Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa tilmaamay in dagaalka saaka ay soo qaadeen Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Brundi iyo Uganda, kuwaasoo uu sheegay in ilaa 7-Taangi ay ku soo dagaal galeen, waxaana uu xusay in Mujaahidiinta ay jilbaha u aasteen.
"Cadawga Saliibiyiinta ee Uganda iyo Brundi waxay soo qaadeen guluf, iyagoo wata ilaa 7-Taangi, Mujaahidiinta waxaa u suura gashay inay gubaan labo Taangi iyo gaari cagaf cagaf ahaa, mid kalena uu hada go'doon galay markii uu God ay u diyaariyeen Mujaahidiinta uu ku dhacay"ayuu yiri Abuu Muscab.
Sidoo kale Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay ku jebiyeen, isagoo cadeeyay in dagaalka maanta uu ahaa mid ay si aar-goosi u soo qaadeen, kadib markii uu sheegay in xalay weerar ay ku qaadeen ay qasaare u geysteen fariisimana kala wareegeen.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada ay ka dagaalamayaan aagga Boondheere, isla markaana ay iska difaaceen duulaankii lagu soo ekeeyay, waxaana uu intaa raaciyay in ciidamo fara badan ay ka laayeen Ciidanka AMISOM.
Labada Taangi ayaa mid ka mid ah uu ahaa mid god ku dhacay, halka mid kalena uu difaac u ahaa, waxaana goobta uu dab ku qabadsaday Gaariga kale ee cagaf cagafta ahaa, kaasoo lagu dhiftay Gantaal garbaha laga tuuro, xilli uu aasayay gododka.
Dagaalo culus oo maanta ka dhacay degmada Boondheere ayaa ahaa mid faraha looga gubtay, kaasoo Ciidamada Dowladda oo taageeraya kuwa AMISOM iyo Xoogaga Al-Shabaab ay isaga hor yimaadeen, iyadoo labada dhinac guulo kala sheegteen, hase ahaatee Ciidamada Dowladda ayaa fariisimo ay ka mid tahay Xaruntii degmada Boondheere iyo qeybo badan la wareegay.
Daawo-Sawirada





No comments:
Post a Comment