Sunday 5 June 2011

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo xariga ka jaray wadada Afisyooni ee magaalada Muqdisho

Muqdisho (RBC Radio) Munaasabad maanta ka dhacday wadada dheer ee isku xirta  Ceelgaab ilaa iyo Afisyooni ayaa waxaa ka soo qeeyb galay mas’uuliyiin ka socoto Dowladda oo ay ka mid ahaayeen Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamad C/llaahi Farmaajo,  Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo masuuliyiin kale
Munaasabadaan ayaa waxa ay ahayd mid masuuliyiinta dowlada KMG Soomaaliya ay ku soo eegayaan wadaadaan oo dhowaan dayactir balaaran lagu sameeyay.
Intaasi kadib  Maxamad C/llahi Maxamad Farmaajo waxa uu xarigga ka jaray wadada isku xirto Umulotoriyo Ceel gaab ilaa iyo Afisyooni halkaa uu dhawaan maamulka gobalka Banadir dayactir ku sameeyaay.
Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa haalkasi ka hadlay waxa uuna ugu horeeyn u mahad ciliyay guddoomiyaha gobalka Banaadir oo muujiyay hoowlkarnimo islamarkaan qeeyb weeyn ka qaatay amniga magaalada Muqdisho
Raysal wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xiligaan ay dib u soo laabato bilicdii magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir oo asna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la dayac tiro wadooyinka magaalada Muqdisho waxa uuna sheegay in maamulkiisu uu sii wadi dono arintaan.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...