Saturday 25 June 2011

Tuulada Yalho Ee Gobolka Bari Oo Laga Helay Meydka Laba Ruux Oo La Bireeyay

Yalho (RBC Radio):- Meydka laba ruux oo surka laga bireeyay ayaa laga helay bartamaha tuulada Yalho ee gobolka Bari sida ay xaqiijiyeen dadka degan tuuladaasi.
Wararka laga helayo dadka deegaankaasi ayaa sheegaya in ay arkeen meydka laba ruux oo qaba lebiska ciidanka ee tuutaha oo laga bireeyay surka, waxaana ay intaa ku dareen in ay tuhunsan yihiin in raggaasi ay ka tirsanaayeen ciidamada Puntland ee Galgala jooga.
Meydka labadani ruux ayaa la cadeeyay in ay ka mid ahaayeen afar ruux oo maxaabiis ahaan ay u qabteen maleeshiyaadka Maxamed Siciid Atam kuwaasi oo bartamihii bishii May dagaal gaadmo ah ku qaadey fariisin ciidan oo ay Puntland ku laheyd deegaanka Galgala.
Saraakiisha ciidamada Puntland oo la weydiiyey arimaha meydka labada ruux ee lasoo dhigay tuulada Yalho ayaa waxay sheegeen in ay ka war heleen arintaasi, hase ahaatee ay wadaan baaritaano xoogan oo ay ku doonayaan in ay ku kala xaqiijiyaan in raggaasi ay ciidamada Puntland ka tirsanaayeen iyo in kale.
RBC Radio.
Tags:

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...