Monday 20 June 2011

Xidh. Cismaan Caato “Raisul wasaarihii ay jeclaayeen shacabka Soomaaliyed waxaa u baas-baxay najis najis dhalay oo Soomaali ku sheeg ah, Mahiga iyo Ugandha


Xildhibaan Cismaan Cali Caato oo ka mid ah mudaneyaasha Baarlamanka Somalia ayaa ku tilmaamay talaabadii uu xilka isaga casilay raisul wasaare Farmaajo mid aan isaga ka iman balse ay ku qasbeen kuwo uu ugu yeeray iney cadow ku yihiin danaha Qaranka iyo rabitaanka ummada Soomaaliyeed.
Cismaan Caato oo ka mid ahaa tiro xildhibaano ah oo maanta loo diiday iney shir ku qabsadaan xaruntii golaah shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in xarunta golaha shacabka ay tahay mid u xiran shaqsi uu ula jeeday gudoomiyaha Baarlamanka Somalia shariif Xasan Shiikh Aadan isagoo madaxweyne Shariifna ku tilmaamay nin liita oo kaliya u ooman xukun uu sii heysto.
”Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in la diiday dowladdii ay doonayeen inaguna aan doonaynay, ayna diideen najis najis dhalay oo Soomaali sheegta oo dabada ku wata shisheeye ay ka mid yihiin Uganda iy Mahiga oo aan maslaxad u heynin shacabka, waana inaan u diyaargarowno inaan kuwaas iska celinno oo aan dagaal la galno waxba inooma dhaamaan Al-shabaab," ayuu yiri Mudane Cismaan Caato.
“Labo nin ayuu dalku u afduuban yahay oo dhaqaalaha dalka guranayay laba sano, waa kuwa leh yaan mudaaharaadyo la qaban oo shacabku uusan muujin dareenkooda maxaa dambiilayaal ka dhigay Sheekh Mukhtaar Roobow, Sheekh Fu'aad Shangole, Sheekh Xasan Daahir, Labada Shariifna ka dhigay wadaniyiin” ayuu isweydiiyey xildhibaan Caato oo la qeybsanayey shacabka soomaaliyed dareenka murugada leh ee ay ay ka qaadeen iscasilaada RW Farmaajo uu ku dhawaaqay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...