Geeridiisana jihaadkii kuma dhamaan kuwan cadawga ah ee dilay Sheekh Osama waxay dili jireen Rushushii Illaahay CS, haddii ay qadartu timaadana arintu waa dhamaanaysaa, laakiin uma jeedo in Sheekh Osama Binu Ladin uu uu la boos joogey ama uu la heer ahaa Rushusha Alle sidaasna kama wado, laakiin waxaan ula jeedaa haddii dilku run noqdo markaa qadartii ayaa u timaaday”, ayuu sii raaciyey hadalkiisa Xasan Daahir Aweys oo ku sugan Muqdisho.
Sheekh Xasan wuxuu intaa raaciyey in dagaalka ka socda Soomaaliya iyo caalamka uusan ku hakan doonin geerida hal nin ama labo nin, balse ay jiraan kumanaan dagaalyahano oo ah Al-Qaacida iyo Shabaab oo diyaar u ah dagaalka.
Wuxuu hadalka Xasan Daahir soo baxay iyadoo shalay aroornimadii dawlada Mareykanka ay shaacisay inay hawlgal ciidankeeda sirta qaadeen ku dileen hogaamiyaha Qaacida Osama Bin Ladin, hawlgalkaasi oo ka dhacay magaalada Abotabad oo ku dhow caasimada Pakistan ee Islamabad.
Madaxweynaha Dawlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif iyo raysul wasaare Farmaajo ayaa labaduba soo dhaweeyey dilka Bin Ladin iyagoo sheegay inay keeni doonto in Shabaab ay weyso taageeradii ay heli jirtey.
Ururka Al-Shabaab ayaa horey u cadeeyey inuu ka tirsan yahay shabakada Al-Qaacida ayna kala mideysan yihiin dagaalka kasocda meelo kala duwan, aragtida iyo ciidanka intaba.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...