Saturday 25 June 2011

Ciidamada DKMG oo u Dhaqaaqay Dhinaca Degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere

Muqdisho (RBC) Warar naga soo gaaraya degaanada Buuloxaawi iyo Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ay dib uga soo cusboonaadeen deegaanada gobolkaasi ka dib markii ciidamada DKMG ay bilaabeen maanta inay u ruqaansadaan dhanka deegaanada ay Shabaabka maamulaan.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan DKMG Soomaaliya ay saaka u dhaqaaqeen dhanka degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere oo labaduba ay hadda gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab, waxaana la soo sheegayaa in dhanka ciidamada Shabaab ay iyaguna bilaabeen diyaargarow xoogan ka dib markii ay ka war heleen dhaqdhaqaaqyada ku soo wajahan.
Dad ku sugan Buurdhuubo ayaa maanta usheegay RBC Radio in degmada ay ka jirto xaalad deganaansho la’aan iyadoo dadka ay aad uga cabsi qabaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi.
Saraakiisha Shabaab iyo ciidamadooda ay diyaarsadeen dhufeysyo godad ah si ay u adkeystaan gacan ku heynta degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere oo ah labada degmo ee kaliya ee Shabaabka ka maamulaan Gedo.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan wasiirka gaashaandhiga DKMG C/Xakiin Xaaji Fiqi uu tababar u soo gabagabeeyey illaa 500 askari oo lagu tababaray Doolow iyo Dhoobley kuwaasoo dawladu ugu talagashay inay ka soo dagaal galaan Gedo iyo Jubbooyinka.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...